Madaxweyne Silaanyo oo Xilkii ka Qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka

MaareeyeHargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 Ujeeddo: Xil-ka Qaadis Ku:    Mudane, Xasan Cali Cismaan, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL   

 Mudane, Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid: Madaxweynuhu:Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

 

Markuu Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu ku Qancay:         In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 ALLAA MAHAD LEH

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.