Waddanka Finland Oo Laga Doortay Gabadhii Soomaaliyeed Ugu Horeysay Ee Xildhibaan Ka Noqota Magaalada Oslo.

416Xabiiba Maxamuud Cali Kaahiye oo ah gabadh Dhallinyaro Soomaaliyeed sidoo kalena ku dhaqan dalka Finland, Xabiiba waa Siyaasiyad iyo xubin firfircoon oo u ololeeya xuquuqda aadamaha iyo arrimaha bulshada gaar ahaa arrimaha ajaanibta ee Dalka Finland.

Xabiiba waxa ay laba usbuuc ka hor loo doortay goloha deegaanka ee magaalada Espoo ee Waddanka Finland waxayna ka mid tahay siyaasiyiinta cusub ee ku guuleystay kuraasta xisbiga mucaaradka ee sooshal dimuqraadiga (SDP). Habiba waxaa ay timid dalka Finland iyada oo 5-sanno jir ah waxaana ay 10 sanno kadib ka mid noqotay baarlamaanka dhalinyarada ee magaalada Espoo. Waxaa ay ku hadashaa luuqado kala ducwan waxaana ay ka mid tahay xirfadleyda afafka qalaad tarjuma isla

markaana isku xidha bulshada wadanka u dhalatay iyo dadka ajaanibta. waxayna xiriiriye guud ka tahay mashruuc loogu magac daray “Reach-out” kaas oo ujeedkiisu yahay ka hortagga dhibaatooyinka xagjirnimada ee dhalinyarada.

 

Sidoo kale waxay Caawimaad iyo Gacan Qabasho u samaysaa Hooyooyinka dhibaatadu Ay ku haysato waddankaas ee Gurila’aanta iyadoo ka caawinaysa siday u heli lahaayeen guryo,
Barashada Luuqada waddanka iyo sidii ay ula jaan Qaadi lahaayeen waddanka.

Dhalinyarada oo ay ka caawiso siday u heli lahayeen Goobo waxbarasho oo anfaca iyo meelaha sportska Helida Guryaha helida shaqooyinka iyadoo waddankan uu culays wayn ka jiro dhanka helida shaqooyinka haddana sidaas oo ay tahay Xabiiba waxay kula Dadaashaa in ay la raadiso shaqo maadaama ay inta badan tahay iyadu Qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada kuna dhex jirta siyaasada waddanka iyo dhamaanba siday uga heli lahaayeen waddanka baahiyaadka aas- aasigaa ee uu qofku u baahan yahay.

Iyadoo Hadda bulshada soomalida u ballan Qaaday inay u Qaban doonto intii awoodeeda ah iyadoo Ilaahay-na tallo saaranaysa in uu xilka u fududeeyo.

 

Filed in: Articles, Radio Waaheen

You might like:

CIIDAMDA Ciidanka Booliska oo Laba Hablood ku Dhaawacay Xaafada Isha Borama
_96226115_mediaitem96221932 26 Masiixiyiinta Qibdiga ah oo lagu laayay dalka Masar
warss Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku dhawaqay in Caawa Ramadaan Kow tahay
nnnnn Wasaaradda Maaliyadda oo Ganacsatadda u ogolaatay inay Jeegagii laga joojiyey kaga soo cashuuran karaan Kastamada
news Ciidamadda Booliiska Somaliland oo Lix nin oo lagu Eedaynayo Daacish iyo Al-shabaab ku qab qabtay Hargeysa
muuu Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.