Guddoomiyaha XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE oo magacaabay guddida Fulinta gobolka Awdal

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay guddidafulinta Heer gobol ee Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal, waxaanu qoraal uu soo saaray u dhignaa Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.

Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

1. Cabdiqaadir Daahir Ojor – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

2. Axmed Maxamed Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

3. Maxamed Sh. Muuse Cumar – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

4. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

5. Sahra Aw Cilmi Maxamuud – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

6. Deeqa Faarax Cadaawe – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

7. Safiya Cabdi Nuur – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

8. Yuusuf Nuur Muuse – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

9. Cumar Muuse Qalinle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.

10. Maxamed Aadan Suldaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

11. Maxamed Siciid Aadam – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

12. Cabdirisaaq Axmed Ibraahim (Doob) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasada iyo Nabadgalyada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

13. Axmed Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

14. Cabdiraxmaan Muxumed Rooble – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

15. Cabdisalaan Dayib Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

16. Axmed Xuseen Samaale – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal .

17. Cabdiqaadir Faarax Xasan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

18may-6 XUKUUMADDA OO KU HAWLLAN QORSHE LAGU HAKINAYO DABBAAL-DEGYADII 18-KA MAY EE DALKA GUDIHIISA LAGU QABAN JIREY IYO SABABTA LOO CUSKADAY
CALI-MAXAMED-YUUSUF-CALI-GURAY-OO-SHEEGAY-INUU-U-CODAYNAYO-MUUSE-BIIXI-2016-1 CALI-GUREY OO SHARRAXAY IS-XULOFAYSI SIYAASADEED OO HORE UGU DHEXAYN JIREY QAAR KAMID AH BEELAHA REER SOMALILAND & MAGACYADA REERAHA IS-BAHAYSAN JIRE
wasiir Wasiirka Maaliyada ee Somaliland oo Booqatay Labareeriga ee Berbera
waddani XOGHAYAHA GUUD EE XISBIGA WADDANI OO MADAXTOOYADA SOMALILAND KU EEDEEYEY XADHIGA MASUULIYIIN WADDANI KA XIDHAN
1-144-150x150 Xukuumadda Somaliland Oo Ka Baaqatay Shirka Tana Forum Ee Itoobiya Lagu Qabto Oo Ay Ku Kulmaan Madaxweynayaal
ucid GUDIDA DIWAANGALINTA URURADA OO GO,AAN KA SOO SAAREY DACWAD UU XISBIGA UCID U GUBIYEY IYO XISBIGAAS OO GANAFKA KU DHUFTEY
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.