“Siyaasadii Kharajiga ee la dhigi lahayd Xukuumadda Farmaajo iyo Wasaaradda Yuusuf Garaad ma hayno Muusow ciilqab iyo dhaar hawaa’i ahi waxba tari mayse! !!” Muniir Axmed Cigaal

 

18491998_10155290174168535_1815796562_nShalay oo kaliya mahee tiraba shan jeer in ka badan waxaan si fiirsasho leh u dhuuxay khudbadaha Murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ee ku aadan dhanka dawladda wali fasaqii furninka ee aynu ka qaadanay  caalamku ka dhego adaygaayo  ee Somalia.

Kusii dheeraanayo khudbadaha Murashaxa Xisbiga KULMIYE, balse waxa qudha ee aan ka fahmay kana muuqanaysay marka uu mawduuca Somalia iyo innaga ka hadlaayo waxay ahayeen, ciilqab aan wakhtigiisi taagnayn, dhaar aan qorshe wadan iyo xal la’aan ku soo uruuraysa waakaayaga xoog roonaada.

Ciilqab maanta Somaliland muujiso maha xalka ka saari kara dhibta Ictiraaf la aanta ee haysata Dalkeena, shacbiga Somaliland waxbay iska dhiciyeen wixii lagu sameeyay ee Somalia ku samaysayna Xukuumaddii falkaas fashayna may mahadin oo dagaal ayay dadka rer Somaliland ku kala calaf qaadeen ciddii guushu raacdayna dharaar cad ayaa la ogaa. Marka horta Somaliland ma ciil qabto ee qaranimadeedi ay xaqa u lahayd ayay raadinaysa.

Ictiraafka iyo himilada Somaliland higsanayso Muusow dhaar iyo baali xoofto ku iman mayse hanaan ka duwan midkaas oo xeelad ah ayay u baahan tahay.  Tusaale Wasiirka arrimaha debadda Somalia Yuusuf Garaad Axmed  mar aan Jabuuti kula kulmay wada hadaladii Somaliland iyo Somalia sannadkii 20014-kii, maba dagaalan sanayn wakhtigaas  dhawr su’alood oo na dhexmaray Nuxurka hadalkiisu wuu koobna wuxuuna aha  “Somaliland ma doonayno inay Somalia ka godo, taasna xeerarka adduunka ayaan u maraynaa” . Dood dheer ayaan la yeeshay la kiin kumay filnayn intaan ku idhi oo nin midnimo aabaheed goblamay ku maqiiqan ayuu aha oo iigu muuqday .

Waxa haddaba Somaliland u yaala inaynu diyaarino intii Yuusuf Garaad iyo Xukuumadiisa Xamarba aynu adduunka kula doodi lahayn, duwalka caalamka ku soo jiidan lahayn halkii aynu ka soo noqonay ee siyaasadda arrimaha debadeenu gaadhay ku celin lahayn, doorasho xor iyo xalaal ah u qabsan lahayn innagu gudaheena u hagaajin lahayn, maamul wanaag Musuq yaraan iyo Xukuumad kooban oo aan dhiig bax shacbigeena ku ahayn u samaysan lahayn, ummadeena u midayn lahayn oo qaybsanaanta uga saari lahayn ..

Dhawaan Saldhig Millatari ayuu Imaraadku Somaliland ka doonay buuq badan ayaa ka dhashay, safarkii Farmaajo ee Imaraadka waxa  ceelalyo u sii aha oo ka sii horeeyay Yuusuf Garaad, arrintii xiisada ahayd ee ka taagnayd Garoonka wuxuu ku soo koobay Yuusuf Garaad siyaasad odhanaysa “Imaraadkow  saldhigaaga ka samayso Berbera lakiin bishuruud waa inaad Xukuumadda yada Muqdiaho kala xajoota wixii heshiis caalami ah ee ku aadan Garoonka, Somaliland-na degsiimada kala hadal” . Sidaa ayaa lagu dhammeeyay fekerkana wiilka Wariyaha ahaan jiray ayaa keenay .

Markay sidaa tahay waxay Somaliland u baahan tahay raggeedi, Xukuumad khibrad Diplomatic  leh oo shaxda la ciyaarta Farmaajo iyo Yuusuf Garaad, uma baahna dhaar iyo ciilqab aan calaacal mooye wax kale inoo tarayn, uma baahna siyaasad qaxoolajiyad ah oo lays yidhaahdo dadka codka kaga doona, ummaddu tii shalay maha hamad beena way ka daashay  hilaadin run ah ayay u hamuun qabta … Tusan .Allow alleh

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Murrashaxa KULMIYE oo Qaatay Kaadhkiisa Cod-bixinta
Laba Xeer oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada Somaliland
Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay laba Degmo
Gudoomye Cirro Oo Ku Hanjabay Inay Fal-Celin Doonaan Cadadiska Xukuumadu Ku Hayso Xisbiga Waddani
Xisbiga WADDANI oo Xaflad Ku Qaabilay Siyaasiyiin Ruug-cadaaya iyo Haldoorka Reer Hargeysa oo Ku Soo Biiray
DAAWO: Guddoomiye Cirro oo Baaq Nabaddeed u Diray Beelaha Ku Diriray Ceel-afweyn
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.