“Dhibaatada ina haysataa maaha sicir barar ee waa sarrif barar iyo kalsooni darro shilinkeena aynu u hayno” Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland

Hargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha  rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shugri oo oo ka hadlay munaasibad Afur loogu sameeyey Ardayda iyo Macalilmiinta Lix Jaamacadood oo Somaliland ah ayaa ka hadlay dhibaatadda Sarrifku ku hayo Somaliland.

SHUGRIGuddoomiye Maxamed Shugri oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ayaa sheegay in laba mushkiladood isku raaceen shilling-ka Somaliland waxaanu “ Cidii fikirkan lahayd, cidii ka caawisay iyo cidkasta wax ku dartay hawshan iyadana waan u mahad naqayaa. Arrinta koowaad ee sicir bararka runtii arrintaa waan sixi lahaaye, dhibaatada ina haysataa maaha sicir barar ee waa sarrif barar, waayo badeecadu ma kicin,  marka caalamka laynoo eego maanta ayey jaban tahay, kiishka sibidh-ka ah ee awal la siin jiray sideeda doolar, imika afar doolar iyo sideed santi ayaa la siiyaa, markaa qiimuhu ma bararin ee shilinkeeda ayaa bararay, arintaasina laba lugood ayey ku taagan tahay oo kalsooni darro shilinkeena aynu u hayno ay kow ka tahay”

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.