Muuse Biixi oo Safar deg deg ah ku tagay Itoobiya

muuseHargeysa(Waaheen) Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa  safar aan ujeedadiisa cadayn  kaga baxay magaalada Hargeysa isaga oo u dhoofay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in safarkiisa aanay ciidi ku wahelin oo uu  diyaar kali u raacay magaalada Adisababa shalay.

Si cad looma oga ujeedada safarkiisa, laakiin iswaydiintu waxay tahay madama gobolada ay ka socoto qaadashada kaadhka  codbixinta oo xisbiyadana muhiim u tahay in dadka ay ku wacyigaliyaan in ay qaatan ka gaadhka codbixinta uu Gudoomiyihii xisbigii Kulmiye uu dalkii ka dhoofay, wararka Waaheen helayo ayaa sheegaya in safarka gudoomiyihu ee wakhtigan ku soo beegmay in uu yahay mid culus, oo uu kaga mashquulay safar la filayey in uu ku tago gobolka saaxil oo ay ka socoto diwaangalinta codbixintu.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.