Komishanka Doorashooyinka Oo Ka Hadlay Mus-dambeedka Loo Samaynayo Iyo Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Hay’addaha Ay Wada Shaqeeyaan.

“Komishanku waa hay’adda ugu saraysa ee u qaabilsan dalka inay Qabto doorashada, Waxaanu ku dhisanahay Xeerar, Xeerarkaas Sharciga ah Nina Kama Sareeyo.”Cabdiqaadir Iiman

KOMSIHANKA Hargeysa(Waaheen) Guddida Doorashooyinka Soomaaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay sida ay u arkaan guddida mus-dambeedka ah ee la sheegayo inuu madaxweyne Siilaanyo u samaynayo. Gudoomiyaha guddida doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa si taxadir leh u sheegay inay ku shaqeeyaan sharciyad u yaala. waxaanu yidhi “Komishanku waa hay’adda ugu saraysa ee u qaabilsan dalka inay hagto doorashada, diwaan gelinta iyo wixii la xidhiidha, ilaa hada si toos ah ayaanu u wada shaqaynaa hay’addaha aanu wada xidhiidhno oo ah inaanu isu marno wixii aanu is farayno ama kala qaadanayno haday sadexda xisbi qaran tahay iyo haday dawlada tahayba, xidhiidhkayaguna waxa uuka dhaxeeyaa afartaas hay’addood iyo anaga oo dhex u ah,  dhex dhexaadnimadayada iyo jiritaankayagana xeerar ayaa qeexaya, walina ma hayno wax toos ah laakiin marka ay timaado waanu ka hadli doonaa.”

Gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaanu ku dhisanahay xeerar,  xeerarkaas sharciga ah nina kama sareeyo, xeerarkaasi wixii ay na farayaan ayaanu ku dhisanahay xeerarkaasina way qeexayaan waanay cad yihiin.”

Sidoo kale gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan ayaa ka hadlay qaabka ay u wada xidhiidhaan hay’addaha ay wada shaqayntu ka dhaxayso waxanu yidhi “komishanka doorashooyinka ayaa u yeedha ama ay ka timaadaa inuu arko hay’addaha uu la xidhiidho, wadan sharci ku dhaqma ayeynu nahay, sharciga haddii aynaan marina waxeenu waxay noqonayaan inuu walaac galo, xeerka doorashooyinka ee lagu dhisay guddida doorashadu   isaga ayaa komishanka awood u siinaya inuu hay’ad kasta oo uu wax uga baahdo u diro waraaq.”

sidoo kale gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan  ayaa ka hadlay kulan ay dhawaan la yeesheen xukuumada iyo sidii uu ku yimid waxaanu yidhi “sida aanu dawlada maalintaas dhawayd ugu tagnayna waxay ahayd shaqadii naga dhaxaysay, madaxweynaha meel ka hoosaysana ma aragno, maadaama oo aanu galayno kaadh bixintii  waxaanu madaxweynaha ugu tagnay inaanu gaadhsiino inaanu u baxayno labadaas gobol dhamaystirnayna wixii agab iyo shaqaale ahaa ee loo baahnaa isla markaana ay ogaadaan in shaqadii la gudo galay, wixii naga dhiman haday xisaab tahay iyo haday shuruuc tahayba iyo wixii aanu uga baahanayba halkaas ayaanu galinay oo waa dariiqada aanu ku xidhiidhno madaxweynaha iyo sadexda gudoomiye ee xisbiyada.”

Ugu dambayna gudoomiye Cabdiqaadir Iimaan ayaa ka hadlay kulan la qaateen wasiirka madaxtooyada, kaas oo la taliyihii is casilay ee Cabdilaahi Jawaan sheegay in lagu go’aamiyey mus-dambeed loo sameeyo guddida doorashada waxaanu yidhi “La taliyaha madaxweynuhu  waa la taliyaha madaxweynaha ee arimaha doorashooyinka iyo xisbiyada  maaha la taliyaha komishanka, komishankuna marka uu doonayo inuu la hadlo madaxweynaha waa inuu madaxweynaha la fadhiyaa marka ugu dambaysa ee aanu gaadhno, laakiin tii uu kaga baxay Cabdilaahi Jawaan waa anaga oo sii diyaarinayna wixii madaxweynaha loola tagi lahaa oo wasiirka madaxtooyada aanu ka sii diyaarino si aanu madaxweynaha ugu tagno.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

18may-6 XUKUUMADDA OO KU HAWLLAN QORSHE LAGU HAKINAYO DABBAAL-DEGYADII 18-KA MAY EE DALKA GUDIHIISA LAGU QABAN JIREY IYO SABABTA LOO CUSKADAY
CALI-MAXAMED-YUUSUF-CALI-GURAY-OO-SHEEGAY-INUU-U-CODAYNAYO-MUUSE-BIIXI-2016-1 CALI-GUREY OO SHARRAXAY IS-XULOFAYSI SIYAASADEED OO HORE UGU DHEXAYN JIREY QAAR KAMID AH BEELAHA REER SOMALILAND & MAGACYADA REERAHA IS-BAHAYSAN JIRE
wasiir Wasiirka Maaliyada ee Somaliland oo Booqatay Labareeriga ee Berbera
waddani XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI OO MADAXTOOYADA SOMALILAND KU EEDEEYEY XADHIGA MASUULIYIIN WADDANI KA XIDHAN
1-144-150x150 Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxweynayaal
ucid GUDIDA DIWAANGALINTA URURADA OO GO,AAN KA SOO SAAREY DACWAD UU XISBIGA UCID U GUBIYEY IYO XISBIGAAS OO GANAFKA KU DHUFTEY
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.