Author Archives: Rashiid London

DJIBOUTI IYO SOMALILAND WAA UL IYO DIIRKEED

   HORDHAC:  Maqaalkani waxaa la faafiyay 10 sandood ka hor markii President Rayaale booqdey Djibouti  xidhiidhka labada dal oo hagaday ilaa sanadkii 2005. Madaxwene Rayaal wuxu si geesinimo leh u fideyey taageero… Read more »

Mujaahid Eid ali Ahmed oo khudbad qiimo leh ka jeediyey Cardiff

  Waa khudbad qiimo leh oo uu  Professor Eid Ali Salan ka jeediyay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu taageerayo isbedelka siyaasadeed ee waddanka ka… Read more »

Jameecoweyn charity ayaa 25 qoys u qaybisay raashin si ay ugu afuraan bisha Ramadan

ururkan oo ah mid la sameey 13kii Jun 2016 kii ayaa noqday Mucjiso .Jameeco Weyn charity oo ah urur ay ku bahoobeen dadkii dibada iyo qurba jooga ah ee reer… Read more »

Dallada SSE oo Baaq Nabadeed u diraya muwaadiniinta ku dagaalamaya Gobolka Sool iyo Abaarta baahsan

    Taariikh:22/04/2017 Tixraac:  SSE/DK 060/22042017   Dallada SSE oo Baaq Nabadeed u diraya muwaadiniinta ku dagaalamaya Gobolka Sool iyo Abaarta baahsan ee waddankii ku habsatay   Ururka kulmiya jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE)… Read more »

Laba Maalmood oo aan Qaad la cunin ayaa wax u tari lahaa Dadka abaartu madhisay!

600 boqol oo kun oo Dollar ayaa qaad lagu cunaa Somaliland ,dadkiina abaar ayaa madhisay. daawo muuqaalkan oo diir nax dadkaaga.   Waaheen Media Group    

