Maxaa Ka Dhalankara Baadhitaanka Dawlada UK, ee Deeqaha iyo Gar-Gaarka Aadanimo ee Somaliland? Jaamac Hilaac

calancalanWaxaa muuqata qorshe (Plan) ay xukuumada UK (the Great Britain) ay ku doonayso inay baadhitaano ku samayso sida loo maamulay /maamulo deeqaha iyo gar-gaarka aadanimo ee kale ee ay siiso xukuumada iyo shacabka saboolka ah ee reer Somaliland.

Warar horaantii bishan april 2017 lagu baahiyey mareegaha internedka, shabakadah wararka iyo mid ka mid ah Wergaysyada maxaliga ah ee dalka ayaa lagu sheegay in dawlada UK ay balan qaaday inay baadhitaan iyo daba gal ku samaynayso in gar-gaarka aadanimo iyo deeqaha kale ee loo ururiyo shacabka Somaliland inay soo gaadhaan shacabka iyo inay ku lumaan dariiqo iyo gacmo kale, baadhitaankan ayaa la aaminsan yahay inuu ka dhashay kadib markii ay xildhibaano ka tirsan aqalka baarlamaanka UK ay wer wer xoogan ka muujiyeen in deeqaha loo ururiyo shacabka Somaliland ay gaadhan dadka u baahan iyo inay meelo kale ku lumaan taas oo keentay in wasiiru dawlaha horu marinta caalamiga ah ee dawlada ingiriisku ay balan qaado inay baadhitaan ku samayn doonto cabashadan ka soo yeedhay xil dhibaanadan.

Dawlada UK oo ka mid ah sideeda dal ee dunida ugu dhaqaalaha badan ee G8 ayaa tan iyo markii ay bur burtay xukuumadii dhexe ee somaliya ee sanadkii 1991kii ayaa waxay shacabka Somaliland ka taageeraysay adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada sida, caafimaadka, waxbarashada, amaanka iyo nabad sugida , biyaha IWM, waxaa kale oo xukuumada UK ay malayiin gini ku shubtaa hay’adaha qaramada midoobey (UN) iyo kuwo kale oo caalami ah( Inter national Agencies) si kor loogu qaado adeegyada horumarineed ee laf dhabarta u ah shacabka iyo dawladnimada sida, Dhaqaalaha, Siyaasada , Adeega garsoorka , Xuquuqul insaanka , Dawlad Wanaaga , Xoriyatul qawlka ,Ku dhaqanka sharciga , Ilaalinta deeganka iyo Doorashooyinka.

Baadhitaanka xukuumada UK waxaa ka dhalan kara in beesha caalamka oo ay ku jirto qaramada midoobey , midowga yurub ,maraykanka, iyo dawlado kale ay dib u eegan boqolaalka milyan ee dollar ee ay dawladohoodu ku bixiyaan mashaariicda horumarineed iyo adeegyada dawliga ah ee ay siiyan shacabka Somaliland kuwaas oo ilaa maanta aan waxba ka badalin dawlad xumada iyo nolosha sii bur buraysa ee shacabka Somaliland.

Baadhitaanka xukuumada UK waxaa uu ku soo beegmayaa xili laba milyan oo qof oo reer Somaliland ahi ay la il daranyihiin macluul, cuduro iyo hooy la’aan ka dhalatay abaaraha iyo dawlad xumada dalka ka jirta , waxaa kale oo baadhitaankani ku soo beegmayaa xili shacabka ku nool magaalooyinka dalku ay la tacaalayaan sicir barar hala keeyay noloshooda kaas oo ka dhashay musuq maasuq iyo sida xun ee xukuumada madaxweyne Siilaanyo u maamushay dhaqaalaha dalka , waxaa kale oo baadhitaankani ku soo beegmayaa xili dawlada ingiriisku ay tilmaamtay in dalka Somaliland uu ka jiro musuq maasuq iyo doorasho la’aan, taas oo sababtay in xukuumada Somaliland laga reebo ka qayb galka shirka caalamiga ah ee London ka dhacaya bisha September kaas oo ay marti gelinayso Raysal wasaare Theresa May iyo in beesha caalamku joojisay Boqolkiiba shan iyo todobaatan 75% dhaqaalihii la siin jiray dawlada iyo shacabka Somaliland. waxaa kale oo baadhitaankani ku soo beegmayaa xili Ha’yada dunida u qaabilsan musuq maasuqa ee( Inter national Tranisparcy ) ee fadhigeedu yahay dalka jarmalka ay sheegtay sanadkii 2016 in madaxtooyada Somaliland iyo soomaliya ay noqdeen labada dawladood ee dunida ugu musuq maasuqa badan iyadoo hay’adu ku xustay darajada 10 ee lagu cabiro musuq maasuqa( corruption score).

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo todobadii sanadood ee u danbeysay dhibane u ahaa musuq maasuq iyo dawlad xumo ayaa eegaya waxaa ka dhalan kara baadhitaanka xukuumada UK ee gar-gaarka aadanimo iyo deeqaha ay siiso Somaliland.

Cuqubo Halkii Lagu Galay Caw ku hurudaaye, Caruurtay Ka laysaa ninkii Caano baas dhama eh (Abwaan Cabdi Gahayr)

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

CIIDAMDA Ciidanka Booliska oo Laba Hablood ku Dhaawacay Xaafada Isha Borama
_96226115_mediaitem96221932 26 Masiixiyiinta Qibdiga ah oo lagu laayay dalka Masar
warss Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku dhawaqay in Caawa Ramadaan Kow tahay
nnnnn Wasaaradda Maaliyadda oo Ganacsatadda u ogolaatay inay Jeegagii laga joojiyey kaga soo cashuuran karaan Kastamada
news Ciidamadda Booliiska Somaliland oo Lix nin oo lagu Eedaynayo Daacish iyo Al-shabaab ku qab qabtay Hargeysa
muuu Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.