Axmed Madoobe “Somaliland Waa Dowlad Daris la ah Soomaaliya “!!

0
150

amedHogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Magaalada Kismaayo ku soo laabtay ayaa Warbaahinta u qabtay Shir Saxaafadeed,waxaana uu uga hadlay Arrimo badan oo ay kamid tahay kala dirista Golaha wakiilada Jubbaland iyo Soomaaliland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulkiisa uu Aqoonsaday Soomaaliland islamarkaana uu u Aqoonsaday Dowladda ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.
“Soomaaliland laga bilaabo Maanta waxaan u aqoonsanay Dowlad Madax banaan oo Soomaaliya la daris ah,waxaan u sheegeynaa Shacabka Soomaaliland in ay yihiin Dowladda Soomaaliya ka Madaxbanaan”ayuu yiri Axmed Madoobe.