Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu Hogaaminayo oo saaka u dhoofay Imaaraat-ka carabta

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka, Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali ayaa saaka subaxnimadii hore ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee cigaal International Aiprort Hargeysa. Weftigaas oo u duulay Imaaraadka Carabta ayaa safar gaara oo maalmo ah halkaasi ku joogi doono.

Qoraalkan kooban ayaa la soo dhigay baraha bulshada ee Madaxtooyadda, waxaana sida ku cad safarka madaxweynuhu yahay safar gaar ah, balse waxa tafaasiil ah lagama bixin muddada uu joogo waxa uu qaban doono.

Madaxweyne Siilaanyo safarkiisa maalmahan baa ad baa loo hadal hayey, iyadoo si xooga isha loogu hayey dhaqdhaqaaqa u dhaxeeya dalalka carabta oo khilaaf weyn uu hadheeyey, kuwaasoo ay Xukuumadda Somaliland la safatay dhinaca xulafada Sucuudigu hogaaminayo.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.