Degmada Sayla Bari oo lagu wareejiyey Baabuur Loo Iibiyey.

0
182

5 4 DSCN0110 DSCN0106 DSCN0104 DSCN0102 DSCN0101 DSCN0091 DSCN0088 DSCN0086 DSCN0066 DSCN0065 2 1 3Sayla bari (Waaheen) Xaflad aad u qiimo badan ayaa saaka lagu qabtey Degmada Sayla bari ee Gobolka Hawd, Xafladan oo ujeedadeedu aheyd in ay kula wareegaan Laba Gaadhi oo loo Iibiyey Degmada Sayla iyo Gurigii Degmada oo loogu dhagax dhigayey.

Waxa xafladaas kasoo qeyb galay marti sharaf aad u qiimo badneyd oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Wasaarada gaashaan-dhiga, Badhasaabka Gobolka Hawd, Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi C/laahi, Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Suldaan C/qaadir Xasan Daahir, Boqorka Beelaha Ayuub Boqor Cali Xuseen Kaahin, Madax-dhaqameedyo farabadan oo ka kala socdey Beelaha Somaliland, Marti sharaf aad u tiro badan.

 

Dhamaantood waxay si guud ugu mahad-naqeen dadkii soo iibiyey Baabuurka Gudoomiyaha Degmada C/raxmaan Sheekh Xuseen, waxa kale oo ay u mahad naqeen taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo soo bixiyey Baabuurka Polis-ka Degmada iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Waran-cade, iyaga oo si guud ugaga duceeyey in ilaahey cimriga iyo caqligaba u barakeeyo.

 

Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Suldaan C/qaadir Xasan Daahir ayaa u mahadnaqey Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku tilmaamay Madaxweynihii waxqabadka iyo horumarka Somaliland, sidoo kale waxa isna u Mahadnaqey Madaxweynaha Boqor Cali Xuseen Kaahin, oo ku tilmaamay mid usoo jeeda waxqabadka shacabka Somaliland.

 

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey oo ah Afhayeenka Salaadiinta iyo Dhaqanka Somaliland ayaa aad iyo aad uga waramey hawlihii uu lasoo qabtey Guddida horumarka Degmada Sayla Waxaanu sheegay in uu guddida u raacey ilaa Wasiirka Arimaha Gudaha isagoo tilmaamay in uu gaadhiga Polis-ka qeyb weyn ka qaatey soo saaristiisa, waxaanu u mahad naqey Guddida Horumarinta Degmada Sayla Bari.

 

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud ayaa si guud uga waramey xaaladaha kala duwan ee Degmada Sayla Bari iyo Waxqabadka ay Xukuumadu ka fulisey Degmada muddada 4 sano iyo dheeraadka aheyd ee ay dalka ka talineysay, waxaanu sheegay in Degmada laga dhisayo MCH Caafimaad oo hore loo dhagax dhigey, Gurigii Martida ee Degmada, Xafiisyadii Degmada, Saldhig Polis oo hawshiisa uu soo dhameeyey, iyo imika oo Baabuurtii lagu wareejiyey Degmada, waxaanu Wasiirku sheegay in ay ugu maqan yihiin Degmada Riigii Biyaha soo saarayey oo Xukuumadu ka fulineyso Degmada.

 

Wasiirku waxa uu shacabka ku dhiirigeliyey Ilaalinta Nabad-gelyada iyo in ay iyagu wax qabsadaan, marka ay waxqabsadaana waxii ka dhinaada uu Xukuumada kula galgalan doono, waxa sidoo kale uu Wasiirku tilmaamey in Degmada sayla Beelaha Degan looga baahan yahay in ay wax ku darsadaan dhismaha Jidka ceerigaabo iyo kuwa Ka socda Hareerahooda sida Jidka Baligubadle iyo ka Allaybadey.