Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay shir looga hadlayay hormarinta dhaqaalaha oo ka dhacay London

DDAKulankan oo hor dhac u ah shirka maalinta berri ah 11 bishan May lagu waddo in uu ka furmo magaalada London ayaa waxaa ka qeyb-gallay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xubno ka socday bulshada rayidka, qurbo joog iyo wakiil ka tirsan beesha caalamka.

Kulanka ayaa looga hadlay doorka qurba joogta ee ku aadan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Khudbado kala duwan waxaa shirka ka jeediyay qurbo joog ka kala yimid Yurub iyo Ameerica oo ka hadlayay kaalinta qurba-joogta ee labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa  ku ammaanay qurba joogta kaalinta ay ka qaateen dib u dhiska iyo kobcinta dhaqaalaha.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya wey ka war qabtaa kaalmada qurba joogta iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa shirka ku soo bandhigay 4 hab cusub, si dowladda uga faa’ideysato xirfadda bulshada rayidka iyo qurba joogta.

Shirka ayaa laga soo jeediyay talooyin kala duwan oo ay jeediyeen dadkii madasha ka hadlay, waxaana la isla qiray in qurba-joogta ay 20-kii sano ee la soo dhaafay kaalin weyn ka geysteen Soomaaliya, isla markaana ay dhaqaale fara badan u direen.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka Arrimaha Soomaaliya looga hadlayay, kaasoo ay si wada jir u shir guddoominayaan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraha UK iyo xog-hayaha guud ee QM.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.