Xog-hayihii Xisbiga Kulmiy ee Gobolka Saaxil oo is Casilay

 

ssssddHargeysa(Waaheen) Xoghayihii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Saaxil Cali Maxamed Muuse (Cali Halakaco) ayaa  Iska Casiley Xilkii iyo xubinimadii uu Ka Hayey Xisbiga KULMIYE.

Xoghayaha ayaa waxa uu iscasilaadiisa Ku sababeeyay Kala Danbayn La’aan iyo Maamul xumo baahsan oo Xisbiga iyo hogaankiisa Heer Qaran soo food saartay iyo Kasbashadii Bulshada reer Somaliland ee xisbiga oo kalsoonideedii maalinba maalinta ka danbaysa soo yaraanayso.

Waxa kaloo Xoghaye Cali Maxamed Muuse(Cali Hallakaco) sheegay in sida uu hada ku socdo Xisbil xaakimka Kulmiye aan lagu hanan karin hogaanka Dalka isla markaana lagu  aamini karin dalka.

Sidoo kale sarkaalkan iska casilay xisbiga KULMIYE ayaa waxa uu daboolka ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah oo ka dhex jira xisbiga KULMIYE.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.