Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay

MAQAAL11Waxa la sii daayay nin macallin ah oo booliisku u xidheen inuu la magac yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud. Dharaaro ayuu intaas u xidhnaa. Dadka reer Somaliland aad bay uga yaabeen ugana cadhoodeen sida ka muuqatay dareenka ay ku cabireen baraha bulshada.

Markii la sii daayay kadib waxa macallinkii la kulmay madaxwaynaha. Waa arin fiican oo muujinaysa inaan madaxwaynuhu ka raali ahayn falkaas.

Haseyeeshee talaabadani waxaay marag cad u tahay in booliisku iska xidhi karo ciduu doono oo aanu u baahnayn in loo maro sharci iyo inay jirto fal dembiyeed uu qofku galay toona. Waxa dadka ka sii yaabiyay markii uu warbaahinta ka difaacay xadhiga macallinka taliyaha guud ee booliiska.

Booliisku waa quwad aan cid dadka ka celisaa jirin waayo ma dhegaystaan maxkamadaha.

Hadii macallin Siilaanyo uu helay hiil, waxaad ogataa dad la mid ah baa jira oo u baahan hiil. Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay. Is bedelkana adiga ayaa qaybtiisa u badan samayn kara. Si aanay u sii socon sharaftaada iyo ta dalka inay ku ciyaraan, waxaan kaa codsanayaa inaad talaabo ka qaadid cidda u talisa booliiska oo hogaanka u ah. Waxa haboon inaad booliiska hogaan uga dhigtid cid sharciga iyo karaamada dadka ilaalisa.

Anigu taliye booliis ma rabo, danna kama lihi oo cid gaar ah uma ololeeynayo, balse waxaan u arkaa in dalku aad ugu baahan yahay.

Somaliland oo dhan way eegaysaa jawaabta aad ka bixisid Madaxwayne falka lagula kacay macallinka waayo falkaasi keligii maaha ee muwadiniin badan baa dulman oo adiga ku hoos joogta.


Guleid Ahmed Jama

Qareen xuququal insaanka u dooda

Filed in: Articles, Radio Waaheen

You might like:

CIIDAMDA Ciidanka Booliska oo Laba Hablood ku Dhaawacay Xaafada Isha Borama
_96226115_mediaitem96221932 26 Masiixiyiinta Qibdiga ah oo lagu laayay dalka Masar
warss Daawo: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo ku dhawaqay in Caawa Ramadaan Kow tahay
nnnnn Wasaaradda Maaliyadda oo Ganacsatadda u ogolaatay inay Jeegagii laga joojiyey kaga soo cashuuran karaan Kastamada
news Ciidamadda Booliiska Somaliland oo Lix nin oo lagu Eedaynayo Daacish iyo Al-shabaab ku qab qabtay Hargeysa
muuu Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.