Maayirkii Degmada Xariirad oo Daad Qaaday iyo Wasiirkii Ciyaaraha oo la Bad-baadiyey

Marxuumka iyo xubnihii wehelinayay ayaa loo soo qaaday dhinaca degmadda Xariirad, halkaas oo ay marka horeba ku sii socdeen.

 

ccdHargeysa(Waaheen) Allaah Haw u naxariistee waxa uu daad qaaday Duqii Degmadda Xariirad Abokor Xasan Guuleed oo ay wada socdeen Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland, kuwaas oo ka yimid magaaladda Boorama isla markaana ku sii jeeday degmadda Xariirad.

Gaadhiga ay la socdeen labada masuul oo ay wehelinayeen askarigii iyo darawalkii ayaa xilliga uu daadku qaaday waxa ay marayeen meel u dhaxaysa Magaalooyinka Qolujeed iyo Boon.

waxaana la soo badbaadiyay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Waabari Rooble, Dirawalkii iyo Askarigii, hasayeeshee Mawjadaha ayaa dhuftay Duqii Degmadda Xariirad Marxuum Abokor Xasan Guuleed, kaas oo maydkiisa ay soo heleen dad u soo gurmaday.

Marxuumka iyo xubnihii wehelinayay ayaa loo soo qaaday dhinaca degmadda Xariirad, halkaas oo ay marka horeba ku sii socdeen.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Ciida
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo xaqiijiyey Ciidda
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeisa Oo Fariin Udiray Shacabka Hargeisa Iyo Somaliland
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.