BBC Oo Bedeshay Kelmadii “La Baxday” Ee Ay Somaliland U Isticmaali Jirtay

somali_1024x576Hay’adda BBC world service ayaa bedeshay magacii ay hore ugu yeedhi jirtay Somaliland ee ahayd “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland”, waxaana la go’aamiyay magac cusub oo ka soo baxay waaxda Tifaftirka ee BBC.
Magacan cusub ee hadda wixii ka dambeeya ay BBC isticmaali doonto marka ay ka hadlayso dalka Somaliland ayaa ah Self-declared Republic of Somaliland “SDR of Somaliland” oo af Soomaali ku noqonaya  “Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland”.
Magacan cusub ee BBC ayaa bedeli doona magacii ay BBC hore u adeegsan jirtay marka ay Somaliland ka hadlayso ee ahaa “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.”, waxaana magacan cusub isticmaali doona dhammaan hay’adaha BBC ee kala duwan.
SDR of Somaliland ayaa macno ahaan ka culus kii hore ee ahaa Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo ay bulshada Somaliland aad uga dagaalameen ugana soo horjeedeen, waxaanu magacan cusubi ka soocayaa Somaliland maamul goboleedyada tirada badan ee Somaliya iyadoo Somaliland xorriyadeeda kala soo noqotay Somaliya sannadkii 1991.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.