“Komishanka waxaad moodaa inay dhagaha ka furaysanayaan baaqayaga hase yeeshee dadweynaha ayaa dhagahooda furi doona.” Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle

Borama(Waaheen) Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee Gobolka Awdal ayaa Komishanka ugu baaqay inay wax ka qabtaan ciladaha ka yimi kaadh qaybinta Gobolka Awdal oo uu sheegay inay tahay mid dadweynaha gobolka lagaga duudsiyayo xuquuqdooda dastuuriga ah ee Codaynta Doorashada.

xildhibaanXildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu sheegay inay adagtahay inay dadku aqbalaan wax wada tijaabo ah oo aan wakhti loo siinin in ciladaha ka yimaada ee ay Komishanku sababeen, hadana iyaga la yidhaa ha isku qabaan oo la diido in fursad loo siiyo dibu-dhaca ku imanaya inay dadku kaadhadha qaataan.

Xildhibaan Axmed Yaasiin waxa uu ku hanjbaya inaanay Cod-bixin iyo Doorasho xalaal ahi aanay ku dhici dooni qaabka Komishanku u maamuleen kaadh qaybinta waxaanu yidhi “Dastuurka ayaa na faraya waana xuquuq aanu xaq u leenahay muddada ay doonto ha qaadatee inaanu Kaadhadhkayagii helno, maadaama lanagu tijaabiyo. Sidana Doorasho iyo Cod-bixin midkood-na ku dhici kari maayaan.”

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa auu intaas raaciyey “Laba maalmood oo kaliya inaan kaadh ku qaadanaa ma socon doonto. afar iyo shan maalmood ba waanu u baahanahay.”

Mar uu ka hadlayey waxa ka dhalan kara haddii aan xal laga gaadhin cabashada Gobolka waxa uu yidhi “Komishanka waxaad moodaa inay dhagaha ka furaysanayaan baaqayaga, hase yeeshee dadweynaha ayaa dhagihiina furi doona.”

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.