Xusen Axmed Caydiid oo Madaxweyne Siilaanyo ugu Baaqay in Qoyskiisku iska Soo Celiyaan Hantida ay Lunsadeen

Madaxweyne Shacabka waxay eegayaan Women’s Club-kii oo ay Qoyskaagu qaateen, ee haddii aad musuqmaasuq la dagaalamayso dib shacabka ugu soo celi

 

XUSHargeysa(Waaheen) Siyaasi Xusen Axmed Caydiid  oo ka mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga Waddani ayaa Xukumada madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey in ay lugaha kula jirto musuqmaasuqii ugu weynaa, isla markana hantidii umada ay boobeyso.

Xusen Axmed Caydiid waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uu shacabka u soo celiyaan gurigii Women’s Club oo uu ku eedeyey in qoyska madaxweynuhu qaateen.

Waxany yidhi.“Maalin dhaweyd waxan maqlayey madaxweynaha oo wareegto soo saaray oo leh hantida ummada hala ilaaliyo, way wanaagsan tahay in hantida ummada la ilaaliyo oo madaxweynuhu kow ka noqdo waana shaqadii qaranku u doortay, laakiin waxay haboonayd in uu wareegtadaasi soo saaro sannadkii 2015-kii ee xilka loo kordhiyey, waxa la yidhi Cumar binu khidaab wakhtigii uu talinayey, ayaa waxa uu arkay wiil uu dhalay oo maal badan yeeshay, wuxu yidhi waar waxan oo hanta ah goormad yeelatay, waxa u cadaatay in intii uu amiirul muuminiinka ahaa hantidaasi wiilkiisa ay soo gashay, baytal maalku ku daray wixiiba waanu kala wareegay.”Ayuu yidhi

Isaga oo hadalka sii watan waxa uu yidhi. “ somalidu Madaxweyne waxay ku maahmaahdaa caano qubtayba dabadood la qabaye, waxa minqiyaas u noqondoonta in taasi Cumar Binu khitaab yeelay aad yesho in kale, waxaan xusayaa islaan aan dalkaba u dhalan, oo ingiriiska ku waynaatayo, oo ku kortay oo qadarku Somaliland keenay, qarniyo hore ayaa waxay aragtay sida ummada reer Somaliland iskaga dayacantahay, dumarkuna gaar ahaan u dayacan yihiin, aduunkii yaraa ee ay urursatay ayey labba qol ka dhistay, waana aqalka la yidhaahdo Women’s Club, markii danbe ayey dawlada Ingiriisku yara balaadhiso, ummadu waxay isweydiinaysaa mee Women’s Club-kii madaxweyne, umaduna way soo eegaysaa gurigaasi oo Qoyskaagu qaateen, intaada kursiga ummada ku fadhiday ee xoolaha umada haysay ayaa gurigaasi qoyskaagu qaateen madaxweyne”Ayuu yidhi Siyaasi Xusen Axmed Caydiid.

 

Siyaasi Xusen Axmed Caydiid waxa uu kale oo uu sheegay in hantida dawlada ee hadhay ay tahay wasaarada qaranka, wixii kale ay iibsadeen.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.