Wiil uu Dhalay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kaalinta Koowaad Ka Galay Tartan Aqooneed Heer Caalami ah oo Ka Dhacay Dalka Kasakhistan

 wiil uu dhalay Gudoomiye cirroSoo Dhaweyn Ballaadhan oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay ugu Sameysay Hargeysa

Hargeysa(Waaheen):-Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ah wiil uu dhalay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kaalinta koowaad ka galay tartan aqooneed heer caalami ah oo ka dhacay dalka Kasakhistan taasi oo uu ku metelaayey magaca Somaliland isaga oo weli ba halkaasi ka dhex muujiyey calanka bilicda san ee Somaliland.

Ibraahin Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka dib markii uu dalka ku soo laabtay si diiran looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay tartankaas uu ku soo guuleystay isaga oo sida oo kale na xusay in uu tartankaas ku metelaayey magaca Somaliland oo uu halkaas ka muujiyey.

Ibraahin oo dhigta iskuul ku yaala Hargeysa oo la yidhaahdo Vifak Academ  ayaa isaga iyo arday oo la yidhaado Cabdikhaaliq Ibraahin   tartankaasi u tageen Kasakhistan isla markana ku soo kala guuleysteen.

 

Wiilka uu Guddoomiye Golaha wakiilada Somaliland uu dhalay ee Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa halinta kowaad ka soo galay tartankaasi isla markana waxa la siiyey Bilad Dahab ah, halka Cabdikhaaliq Ibraahin  isaguna kalinta saddexaad uu galay isla markana Bilad Maar ah la siiyey.

 

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

18may-6 XUKUUMADDA OO KU HAWLLAN QORSHE LAGU HAKINAYO DABBAAL-DEGYADII 18-KA MAY EE DALKA GUDIHIISA LAGU QABAN JIREY IYO SABABTA LOO CUSKADAY
CALI-MAXAMED-YUUSUF-CALI-GURAY-OO-SHEEGAY-INUU-U-CODAYNAYO-MUUSE-BIIXI-2016-1 CALI-GUREY OO SHARRAXAY IS-XULOFAYSI SIYAASADEED OO HORE UGU DHEXAYN JIREY QAAR KAMID AH BEELAHA REER SOMALILAND & MAGACYADA REERAHA IS-BAHAYSAN JIRE
wasiir Wasiirka Maaliyada ee Somaliland oo Booqatay Labareeriga ee Berbera
waddani XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI OO MADAXTOOYADA SOMALILAND KU EEDEEYEY XADHIGA MASUULIYIIN WADDANI KA XIDHAN
1-144-150x150 Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxweynayaal
ucid GUDIDA DIWAANGALINTA URURADA OO GO,AAN KA SOO SAAREY DACWAD UU XISBIGA UCID U GUBIYEY IYO XISBIGAAS OO GANAFKA KU DHUFTEY
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.