Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland

Laga oo soo bilaabo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeeda, ma aysan hellin

mashruuc maaliyeed oo lagu maalgalinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada,

caafimaadka ,beeraha,Waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada muhiimka u ah. taasina

waxa ay sababtay inay hoos u dhac ku yimimaado adeegyadii bulshada, nassiib wanaag markii

xisbiga kulmiye xukunka la wareegay 1dii-july- 2010, Waxay wasaaradda qorshayntu samaysay

qorshe qaraneed (National Planning) halkaasi oo uu ka bilaamay Mashruuca horumarinta

qaranka Soomaaliland ee SDF ( Somaliland Development Fund) mashruucani waxa uu

sababay inuu kor u qaado adeegyadii bulshada.

Mubaarak Cabdillaahi Daljir oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta

qaranka Soomaaliland ayaa waxaa uu faahin ka bixiyay goortii uu bilaabmay qorshaha

horumarinta qaranka waxaanu yidhi: Qorshaha horumarinta qaranku waxa uu bilaamay 2012 kii

qorshahaas oo loogu talagay inuu shaqeeyo muddo shan sano ah, qorshahaasi oo himiladiisu

ahayd marka laga gaadho 2030 sida ay soomaaliland u ekaanayso dhanka dhaqaalaha iyo

dhanka bulshada, qorshihii horumarinta qaranka ee shanti sano hore waxaa uu dhamaaday 2016

Waxaana bilaamay shanti sano ee danbe ee qorshaha horumarinta qaranka, qorshahaasina waxaa

uu shaqaynayaa 2016-2021 ,ilaa hadda diyaarintiisii ayaanu gacanta ku haynaa waxaana

goloyaasha qaranka iyo bulshadaba aanu usoo bandhig doona horraanta bisha shanaad ee

sanadkan iyadoo madaxwaynuhu saxeexi doono sidaasina lagu hawl galidoono ayuu yidhi

Mubaraak Cabdillaahi Daljir oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada qorshaynta

qaranka ee soomaaliland.

Agaasime Mubaraak waxaa kale oo uu sheeagay in mashruuca horumarinta qaranka ay u

hirgashay in ka badan boqol iyo konton (150) mashruuc waxaana kamid ah oo la ballaadhiyay

dekadda Berbara,wadada ceerigaabo, waxbarshada dugsiyada hoose dhexe oo bilaash laga

dhigay, waxaana la shaqaalaysiiyay macalimiin badan, cisbitaallo badan oo la dhisay iyo qaar

dib u habayn lagu sameeayay, biyaha iyo jidka u dhaxeeya Wajaale iyo Boorama.

Mubaarak, waxa kale oo uu tilmaamay in mashruuca horumarinta qorshaha qaranka ay ka

tageereen Somaliland wadamada laysku yidhaahdo Midowga Yurub waxaana kamida UK,

Holland, Denmark iyo Britain.

waxaa kale oo uu sheegay mucaawino sitoosa loo siiyo Somaliland ay jirto taasoo la soo mariyo

Wsaaradda maaliyada sida Bankiga adduunka iyo mashaariic lasoo mariyo Bankiga horumarinta

Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Sanduuqa horumarinta qaranka ee SDF waxa uu kaga duwan yahay mucaawindii sida tooska

dawlada loo siin jirey , waxaa dhaqaalaha la soo marsiiyaa sanduuuqa hormarinta qaraka dabeed

dawlada ayaa qoondaysa meelaha lacagtaasi la galinayo iyada ayaa maamusha go,aankeedana

leh,Xagii markii hore ay haayaduhu ka maamuli jireen.

Agaasimihu waxaa uu tilmaamay caqabadii ay la kulmeen intii uu socday mashruuca qorshaha

horumarinta qaranka inay ahayd sidii loo maamulay lacagaha faraha badan oo qaarkood ay

ahaayeen malaayin dollar, inay dadku la qabsan waayaan mashaarciicdaasi lacagaha malayinka

dollar ku baxayso ,sidii loo maamuli lahaa iyo inay dawladu maamuusho lacagahaasi, nidaamka

cusub sidii shaqaaluha ula qabsan lahaayeen.

Mashruuca horumarinta qaranka waxaa maamula guddi ka kooban dawladda iyo wadamada

deeqaha bixiya waxaana gudoomiye u ah wasiirka qorshanta waxaana Guddoomiye ku xigeen u

ah wasiir dawlaha wasaaradda qorsheynta qaranka,guddidaasi waxa ka hooseeya guddida

qorshaynta qaranka oo go,aan ka gaadha mashaariicda laga maalgalinayo mashruurca

horumarinta qaran ka ee SDF.

Mubarak Cabdillahi waxaa kale oo uu xusay in mashruuca horumarinta qaranka ay bulshada kala

tashdaan ,tusaale ahaan mushruuca ay hadda diyaarintiisa ay ku jiraan,waxaa uu sheegay inay

tageen dhammaan gobalada dalka ayna la kulmaan bulshada ku dhaqan gobalada,iyagoo

markaasi waydiiyay baahiyaha ugu daran iyo waxyabaaha mudnaanta ay siinayaan,

Filed in: Articles

You might like:

CIIDAMDA Ciidanka Booliska oo Laba Hablood ku Dhaawacay Xaafada Isha Borama
_96226115_mediaitem96221932 26 Masiixiyiinta Qibdiga ah oo lagu laayay dalka Masar
warss Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku dhawaqay in Caawa Ramadaan Kow tahay
nnnnn Wasaaradda Maaliyadda oo Ganacsatadda u ogolaatay inay Jeegagii laga joojiyey kaga soo cashuuran karaan Kastamada
news Ciidamadda Booliiska Somaliland oo Lix nin oo lagu Eedaynayo Daacish iyo Al-shabaab ku qab qabtay Hargeysa
muuu Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.