jaamacada gollis oo ku talaabsatay horumar la taaban karo

jaamadajaamacada gollis oo ku talaabsatay horumar la taaban karo noqotayna  jaamacada ugu maamulka  wanaagsan  jaamacadaha somaliland wax badana dalka ku soo kordhisay . W/Q: farhan mohamed hassan (rakad)

 

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha

Jaamacada gollis oo la aasaasay 2004 fikirkeeda iyo socodsiinteedaba uu lahaa DR: siciid Ahmed Hassan Ibrahim, DR siciid ahmed hassan wuxuu sameeyay dadaal joogtaa iyo dulqaad aan kala go, lahayn, runtii sida aynu ognahay furaha guusha waxa kaw ka noqda dulqaadka iyo dadaalka halkaas oo uu in badan dadaal joogtaa ka waday, maxaa yeelay dadaalka uu sameeyay ayaa ahaa mid aad u badnaa.

Waxa horumar inoo ah in  jaamacad in yar jirtay  oo hadana aad ka yaabaysid xawliga ay ku socoto iyo horumarka aqooneed ee ay dalka ku soo kordhisay waana jaamacada kaliya ee somaliland ka dabooshay baahidii waxbarasho ee dad badani u aadi jireen dibadaha oo sababtoo ah qofkastaa waxaa uu jecel yahay in caruurtiisu dalkooda wax ku bartaan tusaale ahaan xaga hablaha oo iyagu ku wanaagsan inay dalka wax ku bartaan taasna waxa suuro galiyay in  gollis university noqoto jaamacad laga helo waxbarashadii ugu muhiimsanayd ee dibadaha loo aadi jiray halkaas oo qofkastaa kala kulmi jiray dhibaatooyin joogtaa iyo qarashaad aan dad badani awood u lahayn.

Dr siciid waa hal door dalka iyo dadkaba wax u qabtay abaalna ku leh dawlada, iyo ardayda iyo cidkasta oo u shaqaysa  jaamacada. Waxa kale oo uu imika  qorshihiisu suuro galiyay inuu dalka  keeno MBA program noqotayna jaamacada kaliya ee bixisa MBA  halkaas  dad badana maanta dhigtaan taasina waa horumar lagu farxi karo .

jaamacada gollisna waa jaamacad dalka baahi badan ka dabooshay . waa jaamacad ku taal  sadex magaalo oo kala ah burco.berbera, iyo xarunteeda wayn oo hargeisa.

Jaamacada gollis waa jaamacad leh maamul wanaagsan oo is ogol cidkastaana waxay guulaysayaa markay is ogoshay. Guusha jaamacadana waxa horseed ka ah DR siciid iyo dhamaan cidkasta oo ku xiran jaamacada sida shaqaalaha , macalimiinta, ardayda, iyo dawlada oo iyana la,aanteed aanay waxba socdeen,

 

 

 

 

Jaamacada gollis waxay soo martay marxalado badan waxaanay soo saartay arday maanta ka kala shaqeeeya HAAYADAHA CAALAMIGA AH EE DALKA .DAWLADA, SHIRKADAHA, IYO GANACSATADA DALKA

Jaamacada gollis oo leh nidaam aanay lahayn jaamacada kale taas oo sababtay inay guulaysato nidaamkaas waxa uu suuro galiyay in shaqadu socoto sidii loo qorsheeyay nidaamkaas oo ah in la maamulo qof kasta oo jaamacada ka shaqeeya laguna maamulo qalab electronic ah kaas oo qofkastaa uu farta saaro markuu soo galo jaamacada iyo markuu ka baxo jaamacada ee uu rawaxayo halkaasna laga ogaado cidkasta oo jaamacada maalintaas ka maqan ama ay adkaato in si dhayal ah loo maqnaado,

Jaamacadu waxa kale oo ay leeday xafiis kormeera kaas oo ku shaqeeya inspection ama baadhe kaas oo daba socda inay xiisaduhu sidoodii u socdaan.

Jaaamacada gollis waa jaamacad ka dhisan gudaha halkaas oo cidkasta mashquul ku tahay shaqadii loo igmaday. xaqiiqdu siday tay  . waxa guushaas markasta kow ka ah gudoomiyaha  jaamacada oo iyada un ku mashquula halkaas oo aanu maalina ka maqnaan markastana uu diyaar u yahay horumarinta jaamacada.

Gudoomiyaha wanaagsan waa gudoomiyaha shaqaalaha kaga soo horeeya goobta  shaqada. Horumarka meelkasta waxa ay ku xidhan yahay nooca hogaanka.  dr siciidna waxa uu noqday gudoomiye arday iyo macalinba kaga soo horeeya jaamacada halkaas oo markasta xaalada jaaamacada uu  la socdo.

