Caqabadaha hor-taagan in Dumarku helaan qoondo doorasho & Xalka ugu Haboon

Caqabadaha hor-taagan in Dumarku helaan qoondo doorasho & Xalka ugu Haboon

Laga soo bilaabo sannadkii 2005-tii oo ahayd markii ugu horeysay ee ay haween si toosa ah ugu

tartamaan doorashadii golaha wakiilada waxa isa soo taraayay u xusul duubnaanta haweenka ee

ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen in doorashooyinka goleyaasha wakiilada iyo ta goleyaasha

degaanka kuraas looga qoondeeyo dumarka. Doorashadaas waxa cod tartan ah ku soo baxday hal

xildhibaan oo la odhan jiray Ikraan Xaaji Daa’uud oo ku soo baxday doorasho toos ah.

Taasi waxay keentay in haweenku ay ka baqaan tartan toos ah oo ay u galaan kuraasta, waxaanay

bilaabeen ololeyaal ay ku doonayaan in la siiyo qoondo, aan cid kula tartamin.

Waa Maxay Qoondo Ama Kooto?

Waa saamiga loo xidho dadka aan tartami karin doorashooyinka xorta ah, waxay noqon kartaa

tiro kuraasi ah ama liiska murashaxiinta oo laga siiyo qayb gaar ah dad gaar ah sida haweenka.

Taasaa la yidhaa kootada ama qoondaynta haweenka.

Kootada ama qoondaynta la Siiyo Haweenku waa sadex nooc oo kala Ah:-

1. Waa in dumarka si gaar ah loo siiyo kuraas aanay u tartamin afka qalaadna waxa la

yidhaa (Reserved seats). Qaabkan dalalka adeegsadaa waxay inta badan dastuuradooda

iyo xeerarka ka farcama ku darsadeen xeerar sharci ka dhigaya in dumarku la siiyo

saamigaas.

2. Waa in qoondo laga siiyo liiska musharixiinta kuraasta doorashada golaha wakiilada iyo

ta golaha deegaanka.

3. Waa in xisbiyadu liiska musharixiintooda ku daraan oo ay kuraas cayiman uga

qoondeeyaan kuraasta doorashada goleyaasha wakiilada iyo deegaanka afka qalaadka ku

noqonaysa (Voluntary Political Party Quotas). Habkan sadexaad waxa uu kaga gadisan

yahay badaas nooc ee hore, ma jiro sharci ama xeer jidaynaya ee waa inta ay xisbiyada

siyaasaddu u gartaan qoondada ay siinayaan dumarka.

In badan haweenka Somaliland waxay dadaaal u galeen in ay saami ka helaan kuraasta

doorashada iyo ka qayb-galka siyaasadda dalka.

Markii ugu horaysay ee ay haweenka Somaliland soo bandhigaan doonistooda la xidhiidha in

saami laga siiyo doorshooyinka kuraasta golaha wakiilada iyo deegaanka, waxay ahayd

sannadkii 2007, kadib markii ay ku hungoobeen haween badan oo isku soo sharaxay tartankii

doorashada ee golaha wakiilada.

Dumarku doonista saamigoodaas waxay ku sabayeen in aanay si toos ah ama tartan ah aanay uga

qayb qaadan karin doorashooyinka, isla markaana aanay ku guulaysan karin kuraas.

Wadamada ugu badan ee isticmaala qoondaynta Dumarka

Inkasta oo wadamadani aanay muslim ahayn haddana waa kuwa ugu badan ee dumarka siiya

qoondo doorasho. Qoondaynta dumarka oo afka qalaad lagu yidhaa (Gender Quota), waa qaabka

ugu badan ee wadamadu dunidu adeegsadaan. Wadamadu aad bay ugu kala duwan yihiin.

Wadamada ugu badan ee adeegsadaana waa kuwa loo yaqaan iskaandaneefiyaanka

(Scandinavians), oo ay ka mid yihiin:

Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo kuwo kale.

Halka ay ka taagan yihiin goleyaasha sharci dajintu qoondada Haweenka

Golaha wakiilada ayaa markii la horkeenay qodobo ka mida xeerka doorshada golaha wakiilada

oo ay ku jiraan in saami la siiyo dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay, golaha wakiiladu

waxay u qaadeen cod gacan taag ah, waana ay diideen in ay ansixiyaan.

Fadhigaas oo qabsoomay 2 September 2012, oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku-xigeenka

koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax waxa ka soo xaadiray 42

xildhibaan oo ka mida 82-ka uu golaha wakiiladu ka kooban yahay.

Cod qaadis kaddib waxa ogolaaday in la laalo ama aan la ansixin 21 xildhibaan, waxaa diiday 12

xildhibaan, halka ay 9 xildhibaana ka aamuseen, iyadoo aanu gudoomiyuhuna codayn.

Sidaasna waxa golaha wakiiladu ku laaleen qodobkii ku saabsanaa qoondada haweenka iyo

dadka laga tirade badan yahay ee ku jiray xeerka doorashada golaha wakiilada.

Sidoo kale in haweenka qoondo laga siiyo doorashooyinka waxa aan waafaqsanayn golaha

guurtida oo ka soo horjeestay qorshan qoondada haweenka. Golaha guurtidu waxay sheegeen in

arrintaasi ka hor imanayso dastuurka Somaliland iyo xeerarka ka farxamay.

