Magaalo madaxda labaad ee Kenya oo laga cabsi qabo in ay la wareegaan Al-shabaab

0
73

Mombasa(Waaheen) Dawlada Kenya ayaa la sheegay iney walaac ka qabto in dagaalyahano la fikir ah Xarakadda Al-Shabaab ay ka dilaacaan magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi.

Kenya ayaa si gaar ah indhaha ugu haysa magaalada Mombasa, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday suuq ku yaala magaalada Nairobi.

Inkastoo kooxdii suuqa Westgate weerartay ay dawlada Kenya aaminsan tahay inay Soomaaliya ka yimaadeen haddana waxaa dhanka kale hay’adaha amaanka Kenya aaminsan yihiin inay taageero ka haysteen koox ku sugan magaalada Mombasa.

Halka ugu weyn ee Kenya ka walaacsan tahay waa masaajidka Musa oo Mombasa ku yaala kaasoo dhawaan mar la geeyay ciidamo si gaar ah u tababaran oo dhalinyaro fara badan ku qab  qabtay.

Masjidul Musa dawlada Kenya waxay ka aaminsan tahay in lagu wacyo galiyo dhalinyarada Muslimiinta ah laguna dhiiri galiyo inay ku biiraan Xarakadda Al-Shabaab, sidoo kalena lagu tababaro dhalinyarada Al-Shabab ku biira ka hor inta aanay Soomaaliya u safrin.

Wargeyska Daily Nation ayaa ku waramay isagoo soo xiganaya xubno ka tirsan hay’adaha amaanka Kenya in dadka la tuhunsan yahay uu ka mid yahay shaqsi magaciisa lagu sheegay Abu Bakar Shariif Axmed (Makaburi).

Makaburi oo ka mid ah shaqsiyaad ay QM xanibtay inay dibadaha u safraan ayay warbaahinta Kenya kasoo xigatay in isaga iyo bulshada Mombasa ku farxeen sida ay wax uga dhaceen suuqa Westgate, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay aad baa loo doon doonayay.

Sidoo kalena mar ay waraysatay wakaaladda wararka AFP waxaa uu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin dagaalka Jihaadka ah ee Soomaaliya ka socda, sidoo kalena dawlada Kenya ayaa ka jawaabi doonto duulaanka ay Soomaaliya ku qaaday.

Dawlada Kenya ayaa xoog badan galinaysa xaqiijinta amaanka magaalada Mombasa oo dawlada uu dhaqaale badan kasoo galo si aanay gacanta u galin kooxo gacan saar la leh Xarakadda Al-Shabaab.