Jaamacada gollis waxay qayb laxaad le kaga jirtaa shaqaalaysiinta dad badan oo muwaadiniin ah halkaas oo ay u shaqeeyaan  tiro ka badan 200 qof oo isugu jira macalimin iyo maamulba runtu waxay tahay jaaamacad ay u shaqaynayaan 200 oo qof toban sano ka dibna waxa u shaqayn doona shaqaale ku dhaw 4000 oo shaqaalaha  taasina waxay ku tusaysaa inay ka shaqaale badan tahay shirkada badan oo dalka jooga ah iyo haayado caalami ahba.

Waxa jira meelo badan oo ay ku guulaysatay jaamacadu waxaanay kala yihiin

1: xaga waxbarashada

Jaamacada gollis waxay ku guulaysatay inay dalka keento waxbarasho aan dalka hore u oolin  ama aan lagu dhigi jirin waana jaamacada kaliya ee dalka ka dabooshay baahidii  waxbarasho ee dalka taalay halkaas oo ay  dadka iyo dawladuba ay aad u soo dhaweeyeen.

Jaamacada gollis waxa ay jaamacadaha kale kaga duwan tay waxay bixisaa scholarship waxaanay siisaa ardaydga ugu saraysa classkasta halkaas oo ay noqotay jaamacada qudha ee bixisa fursadaas arday kasta waxay u noqotay (motivation) dhiiri galin ardaykasta waxaanu sameeyaa dadaal joogtaa. Scholarshipkaasi wuxuu suuro galiyay inay soo baxaan arday dhisan oo aqoon leh maxaa yeelay qofkastaa dhinac gaara ayuu ka fikirayaa oo uu is leeyay hel scholarshipkaas.

 

Jaamacada gollis waxay bixisaa facultiyada ugu badan ee ay jaamacadi bixiso markastana waxay eegtaa kolba waxbarashada dalku u baahan yahay  iyadoo samaysa research ku saabsan kolba culuumtay ku soo kordhinayso iyo sida loogu baahan yahay culuumtaas . qayabaha (culuumta) jaamacadu bixiso waana sidan hoose: ——————-

 

All Faculties

  • Engineering

ü Civil   engineering

ü Telecommunication engineering

ü Computer  engineering

Faculty of Social and Behavioral Science

  • Faculty of Medicine and Public Health

ü General medicine

ü Public health

ü Laboratory technology

  • Faculty of Islamic Sharia and Law
  • Faculty of Geology and Water Resources
  • Faculty of Veterinary
  • Faculty of Education
  • Faculty of Management Science and Information Technology
  • Faculty of Agriculture

Faculty of Engineering

  • Bachelor of Science of Telecommunication Engineering
  • Bachelor of Science of civil Engineering
  • Bachelor of Science of Computer Engineering
  • Bachelor of Science of Industrial Engineering (Berbera Campus)
  • Bachelor of architecture and urban planning

Faculty of MSIT

  • Bachelor of Management Science and Information Technology
  • Bachelor of Business Administration
  • Information communication technology
  • business and information technology
  • economics

Faculty of Social and Behavioral Science

  • Bachelor of Social work and Social Administration
  • Bachelor of criminal justice and Security

 

2. Tirada  shaqaalaha macalimiinta iyo ilaalada

Runtii jaamacada gollis waa jaamacad loo ilaaliyo sida ugu wanaagsan  ee loo ilaaliyo meelaha muhiimka  waa jaamacad ay dhex maraan ciidamada kala duwan ee amaanka .

Xaga shaqaalaha waxa ka shaqeeya shaqaale badan oo kala duwan lehna xirfad shaqo wanaagsan waxaana u shaqeeya macalimiin xula kuwaas oo jaamacadaha kale aanay intooda badan haysan waa jaamacad qayb muhiima kaga jirta xaga shaqaalaysiinta oo sanadkasta qaata shaqaale kala duwan door muhiimana kaga jirta xaga shaqaalaysiinta dalka halkaas oo aanay dawlada ogayn ba inay qayb laxaad leh kaga jirto .

Tirada macalimiinta Tirade ilaaliyaasha
178 34
Jaamacada ugu macalimiinta badan Ilaaladeedu waa halka ugu wanagsan

 

Tirade ardayda iyo computerada ay isticmaalaan

Runtii jaamacad jirtay mudo aan badnayd iyo inta arday ee dhiganaysa iyo inta sugaysa inay ku biirto waa wax lagu farxo

Tirade ardayda oo dhan Tirade computerska ay isticmaalan
2895 arday baa dhigata 256 computer bay isticmaalaanIntooda badan lakin waxay isticmaalan computerka gacan oo ay iska leeyiin

 

Jaamacada gollis waxa dhigta ardayda ugu badan ee dalka waana ardayda ugu wanaagsan markaad u fiirsato anshaxooda iyo aqoontooda kuwaas oo ku guulaysa meelaha shaqooyinka looga tartamayo guushaasna  waxa sabab u ah aqoonta ay ka heleen jaamacada oo ah tii ugu saraysay.