Heshiiska Dawladda imaaraadka iyo Somaliland ee Saldhiga militari ee Berbera

Tolow bahalaha aynu cuni doonaa miyey innagu soo toosi?   Hubaal dalkeenu maalgalin wuu u baahanyahay, laakiinSoomaalidu horray ugu maahmaahday “waan baahanahaylooma bahalo cuno”. Innagoo heshiiskii DP World ee DekedaBerbera ka soo kaban ayuu heshiiska saldhiga Milatari eeBerbera innoogu darsamay.  Heshiiskan ay dawladdaSomaliland la gashay dawladda Imaaaraadku waa heshiisshacabka Somaliland ka qaylisiiyey meelwalba oo ay daafahadunnida ka joogaan inkastoo dad badan oo soo dhaweeyeynajiraan. Annigu saldhig milatari oo dawlad ajnabiyi leedhay oodhan waan necebahay waanan ka soo horjeedaa waayofasahaad iyo dhaqan xumo ayuu wataa. Dawladda Somaliland laakiin waxay inna leedahay faa’iidooyin waawayn baa inoogujira xag dhaqaale, shaqo abuur, horumar… yacnii bahalahawaynu iska cuni si aynu baahida uga baxno.   Shacabka Somaliland waxa aad u wareeriyey oo niyadjab u keenay nuxurka heshiiskan iyo qodobadiisa oo aan si cad loola wadaagin. Taasi waxay keentay in dawladda siibaashkhaasta heshiiska soo dhameeyey ee ka dhax muuqda lagashikiyo waayo wax la qariyo qudhun baa ku jira.   Sida aynu la socono beesha caalamku Soomaaliya ayeyinnagu tirisaa, markaa ma la hubiyey in ayna Soomaaliyahoosta innaga xaraashin oo heshiiskan aynu la galnayImaraadku shaanbaddii Soomaaliya iyana dhinac kale kagaoolin .  Maqaal aan ka akhriyey Hiiraan.com, Hanti dhowrkaguud ee Qaranka Dawladda federaalka ee Soomaaliya – Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku eedaynaya heshiiskan in ay kadanbeeyeen masuuliyiin ka tirsan Dawladda FederaalkaSoomaaliya iyo dawladda Somaliland.  Waa arrin ay tahay in laga fiirsado oo la hubiyo inkastoo imika hubsiimo waxbainoo tarayn.   Sida saxaafadda aan ka akhriyey Guddoomiyaha golahawakiilada Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan golaha ayaa kabaxay shirka loogu codaynayey mooshinka saldhigaMilatariga. Markaad qiyaasto culayska heshiiskani leeyahay, dhacdadadni waa wax lala yaabo hadday wax ka jiraan. Sidayku dhici kartaa in Guddoomiyuhu ka maqnaado shirmooshinkan inta leeg loogu codaynayo; mooshin iyo heshiissaamayn wayn ku yeelan kara ummauddiisa dhinac walba ?   Berbera iyo Somaliland ba wax faraq lagu qaado ka waynlaakiin heshiiskan sidan si ka wanaagsan ayaa loo maaraynkari lahaa. Ummadda Somaliland waxa ka masuul ah dawladda ay dooratay oo ay ka mid yihiin labada goleeGuurtida iyo Wakiiladda. Waxaan rajeynaynaa in ay dawladdumasuuliyadda loo doortay si xilkasnimo iyo dal jacayl ku jirouga soo baxdo.  Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta Somaliland eeheshiiskan, kuwa soo socda iyo kuwii tegay ka danbeeyeywaa in la ogaysiiya in la qorayo khaayimiin qaran, haddiimusuqmaasuq lagu cadeeyo, kuna xadgubbaan qadiyadda iyosharciga Somaliland. Danbiga intaa leegna meel walba oo ayjoogaan ummadda Somaliland way kala xisaabtami doonto. Innaga waxa innaga waajib ah in aynu masuuliyiinteena garabistaagno, bilaa cadayn aynaan iskaga tuhmin, si kastoo shaki u jiro, ileen innagaa dooranee.   Waxaan rajeynayaa in ayna dawladda imaaraadku u isticmaalin saldhigan military sifo ay wax innagu yeesho, amadawladaha kale ee aynu jaarka nahay dhibaato ugu gaysatohaddii uu hirgalo.   Illaahay heshiiskan mid khayr qaba ha innooga dhigo. Aamiin Maxamad Cumar Maygaag (Taag)… Read more »