Guurtidu diidmadoodaas waxay u cuskadeen qodobka 80-aad ee dastuurka Somaliland, kaas oo

sheegaya xaqa doorashada muwaadiniintu rag iyo dumarba ay u siman yihiin, cid gaar ahna aan

loo qoondayn karin wax u gaar ah.

Qodobkan dastuurka ayaa waxa uu u dhigan yahay sidan:- Qodobkiisa 8-daad, farqadiisa 1aad oo

ka hadlaysa sinaanta muwaadiniinta ee sharciga hortiisa ayaa waxay odhanaysaa muwaadiniintu

(rag iyo dumarba) ay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad isku mid ah, iyadoon

loo eegayn midab, qabiil, sinji, dhalasho IWM.  Dastuurku rag iyo dumar wuxuu siinayaa

xuquuq siman oo waxay wadaagaan ereyga “Muwaadin”.

Waxa kale oo golaha guurtidu cuskadeen qodobka qodobka 22-aad farqadiisa 1-aad ee dastuurka

Somaliland, kaas oo ka hadlaaya xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka, qodobkaasi waxa uu u

dhigan yahay sidan:- “Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu ka qaybqaato arrimaha

siyaasadda, dhaqaalaha, bushada iyo dhaqanka ba si waaafaqsan shuruucda dalka iyo

dastuurka”.

Guurtidu waxay ku doodayaan in haweenku ay si toos ah uga qayb-qaataan tartanka

doorashooyinka ee kuraasta goleyaasha deegaanka iyo wakiilada.

Dumarku tirada dadka codeeya waxa lagu qiyaasaa 50%, haddana awood uma laha in ay iyagu

iskood isku doortaan oo ay kuraas ka helaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo

wakiilada, maadaama oo ay haystaan caqabado dhaqan iyo qaar siyaasadeed. Sidaa waxa

sheegtay Nafisa Yuusuf Maxamed oo ah agaasimaha isku xidhka daladda ururada haweenka ee

NAGAAD.

Caqabadaha dumarka ka haysta in dumarku si toos ah ugu tartamaan kuraasta goleyaasha dalka

waxa kale oo iyana caqabad ku ah iyaga qudhooda oo aan inta badan taageero isku muujin xiliga

doorashooyinka, sida ay sheegtay xildhibaan Baar Siciid Faarax oo ah haweenayda kaliya ee ku

jirta golaha wakiilada oo ka kooban 82 xildhibaan.

Xisbiyada Somaliland ayaa waxay ogolaadeen in saami laga siiyo dhan 10%, taas oo ah in

haweenku 8 xildhibaan ku yeeshaan 82-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland. Sidaa

waxa sheegay Maxamed Cawaale oo ah agaasimaha waaxda xidhiidhka ee wasaaradda shaqada

iyo arrimaha bulshada Somaliland.

Dastuurka Somaliland iyo Qoondada Doorashooyinka.

Dastuurku kuma jirto meel uu ku kala soocay ama uu ugu kala eexday muwaadiniinta,

arrintaasna waxa u daliil ah ah qodobka 36-aad ee dastuurka Somaliland, farqadiisa 1-aad toos

oo u dhigan sidan:- “Xuquuqaha uu dastuurku siiyey muwaadiniinta, si isku mid ah ayey u

wadaagayaan ragga iyo haweenku, marka laga yimaado wixii ay shareecadu ka reebtay

(haweenka).  Ma daliil intaa ka badan ayeynu u baahanaynaa? Maya, ayaan filayaa.

Haweenka ka qayb-galka siyaasadda waxa ka hortaagan caqabado badan oo ay ka mid yihiin

qaar dhaqan, qaa siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale, sida uu sheegay garyaqaan Guuleed Axmed

Jaamac oo ah gudoomiyaha ururka xuquuqal iinsaanka. Sidoo kale garyaqaan Guuleed waxa uu

sheegay in loo baahan yahay wacyigalin badan maadaama oo ay jiraan sababo badan.

Gunnaanad

Xalka ugu haboon ee ay haweenku ku gaadhi karaan damacooda siyaasadeed ee ka qayb-

qaadashada doorashada goleyaasha wakiilada iyo degaanadu waa in ay xisbiyadu siiyaan qoondo

go’an oo ay ku yeeshaan kuraasta labadaas gole, maadaama oo goleyaashii sharci dajintu aanay

isku raacin in haweenka la siiyo qoondo u gaar ah.

Waxa ay is waydiintu tahay xisbiyada siyaasadu ma kaga dhabayn doonaan qoondada ay u

sheegeen in ay haweenka siin doonaan.

Waxa kale oo iyana su’aali ka taagan tahay qodobka qoondada haweenka ee ku jira xeerka

dooshada golaha wakiilada in ay meel marin doonaan iyo in kale, iyadoo ay xusid mudan tahay

in golaha guurtidu qoondada hore u diideen, iyagoo ku sababeeyay in ay sharcigu aanu ogolayn

in cid qoondo doorasho loo samameeyo.

Filed in: Articles

You might like:

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga iyo Xuska 26-ka June
Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Ciida
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Shacabka Somaliland ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-fidriga
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo xaqiijiyey Ciidda
Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeisa Oo Fariin Udiray Shacabka Hargeisa Iyo Somaliland
XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.