Wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo sheegay in aanay Cidna Kooto ugu Xidhin Korontada Dalka

“Anaga ka  waasaarad ahaan cidna saami kuma lihin,  anagu waxaanu doonayanaa in shacabku helaan laydh jaban” Wasiir Eng: Xuseen Cabdi Ducaale

18268466_711030099076219_3716557462780299267_nHargeysa(Waaheen) Gudida Dhaqaalaha ee Golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Wasiirka  wasaarada Macdanta iyo Tamarta  Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, kulankaasi ayaa daranaa nidaamka lagu hagayo shirkadaha laydhka bixiya ee magaalada Hargeysa, kuwaasi oo ay cabasho ka muujiyey dhawaan.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa faahfaahin gudida dhaqaalaha ka siiyey nidaamka ay doonayaan in ay ku kala xadeeyaan shirkadaha Korontada ee magaalada Hargeysa, waxanu beeniyey in ay cid gaar ah kooto ugu xidhayaan bixinta Laydhka Magaalada.

Wasiirka  wasaarada Macdanta iyo Tamarta  Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo Xildhibaan Cali Barre ayaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay waxanay faahfaahin ka bixiyeen kulankooda.

Wasiirka  wasaarada Macdanta iyo Tamarta  Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale kulankaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi. “Xildhibaanadu iyaga oo shaqadoodii Dasduuriga ahayd gudanaaya way ii  yeedhen, xildhibaanada waxa u soo gudubtay cabasho ka socotay dhawr shirkadood oo ah kuwa Laydhka bixiya ee Hargeysa, cabashada shirkadahaasi laba ayuunbay daranayd oo kala ah in wasaarada Macdanta iyo Tamartu mid ka mid ah shirkadaha dalka ay kooto ugu xidhayso  bixinta Laydhka magaalada, arrintaasi  xildhibaanada waanu uga waranay warqadihii cadeynaysay  ee sheegaysay  in aanan ay wasaaradu ciidna kooto ugu xidhin korontada magaalada ayaanu  tusnay,  basle waxaanu  wareegto u kala dirnay dhammaan shiradaha oo aanu kula talinaynay inta sharci soo baxayo aynu nidaamka sharci ku soo dabalno shirkadaheena, oo aynu isla qaadano nidaam aynu ku shaqayno dhammaan shirkaduhuna way aqbaleen, sharcigiina wasaaradu way curisay inkasta oo uu  muddo uu  soo jiitamayey, golaha wasiiradana wuu ka soo gudbay, imikana wuxu horyaala xeer dajinta, iyaguna insha Allaha way gudo galidoonan, shircigaasi ayaa noqondoonan nidaamiyaha shirakadaha, balse inta ka horeysa iyada oo cabashooyin badani nooyimadeen iyo isqabqabsi, oo xaata gaadhay gacan ka hadal, sidaasi daradeed masuuliyadbaa naga saran in aanu kala xadeyno ku meel gaadh ah sameyno kala xadeyntaasi cidna garabka saarimayso ciidna kama soo horjeedo, nidaamka aanu ku hagaynaana waa nidaamkii adduunku korontada u dhigtay, ee lagu ganacsanayey ee ma ah shirkadbaa wax loo xidhayaa kuwo kalena waa la dabrayaa”Ayuu yidhi Wasiirku

“Wareegtadan ay wasaaradu soo saartay ma ah laydh guri cusub la galinayo, laakiin wax laga hadlayaa waa mashruuc cusub oo ah in shirkaduhu koronto aad u xoog badan magaalada soo galiyaan, isla markana la daraasadeeyo oo la ilaaliyo  badqabka maxay saameyn ku yeelanaysaa, macaamiisha maxay saameyn ku yeelanaysaa dhinaca qiimaha laydhka, shirkadahan xadhku hoos u yaalanan maxay sameyn isku sameynayaan, nidaamka ay ku shaqeyaan ma ah nidaam waa Faqsan sharciga, niman khubaro ah oo wasaarada jooga ayaanu doonaynaa in ay daraasadeeyan, marka haddii mashrucii cusubaa  dalka  anfacayo inaga u baahan.”

“Anaga waasaarad ahaan ciidna saami kuma lihin anagu waxaanu doonayanaa in shacabku helaan laydh jaban oo badqabkiisa la hubiyey, oo guriga kugu gubin dadkan wax yeelin, waxaynu ognahay khasaaraha laydhku keeno intaasi oo guri ayaa ku gubta intaasi oo qofna way ku dhawacmaan”Ayuu yidhi Wasiirku.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.