Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka ku Eedeeyey inay khaladaad badan ka sameeyeen Kaadh-bixinta Gobolka Awdal

“waxaanay arrimahani keenayaan siyaasiyan iyo nabad gelyo ahaanba halis.” Wasiirka Waxbarashada

Borama(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland C/laahi Ibraahim Habane (C/laahi Dheere)  ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ku Eedeeyey maamul xumo la xidhiidha Kaadh-qaybinta Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalo madaxda oo uu sheegay goobihii la iska diiwaangaliyey oo ahaa dhawr iyo toban goobood in ay sadex jeer laabeen, isla markaana dadkii jahawareer ka qaadeen goobihii ay u doonan lahaayeen Kaadhadhkooda.

dheereWasiir C/laahi Dheere Komishana waxa uu ku eedeeyey komishanka inaanay wax wacyigali ah u samaynini dadweynaha, isla markaana aanay soo dhajinin goobaha ay balaadhiyeen dadkii ka qaadan lahaa Kaadhadhka, iyadoo uu sheegay illaa hadana in aan laga hayn Liiska rasmiga ah ee dadka xaqa u yeeshay kaadh qaadashada.

C/laahi Dheere waxa uu sheegay Komishanka markii ay kala hadleen cabashada Gobolka inay Si dheel dheel ah ugu  yidhaahdeen  wax kastaa way hagaagsan yihiin, isagoo ku tilmaamay hadalkoodaas mid ay ku qarinayaan  dhaliilaha ay sababeen ee ay dadku jahawareerka ka qaadeen.

Wasiir C/laahi Dheere waxa uu hadalkiisa ku sheegay inaany dadweynaha badankoodu tagin goobaha kaadh bixinta, waxaanu ka digay inay arrimahaasi keeni karaan siyaasiyan iyo nabad gelyo ahaanba halis.

C/laahi Dheere waxa uu tilmaamay Muddada kaadh bixinta in la kordhiyaa inay lagama maarmaan tahay, isla markaana wacyigalinin dadweynaha  loo sameeyaana daruuri tahay.

Ugu danbayntii C/laahi Dheere waxa uu dusha ka saaray nidaam xumada ka taagan kaadh qaybinta Borama inay Eedeeda leeyihiin Komishanka Doorashooyinku “Eeduna dadka kama dhaxaysee waxa iska leh Komishanka Doorashooyinka.”

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Amarre askari daacad ahaa oo dalkiisa u adeegaay.
Inqilaabka Siyaasadeed Ee Boqortooyada Sacuudiga (Qormo)
Gaanni Maanso Suufinnimo ah W/C: Maxamed
Hoggaamiye noocee ah baa keeni kara hal-abuurka aynu u baahanahay?
Geedka Yoocada
Jabhad Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Laasqoray Ee Gobolka Sanaag
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.