JAAMACADU waxay rajaynaysaa inay ka mid noqoto jaamacada ugu wanaagsan geeska Africa 2015 taas oo aan filayo inay noqon doonto maxaa yeelay markaan u fiirsaday horumarka laxaad leh ee ay ku socoto ayaan ogaaday inay gaadhayso halka ay hiigsanayso. jaamacadu oo rajaynaysa inay noqoto jaamacada ugu wanaagsan geeska Africa ilaahayna waan ka baryayaa inay noqoto. waxa wanaagsan in  la taageero qofkasta/organizationkasta  oo dalka iyo dadkaba horumarkeeda ka shaqaynaya jecelna guusha qaranka iyo guusha ardayga .

Waxa aan halkan uga mahadnaqayaa Aydarous Mohamed abiib oo ka mida maamulka sare jaamacada haystana ACADEMY AFFAIRS AND REGISTRAR oo in badan oo macluumaada  iga siiyay jaamacada markaan waday  article ka  .

 

3.guushii ugu qaalisanayd ee ay gaadhay jaamacadu

Jaamacadu waxay ku guulaysatay in ay dalka keento digital library kaas oo arday kasta ka caawinaya inuu si dhib yar ku helo buug kasta oo uu u baahan yahay iyo video kasta oo ka caawinaya waxkasta oo uu rabo ama ay rabto arday kasta oo jaamacada dhigta.

Waxaanay jaamacada gollis noqotay jaamacada kaliya ee intii dalka la soo galay ku guulaysatay inay dalka keento digital library kaas oo ka mida horumarkii ugu wanaagsan ee ay keento, mar aan wax ka waydiiyay ardaya isticmaasha  digital library ayaa iyagu waxay ii sheegeen inay soo dhaweeyeen, aadna ay ugu baahnaayeen kaas oo ka caawin doona wax badan oo ay u baahnaayeen.

 

Jaamacada gollis markasta waxa ka go,an inay ka qayb qaadato horumarka dalka , ardayga iyo jaamacadaba.

Jaamacada gollis Waxa  ka go,an markasta inay bixiso waxbarasho tayo leh soona saarto hogaamiyayaasha baritoole  kana mid noqoto jaamacada tirade yar ee caalamka wax ku soo kordhiyay.

 

4. BAAQ KU SOCDA CIDKASTA OO JECEL WAXBARASHADA SARE

Waxaan ugu baaqayaa dhamaan  cidkasta oo danaysa inay gacan laxaad leh ka gaysata jaamacadaha dalka in la taageero dawlada ahaan iyo haayad ahaanba. jaamacada gollis oo markasta diyaar u ah horumarka aqoonyahanka, iyo dawladaba .

Waana jaamacadii ugu horeysay ee soo saarta arday baratay culuumta engineeringka qaybihiisa kala duwan. Suurana galisay in dalku yeesho arday wax ku qaabaysa AUTO CARD waxna horumariya sida cilmiga isgaarsiinta iyo dhismaha  waana jaaamacadii ugu horeysay ee soo saarta arday baratay maamulka iyo isticmaalka computerka oo wada socda una suuro galisay arday kasta isagoo ah maamul uu hadana ku shaqeeyo computerkii oo waliba la baro barnaamijyadii ugu qaalisaa sida V.B  and database oo ah barnaamijyada maanta caalamka laga isticmaalo.

Insha allah waxaan barnaamijka labaad isku dayi doonaa horumarkii ugu qaalisaa ee ay ku guulaysatay mid ka mida shirkadaha dalka kaas oo beesha caalamku inagu jeclaatay.  runtii shaqsi ahaan waxaan jecelay inaan ka faaloodo cidkasta oo horumar inagu soo kordhisa ama dalka keenta.

 

N.B

I.            Noqo qof ka shaqeeya horumarka dalka si aynu u gaadhno hiigsigeena.

II.            Naftaada horumari ,Dalkaaga horumari ,dadkaagana horumari .

III.            Waligaa noqo qof lagaga daydo wanaagsan laakin xumaan maya.

IV.            Horumarku wuxuu yimaada waxqabadka,samirka, iyo dadaalka ka dib

V.            Guushu waxay timaadaa markaad salaamo badan ka dhacdo ee kacdo ee aad samirto ee aad hadana dib u fuusho.

 

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com 

TELL: 2522063–4400319

 Hargeisa

Social activist

Thank you all

Post number:  RP30

 

Filed in: Articles

You might like:

maxkamad Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihii Saldhiga Arabsiyo.
DSC_0024 Madaxweynaha Somaliland Oo la kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Switzerland.
qor Sorry Rag Ma Kala Saarto! Universal Tv Yaan Oodda Laga Rogin.
SAWIKEYGII Shacabka reer S/Land Taag iyo Tamar danbe uma hayaan in Digo & Danbas laga iibiyo oo hadana Cawsleh kale loo soo muuseeyo ee Qiime mugleh ha ku sameeyaan musharaxiinta utaagan Madaxweyne,ku-xigeen ama Xildhibaanoba. Qalinkii A/rahman fidhinle UK‏
Som Eth Somaliland Iyo Itoobiya Oo ka Wadahadlay iskaashiga dhinacyada Duulimaadyada Iyo Nabadda.
hambalyo12 Hambalyo iyo Duco

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.