Ciidamada Booliska Somaliland oo Gacanta ku dhigay Dablay Hubaysan oo Gobolka Sool dad ku dishay

 

aassssHargeysa(Waaheen) Taliska Ciidanka Booliska ee Gobolka Saraar oo shir jaraa’id oo ay ku qabteen  magaalada Caynaba ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dablay dhawaan dad socota ah ku dishay wadada u dhexeysa Caynaba iyo Laascaanood.

Taliyaha Qaybta Gobolka Saraar Gashanle dhexe Mursal ayaa yidhi. “Ciidanka Boolisku waxay soo qabteen dablaydii dishay dirawalkii baabuurkii ay saarnayeen dadka rakaabka ahi, baabuurkaasi oo marayey inta u dhexeysa Oog iyo Gumays,  ninka kooxdan eedeysani dishay ayaa la odhan jiray cawil Ahmed Siciid, ragga aanu soo qabanayna waxay ahayd saddex qof oo imika gacanta ciidanka ku jiray”. Gaashanle dhexe  Mursal ayaa sidaasi sheegay.

Dablaydan ciidanka Boolisku sheegen in ay soo qabteen ayaa bishii hore jidgooyo u galay gaadhi nooca loo yaqaano Noa oo u socday magaalada Garoowe, halkaasina u dilay hal qof.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.