Kooxda ICT-ga oo ku guulaysatay Koobka Ardayda Jaamacada Admas

DSC_0180Hargeisa (Waaheen)-Maamulka Jaamacada Admas ayaa si rasmiya usoo gabo gabeeyey Koobkii Ardayda  kuliyadaha Jaamacadda oo socday mudao Bil ah, kaasi oo ay Ciyaartii kama dambaysta wada Ciyaareen Kuliyaa ICT iyo kuliyada Accounting ka, waxaana ku guulaystay Kuliyada Barashada Cilmiga Kumbiyuutarad (ICT).

Munaasibada Koobka lagu gudoonsiinayey Kooxda ku guulaysay oo ka dhacday Goroonka dhexdiisa ayaa waxa goobjoog ka ahaa Maamulka iyo Masuuliinta Jaamacada oo intii ay ciyaarta kama dambaystu socotay Xaadir ku ahaa Garoonka Oo Daawanayey, waxa kale oo ka soo qayb galay Masuuliyiin ka Kala Socotay Ururada iyo Bulshada Rayidka ah ee ka ag dhaw dhalinyarada dhiiri galiyana Horumarkooda oo ay ka mid yihiin Marwo Faadumo Siciid iyo Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdirahmaan Cabdilaahi Maxamuud Oo ugu horeyn Munaasimada ka halday ayaa ka waramay Marxaladiihii uu Soo maray Koobka Ardayda Jaamacadu “Koobkani wuxuu soo bilaabmay bishii 4aad waxaanu u dhignay 9 kooxood oo ah ardayda Jaamacada Admas kuliyadeheeda wax ka barta, waxaana kama dambaystii isugu soo hadhay labadan kooxood ee accounting –ka iyo ICT-ga Oo ay maanta ku guulaysteen ICT-gu. Sanadkii horena waxa ku guulaystay Economic-ga ” ayuu yidhi CabdiraxmaanDSC_0185

Gudoomiya ku xigeenka Jaamacada Admas Axmed-Naasir Xasan Xaaji ayaa ka waramay Muhiimada ay Ardayda u leedahiin ciyaaruhu “Ciyaarahani waa kuwo aanu sanad walba  u qabano ardayda dhigta Jaamacada, waxaanu ugu talo galnay inaanay Jaamacadu noqon uun meel wax lagu barto Oo kaliya ee aanu sidoo kale dhiiri galino Ciyaaraha iyo is dhex galka Dhalin yarada” ayuu yidhi axmed naasir waxaanu hambalyo u diray kooxda Guulaysatay iyo ta laga guulaystayba.DSC_0194

Cabdirakiin Axmed Mooge oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale Hambalyo udiray, waxaanu u soo jeediyey inay ka fogaadaan Qabyaalada, dhinaca kale waxa madasha ka halday Marwo Faadumo Siciid oo inta badan aad u dhiiri galisa Dhalin yarada, waxaanu ugu Hambalyeysay sida Habsamida leh ee ay u muujiyeen ciyaar wanaaga labada kooxoodba.DSC_0154

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dhalin yarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Koob joob ka ahaa yaa dhinaciisa Hamabalyo u diray Kooxda ku guulaysatay Koobka Jaamacada.

Gabo gabadii waxa halkaasi lagu gudoon siiyey koobkii ay ku guulaysteen kooxdii ka socotay kuliyada ICT ee qaaday koobkaasi.

Sanadkiiba hal mar ayaa ay jaamacada Admas koob noocan oo kale ah u dhex dhigtaa Ardayda Wax ka barataDSC_0180 DSC_0116 DSC_0120 DSC_0128 DSC_0154 DSC_0167 DSC_0180 DSC_0181 DSC_0185 DSC_0194 DSC_0206 DSC_0214 DSC_0215 DSC_0234 DSC_0240 DSC_0241 DSC_0258 DSC_0262 DSC_0265 DSC_0266 DSC_0271 DSC_0278 DSC_0284 DSC_0290 DSC_0299 DSC_0302

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Ciida
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo xaqiijiyey Ciidda
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeisa Oo Fariin Udiray Shacabka Hargeisa Iyo Somaliland
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.