Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Maayarka Borama oo Komishanka iyo Xukuumadda Dhexe ugu baaqay xaaladda Kaadh-bixinta oo Gobolka Awdal I dib loo Eego

Borama(Waaheen) Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Ciise Shiine iyo Maayarka Borama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa si isku mid ah uga digay inay xaalad Nabadgelyo darro oo ay sababto kaadh-bixinta Cod-bixixyayaasha Doorashooyinka uga digay, iyagoo sabab uga dhigay Komishanka Doorashooyinka oo khaladaad badan oo dhinaca Maamulka goobaha ah sameeyey.

shiineLabada Masuul ee Gobolka iyo Degmada ayaa sheegay kormeerkii ay sameeyeen inay ku ogaadeen dadka Reer Borama inay la kulmeen caqabado farabadaan oo ay ka mid yihiin goobihii kaadh-bixinta oo isku dhex qasmay iyo Wacyigalin la’aan, waxaanay ku baaqeen si loo saxo khaladaadkaas inay Komishanku Garwaaqsadaan Muddada ka khasaartay dadweynaha in loo kordhiyo.

maayarka-borama-sax-1Maayarka degmadda Borama Maxamed Xuseen Maydhane ayaa sheegay goobtii uu iska diiwaangaliyey iyo laba goobood oo kale oo loo tilmaamayba in uu ka waayey kaadhkiisii, hase yeeshee markii danbe uu ka helay goob saddexaas oo uu sheegay in uu kula kulmay uun, waxaanu yidhi “ anigoo ah masuulkii degmadda kaadhkaygii waxaan ka soo helay goob aanan ka filayna markii aan ka waayey laba goobood oo ay Komishanku iigu tilmaameen”

Badhasaabka Gobolka Awdal ayaa sheegay Komishanka iyo xukuumaddu-ba inay talo ka yeeshaan Niyad jab iyo cadho dadweynaha Reer Borama ay ka muujinayaan caqabadaha kala soo darsay Kaadh qaybinta, isagoo sheegay inay la tacaalayaan qancinta dadweynaha oo haddii aan go’aan rasmi ah loo sheegin abuuri kara xasilooni darro, saamayn doonta Gobolka iyo Qarankaba.

Badhasaabka iyo Maayarka Borama waxay Eeda arrintan dusha ka saareen Komishanka oo ay sheegeen inaanay wacyigalin hagaagsan gobolka ka samayn, isla markaana aan sugin goobaha kaadhka laga qaadanayo iyo Liisaska ka qaadanayaba.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.