Kaftanyaqaanimada Reer Burco W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Reer Burco waa dad u badan af-maal oo si fudud u helay eray-bixinta kaftan ee lagu qoslo, taariikhiyan way iska lahaayeen dacaayadaha caan baxay oo laga sheekeeyo ilaa maanta. Waxa kale oo jiray kaftan ficil ku dhisan oo u dhexayn jiray Hargaysa iyo Burco. Waxa aynu halkan ku soo koobi doonaa noocayada kaftana reer Burco ee wakhtiyadii hore dhacay iyo kuwan casriga cusub la jaanqaadaya:

= Mid ka mid ahaa odayaasha reer Burco ayaa la su’aalay bal inuu is-barbardhigo dawladii Maxamed Siyaad iyo kuwii ka dambeeyey, ismabuu dhibine wuxuu yidhi” Dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxa ay ahayd Qaaxo, balse kuwii ka dambeeyey waa Kansar aan dawo lahayn.

= Wakhtiyadii uu socday dagaalkii 1977 ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Soomaaliya, ayey diyaaradihii Itoobiya duqeeyeen Hargaysa dhawr jeer, markaasay reer Burco oo Hargaysa la tartamayaa yidhaaheen maxay anagana noo duqeyn weyday?

= Sannadkii 1970, sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii uu xukunka xoog ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre, ayuu khudbad ka jeediyey fagaare ku yaalay Muqdisho, isaga oo khudbadii ku guda jira, ayey fagaarihii yimaadeen niman reer Burco ahi, ka dib markaasay yidhaaheen” haja waar ma kan afka weyn ayaa meesha qabsaday?, waar kani waa afweyne”. Dabadeed warkii ayaa Maxamed Siyaad loo geeyey, markaasuu yidhi” Iimanka laga qaad, maxaa afkayga tusay, meeshaba sannad ayaan joogaye?

= Wakhtiyadii dawladii Maxamed Siyaad waxa Hargaysa badhasaab ka noqday nin la odhan jiray Af-gaab. Ninkani markuu dadka u khudbadaynayo wuxuu halhays u lahaa” Ma ila socotaa”, markaasay dadkuna ka daba odhan jireen “ Haa”, muddo ka

dib ayaa Burco loo beddelay Af-gaab, markaasuu u khudbadeeyey reer Burco oo fagaare badhtamaha magaalada ka hadlay, sidii caadada u ahayd ayuu yidhi” Ma ila socotaa”, markaasay reer Burco yidhaaheen “ waanu kaa horraynaa”

= Wakhtiyadii ay jabhadii SNM faraha baas ku haysay dawladii Maxamed Siyaad, ayuu Maxamed Siyaad booqday dal ka mid ah kuwa carabta, si uu taageero dhaqaale u soo weydiisto, dabadeed wuxuu sii raacay diyaaradii shacabka, haddana markuu soo socday ayuu soo raacay diyaaradii shacab, waxa safarka ku wehelinaaya mid ka mid ah la-taliyeyaashiisa oo ka soo jeeda deegaanka Burco, sidoo kale waxa diyaarada la saarnaa niman caddaan ah, oo ku safrayey diyaarada, ka dib nimankii caddaanka ahaa ayaa aad u buuqay, markaasuu Maxamed Siyaad la-taliyihiisii ku yidhi” waar kuwan buuqayaa maxay ahaayeen?, markaasuu la-taliyihiisa yidhi’ waa niman Isaaqa oo diyaarada inala saaran’, markaasuu dib u soo jaleecay, oo uu yidhi” Iimaanka la idinka qaadaye, caddaana maad leedihiin”.

= Sannadkii 1986 oo xaalada waqooyi (Soomaalilaanta maanta) meel halisa marayso oo SNM ay xoogaysatay oo habeenkii ay magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo Gabiley ka geysan jireen weeraro qorshaysan, ayey niman dhallinyaro ahi wakhti fiid ah wax ku wada akhrisanayeen guri ku yaala badhtamaha magaalada Burco daaradiisa, dhallinyaradu waxa ay ku jiraan imtixaankii dugsiyada, guriguna waa kuwii hore, waana mid kooban oo waxa isu dhaw daarada, madbakha iyo suuliga. Mid ka mid ah dhallinyaradii ayaa caloosha laga qabtay, markaasuu suuliga galay, dabadeed waxa suuligii ka soo baxday shanqadh badan, show islaan ku jirtay madbakha ayaa u adkaysan weyday shanqadha suuliga, ka dib iyada oo u duur xulaysa wiilka suuliga ku jira ayey ka soo baxday madbakhii markaasay kuwii kale ee daarada wax ku akhrisanayey ku tidhi” waar hooyo halkay xabbadu ka dhacaysaa?”, iyana may fahmin oo waxa ay ugu afceliyeen mooyi.

F:G= Sheekooyinkaa sare waxa aan ka soo ururiyey laba oday oo joobjooge u ahaa, oo kala ahaa, Warsame Cawl Cadarre iyo Gaaxnuug Colaad.

= Mid ka mid ah madaxdii Soomaalilaan soo martay oo xagga dambe ka cayilay ayaa booqasho ku tegay Burco, isaga oo olole ka wada, wuxuu u khudbadeeyey reer Burco, markii uu khudbadii dhammeeyey sidii madaxda caadada u ahayd ayuu yidhi” Soomaalilaan way dhaqaaqday” markaasay reer Burco ka daba yidhaaheen badhiduna way dhaqaaqday”.

Kaftanka Casriga ah

= Dumarka Buur buuran waxa ay u bixiyeen DPWorld

= Ragga buur buuran——————— Guddiga Abaaraha

= Xaaraanta———————————Qaadhaan

= Dumarka xaaraanta kariya———–Xaliimo-Gobaad show

= Qofka shubanku hayo—————– wuu Farmaajaysan yahay

= Qofka waalan ee isla-hadlaya———- khad dibadeed ayaa u furan

= Qofka tuuga ahaan jiray—————-Xildhibaan hore

= Qofka soo naaxaya——————Guddiga ka soo kabashada

= Ambalaaska———————–Boqorka codka Soomaaliyeed

= Mobile-ka Screen touch-ka————–Laab-salaax

= Kiniinka shuban biyoodka———————-Fur iyo xanjo

= Kiniinka Hurdada—————————-mid ka mid ah musharaxiinta saddexda xisbi

= Sheekha dadka biyaha ku rusheeya———– Sheekh leebaajo

= Idaacada VOA laanta af-soomaaliga——————–Duryama

= Istuudyaha BBC-da Nayroobi ee laant af-soomaaliga—————–Raadhyow Oromo

= Madaxweyne Trump—————————————-Gaal cilaaj ah

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@hotmail.com

Filed in: Articles, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.