Wasiirka Arrimaha gudaha oo shirkaddaha Daabacaadda Hargeysa ka mamnuucay Daabacaada  boodhadhka Salaadiinta la caleemo saarayo, amrayn Booliiska joojinta Caleemo-saarka Salaadiinta la isku haysto

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir faratoon ayaa soo saaray qoraal uu Booliiska ku amrayo inay joojiyaan Caleemo saarka Suldaanimada Beesha Bah-gobo oo uu sheegay inay isku haystaan ninkii dhaxal sugaha ahaa oo la yidhaa Suldaan Xirsi Suldaan Ismaaciil Aadan (Baxar)  iyo nin kale oo la yidhaa Jimcaale Maxamed Ciise, taasoo la caleemo saarayo Jimcaale.

Sidoo kale, Digreetada Wasiirka waxa lagu wargaliyey shirkaddaha Daabacaada Boodhadhka Caleemo-saarada inaanay daabicin illaa ay amar ka helaan wasaaradda Arrimaha gudaha, isagoo xusay in uu amar hore ka soo baxay inaan Suldaan la Caleemo saari Karin isagoo fasax haysta mooyaane.

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay isku qabsiga Saldanaduhu in uu Somaliland ku noqday Aafo keentay Sumcad xumo iyo Amni darro, sidaasi daraadeed uu amray Booliiska in talaabo laga qaado cidii ku kacda inay iska caleemo saarto suldaan aanay wasaaradda Arrimaha guduhu ogolaanin caleemo-saarkiisa.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.