Cabdiraxman Cirro oo Madaxweyne Silaanyo u Bandhigay Cabashooyin isbarkan oo ay Xukumadiisa ka qabaan

“Madaxweynaha waaxanu kala hadalnay in arimaha doorashada si dhaw looga wada tashado, garoonka lagu tartamayaana uu noqdo mid loo siman yahay”Murashax Cirro  

CIRRO(31)Hargeysa(Waaheen) Murashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa ka hadlay kulan dhex maray hogaanka xisbiga iyo Madaxweyne Siilaanyo. Gudoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlay markii ay ka soo baxeen kulanka madaxweynaha ayaa ka waramay qodobada ay kala hadleen madaxweyne Siilaanyo.

Ugu horayn murashax Cabdiraxmaan Cirro ayaa faah faahiyey fariin uu xisbiga Waddani u gudbiyey madaxweynaha waxaanu yidhi “Go,aan xisbi ayuu ahaa in madaxweynaha la arko, markaa anaga oo wakiil ka ah xisbiga Waddani waxa madaxweynaha la kulmay aniga iyo Cabdiqaadir Jirde, fariintii aanu ka qaadnay xisbiga ayaanu kala hadalnay madaxweynaha, nuxurka marka aan soo koobana laba qodob ayaa ugu muhiimsanaa kuwaas oo kala ahaa dimuqraadiyada iyo doorashada oo qodobka koowaad ahaa, madaxweynahana waanu kala hadalnay in arimaha doorashada si dhaw looga wada tashado, garoonka lagu tartamayaana uu noqdo mid loo siman yahay kana taxadirno wixii sababi kara in doorashadu mar kale dib u dhacdo, wixii talooyin ah ee aanu haynana waanu u gudbinay madaxweynaha, wixii war bixina ee ku saabsanaa safarkayagii iyo dareenka beesha caalamkana waanu u gudbinay.”

Sidoo kale murashax Cabdiraxmaan Cirro ayaa soo bandhigay cabasho xisbiga Waddani uu xukuumada ka qabay oo ay u gudbiyeen madaxweynaha waxaanu yidhi “Cabashooyin is barkaday oo fara badnaa oo xisbigu tabanayey ee ahaa  habka loola dhaqmay masuuliyiin xidh xidhan oo xisbiga ka tirsan iyo in laga wada hadlo marka ay duruufo sidaas ahi soo kordhaan, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay madaxweynaha in masuuliyiinta xisbiga la siiyo mudnaanta ay leeyihiin iyo inaanay xisbiga mucaaridka ah  dambi ku noqon inuu xukuumada dhaleeceeyo oo shaqadiisuba tahay inuu xukuumada wax ka sheego ama dhaleeceeyo.”

Sidoo kale Murashax Ciro ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay madaxweynaha isla qaateen waxaanu yidhi “Waxaanu isla garanay in waxyaabaha soo kordha ay asxaabta iyo xukuumada iyo marka loo baahdo guddida doorashada ay si wada jir ah talo wadaag iskugu yimaadaan, waxaanan is leeyahay kulankaasi midho dhal ayuu ahaa, waanan uga mahad naqaynaa madaxweynaha fursadaas aanu maanta ku kulanay, waxaanan rajaynaynaa in wixii aanu ka wada hadalnay ay fuli doonaan, wixii cabasho ah ee aanu ka qabnana wax laga qaban doono.”

 

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.