Axmed Yuusuf Yaasiin oo Fariin U diray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Waaheen):- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yasiin ayaa waxaa uu walaac ka muujiyey hanaanka siyaasadeed ee oloolanka u wadaan saddexda xisbi qaran ee Waddani , Kulmiye iyo UCID .

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu madaxweyne Siilany ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii uu isku soo dhaweyn lahaa saddex musharax isla markaana uu ugu qaban lahaa tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah mar hadii uu isagu maanta dalka odey ka yahay isla markaana uu magic dalka kaga tago ” Madaxweyne Siilanyo waxaan leeyahay hadii aad maanta taladii ka tageyso isku soo dhawee saddex musharax ee tartamaya oo ha la galo tartan iyo doorasho aan lagu murmin taas oo adigana natiijo fiican oo mustaqbal leh kaaga tagta ” ayuu yidhi

Sidoo kale Axmed Yuusuf Yasiin ayaa waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu yahay cid maanta martida loogu yahay garoonka ciyaarta isla markaana waxaa uu ugu baaqey in garoonkooda ka dhigaan mid xasiloon

 

” Waxaa marti loo yahay garoonka Kulmiye , markaas Kulmiye waa in uu garoonkiisa uu ka dhigtaa mid xasiloon oo nabad ah ” ayuu yidhi

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Ciida
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo xaqiijiyey Ciidda
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeisa Oo Fariin Udiray Shacabka Hargeisa Iyo Somaliland
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.