Darlington Foundation ayaa Casho Sharaf u fidiyey arday badan

Warbihin: Darlington-GacmadheereFoundation Ururka Darlington-Gacmadheere Foundation ayaa 30kii/1/2017 casho sharaf kumarti qaaday ardayda uu ururkaasi taageero. Martqiqaadkaa soo ka dhacay hotelka Fish and Steak ee magaalada Hargaysa ayaawaxa ka soo qayb galay madaxda sare ee ururka oo kala ah: Mr. Richard Sills iyoxaaskiisa Dr. Susan Sills oo ka yimi waddanka Ingiriiska si ay ula kulmaan ardaydaiyo madaxda kale ee ururka iyo Md.Iid Calisalan oo isagu lahaa hindisihii laguaasaasay ururkan lagu taageerayo ardayda xagga wax-barashada ugu fiicanSomaliland.Sidoo kale waxa iyana madashaa casho sharafta ahayd ka soo qaybgalay ardaydaururka ka tirsan oo ay ka mid yihiin kuwo qalin jebiyay iyo qaar wali badan kooda ay weli wax-barashadu u socoto iyaga oo isaga kala yimi magaalooyiinka Boorama, Hargaysa iyo Burco oo Jaamacadaha kala dhigta. Kulan kaasi casho-sharafta ahaa waxaa ugu horrayntii furay Md. Iid Cali salan isagaoo xusay Mr. R R Darlington (1919-2007), oo ah ninka ururkan loogu magac daray, ahaana maamulihii u horreeyay ee dugsigii sare ee Camuud, markii danbenamaamule ka noqday dugsigii sare ee Sheekh xilligii Ingiriiska, halkaa soo aywax kubarteen dad badan oo manta ka dhexmuuqda ummadda reer Somaliland oo uu uguhorreeyo madaxwaynaha talada dalka haya ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud“Siilaanyo”.Md. Iid Cali salan oo isaga laftiisu ahaa ardaydii uu macallinka u ahaa Mr R RDarlington, markii danbena wax ku soo bartay waddanka Maraykanka iyo Ingriskaayaa waxa uu ardaydii kulanka ka soo qayb-gashay u faah-faahiyay ujeedada kadanbaysa ururkan iyo sida loogu baahanyahay in ay shamaca aqoonta u ifiyaandadkooda iyo dalkooda. Waxanu ka Hadley ujeedadeyinka loo aasaasay Darlington Gacmadheere Foundation oo ah saddexdan qodob ee hoos ku qoran: ▪ In laga caawiyo dhanka dhaqaaleha talooyina lasiiyo ardaydaSomaliland si eey uga helane Jaamacadaha Somaliland waxbarashohaboon ▪ Horumarinta iyo kobcinta waxbarashada Somaliland ▪ Dhiiri galinta iyo isku xidhka dadweynaha ee xidhidhkii hore eetaarikhiga ahaa ee boqortooyada ingriiska iyo Somaliland kadhexeeyay. Md. Iid Cali salan sidoo kale waxa uu ka warramay sida ayu soo xushaan ardaydaay qaadanayaan, Waxa uu sheegay inaan ardayda loo eegin marnaba weji, reer, lab mise dheddig iwm, balse sida keliya ee ay ku doortaan ay tahay in ardaygu wax-barashada ku wanaagsan yahay, kow, laba inuu u baahan yahay fursaddan oo aanuheli Karin inuu iska bixiyo fee-ga jaamacadda.Waxaana uu sheegay in ardayda ay taageeraan ay ka soo kala jeedaan dhammaan gobollada Somaliland, min bari ilaagalbeed, laga soo bilaabo Badhan, Ceerigaabo, Laascaanood, Buuhoodle, Burco, Berbera, Hargaysa, Balli-gubadle, Gabilay, ilaa Boorama. Intaas ka dib waxa madashaas hadal ka jeediyay Mr. Richard Sills oo hadda ah madaxa ururkan, adeerna uu u ahaa Mr. RR Darlington. Mr Richard Sills waxa uu kasheekeeyay sidii uu adeerkii RR Darlington ku bartay dadka Soomaalida taasooahayd xilligii ay askartii reer Somaliland kaga qayb galeen waddanka Burma dagaalkii labaad ee adduunka 1940-maadkii. Mr RR Darlington waxa aad u soo jiitaydhaqanka iyo geesinnimada soomaalida, Markii uu dagaalkii dhamaaday, RR Darlington waxa uu ku noqday waddankiisii Ingiriiska isagoo waxbarashadiisii, oodagaalku ka kala gooyay sii watay. Markii uu waxbarashadiisii soo dhammaystay RR… Read more »

TAHNIYAD AROOS

  Dhammaan Reer Kilas jama iyo Reer Mohamed Rodol  oo kala ah: Ahmed Kilas Jama, Samira Hussein Rodol, Hassan Kilas, Hussein Kilas, Amina Kilas, Mohamed Ahmed Kilas, Bilaal Ahmed Kilas,… Read more »

Jameecoweyn Group oo Mahadnaq u diraya Sucaad Careys Ciise

Jameecoweyn Group oo ah group la sameeyey bishii lixaad ee sanadkan ahna mid samafal ah oo ay ku bahoobeen dadkii daganaan jiray Jameecoweyn si ay daryeelaan una kaalmeeyaan walaalahooda baahan.dadkaas… Read more »

© 2018 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.