Ururka Qareenada Somaliland oo markale ku tilmaamay sharci darro guddida Culimada ee uu Garyaqaanka Guud Difaacayey

“Garyaqaanka guud waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso ee maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.” Guddoomiyaha SOLLA

Hargeysa, ( Waaheen) —  Waxaanu  jawaab kooban ka bixinaynaa war-saxafadeedkii uu soo saaray Garyaqaanka guud ee Qaranaku 12\6\2017 kaasi oo ay warbaahintu sii daysay war-saxafadedkaasi oo uu garyaqaanka guud ku caddeeyey  inaanay jirin guddi culimo oo uu madaxwaynuhu magacaabay balse uu madaxwaynuhu magacaaabay guddidi soo xulaysay.

Guddomiyaha ururka qarenada Somaliland isaga oo ka jawaabaya hadalka Garyaqaanka Guud waxa uu yidhi sidan:-

Horta magacaabitaanka guddida culimada waxa lagu baahiyey warbaahinta madaxa-banaan dadkoo dhamina way akhristeen waxa kale oo lagu baahiyey bage facebooga ee af-hayeenka madaxtooyada waxaana warbahintu soo qortay xubnaha guddida culimada oo ka kooban 12 xubnood oo magaca agaasimahoodii wata, qaar ka mid ah guddida culimada ee la magacaabay baa BBC-da la xidhiidhay oo sheegay inay iska casileen waxaanay ahayd arin ay si cad warbaahintu u baahisay 10\6\2017.

Warkaasi anaga warbaaahinta ayaa noo soo gudbisay warbaahintuna waxay ka mid tahay meelaha ay dadwaynuhu ka helaan wararka , haddaba haddii aanay jirin magacaabista guddidu waxay ahayd inay beeniyaan oo ay yidhaahdaan ma jirto wax aanu magacownay manay beenin waxa kale oo warbaahinta ka hadlay una xaqiijiyey magacaabida guddida wasiirka diinta iyo awqaafta, aniguna waxaanu kaliya tilmaanay sharciyada loo maray magacaabida guddida culimada oo khilaafsanayd dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Arinta kale ee uu sheegay garyaqaanka guud ee ah in madaxwaynuhu magacaabay guddidii soo xulaysay guddida culimada waa arin iyana qayra dastuuri ah sababtoo ah sida uu tilmaamayo Qod.119 e dastuurka qaranka jamhuuriyada Somaliland guddida soo xulaysa guddida culimada waxa soo magacaabaya xukuumada iyo golaha guurtida xubnaha ka imanaya golaha guurtida waxa soo xulaya golaha guurtida waxaana lagu soo xulayaa fadhi gole oo golaha guurtida ayaa ka fadhiisanaya xataa shirgudoonku ma soo xuli karo waayo  Qod 119 ee dastuurku wuxu sheegayaa gole erayga golena waa layaqaan sharci ahaan waxa uu yahay waxaana lagu magacaabayaa fadhi gole, laakiin xaq uma laha madaxwaynuhu inuu magacaabo guddida ee waxa kaliya oo uu soo magacaabayaa xubnaha ka socda dhinaca xukuumada ee golaha wasiirada waxaanu qodobku u dhigan yahay sidan

 

QODOBKA 119

Magacaabista  Xubnaha  Gudida  Culimada 

1- Xubnaha guddida culimad waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo golaha xukuumadda iyo golaha guurtida oo is-tiro le’eg, waxaana oggolaanaya golaha guurtida.

2- Guddida culimadu iyagaa iska dhex dooranaya guddoomiyaha iyo guddoomiye-ku-xigeen.

Magacaabida Guddida culimada waxa ka horeeya in la sameeyo  xeerkii lagu maamulayey guddi culimada sida ay tilmaamayan Qodobada 12,122 e dastuurka jamhuuriyada Somaliland waxa sharci ah in hayad kasta oo dastuuri ah lagu aas-aaso xeer oo ka hor inta aan la magacaabin xubnaha xeerkoodii la sameeyo waana qayra sharci in la magacaabo iyada oo aan la samayn xeerkii lagu maamulayey Guddida  Culimada .

Garyaqaanka guud-na waxaan leenahay waa in ay xukumadu ka hor intaanay wax magacaabin kula tashato oo ay talo sharci ku waydiiso ee maaha in lagu yidhaa difaac wax qayra dastuuri ah oo aan marka hore lagaala tashan.

Ugu danbayn waxaan leenahay anagu madaxwaynaha wax aan jirin kamaanu sheegin mana jeclin inaanu dhaleecayno waayo wuxu huwanyahay madaxwaynuhu sharaftii iyo karaamadii ummada reer Somaliland balse kaliya waxaanu tilmaamayna uun sifa sharciga ah in la dabaqo waayo ceebay nagu tahay in dastuurka la ixtiraami waayo oo aan la dabaqin markastana waxaanu urur ahaan u taaganahay dabaqaad iyo saraynta sharciga.

Xukuumadana waxaanu ku waaninayna inay ixtiraamto sharciga oo ay dastuurka qaranka dabaqdo iyada oo ay jiraan khaladaadyo badan oo qayra dastuuri ah oo ay xukumadu qaaday sannadkii u danbeeyey e 2016 ka.

 

 

ALLah     Mahad       Leh  

Mohamed Mohamoud Hashi

Gudoomiyaha ururka qareenada ee Somaliland   

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.