Madaxweynaha Somaliland oo u socdaalaya Gobolka Saaxil iyo Wafti DP WORLD ka socda oo la Filayo in ay Berbera Yimaadan

MADAXMADAXHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la Filayaa in maalinta barri ah uu u baxo  magaalada Berbera, ujeedada Safarka madaxweynaha ayaa si cad loo ogeyn balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya in safarka madaxweynuhu yahay mid ka mid ah safaradiisi caadiga ahaa ee uu ku tagi jiray Gobolka Saaxil.

Inta uu joogo Madaxweynuhu Berbera ayaa la sheegay in uu soo booqandoono Goobaha ay ka socoto bixinta Kaadhadhka codeynta oo si Habsami ah uga socota Gobolada Awdal, Saaxil iyo Xeebaha Sanaag.

Dhanka kale Wafti ka Socda Shirkada DP WORLD ayaa iyana la filayaa in Madaxweynaha ku kulmaan Berbera, Wafti DP WORLD ayaa la sheegay in maalinta Khamiista ay imanayaan Magaalada Berbera.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.