MIYAANEY KAAF IYO KALA DHEERI AHAYN SOMALILAND IYO DALALKA LA JAARKA AHI DHANKA SHUCUUBTA IYO DAWLADNIMADA?

 

Shacabka dalalka Somaliland la jaarka ahi, gaar ahaan Itoobiya iyo Jabuuti waxa ay aad u rabaan oo ay u jeel qabaan in ay helaan dawladnimada Somaliland ee dimuqraadinimo dhaaftay. Waa dimuqraadiyadda iyo qarannimada ninka suuqa joogaa u haysto in uu ka garasho iyo maan-kas roon yahay dawladda!

Haddii ay dawladnimada noocaas ah heli lahaayeen shacabka dalalka Somaliland la jaarka ahi, abaal weyn ayey ku qabi lahaayeen, aadna waa ay u ducaysan lahaayeen. Waayo waligood dawlad la tashata ma aysan arag oo wax waydiisa, mid awaamiir culus korka kaga keenta oo caddibta ma ogiye.

Waxa se arrintaa ka sii mucjiso badan in dawladda Somaliland iyana ay jeclaan lahayd in ay noqoto sida dawladdaha jaarka mid u dhaqanta. Saw ma aragtid waa is-waydaar!

Shacabka jaararka oo raba in ay xorroobaan sida shacabka Somaliland iyo madaxda Somaliland oo doorbidaysa in ay noqdaan dawladdaha jaararka ee madaxa kaga taagan shacabkooda meel se ay u maraan ayey la’ yihiin’!

Waxa se jirta ammuur ay shacabka jaararka iyo madaxda Somaliland ee is-waydaarka ahi moogan yihiin; ammuurtaasi waa in shacabka jaararku ka war la’ yihiin in shacabka Somaliland xorriyaadkan ay haystaan aaney ku helin baryo iyo suuba-salaax midna e, in badani u god gashay oo duni badani u halligantay.

Sidaa si la mid ah ayey madaxda Somaliland in badan oo ka mid ah, oo caadaysatay musuq, eex iyo caddaalad-darro ay u moogan yihiin awoodda shacabku leeyahay iyo sida ay u dulqaadanayaan maanta.

Ma jirto awood ka weyn tan shacabka oo la adeegsadaa marka is-beddel la doonayo, dawladnimada xalaasha ahi arrinkaa waa hore ayey hoosta ka xariiqday. Shacabku iyana waa in ay fahmaan in aaney jirin sharaf ka weyn helista dawladnimo xalaal ah, oo fekerka iyo cabbirka rayigu uu xor weyn haysto.

Marka se ay timaado horumar iyo in dhaqaalaha dalka kor loo qaado waa qasab in xornimada faraha badan ee shacabku haysto uu qayb weyn ka tanaasulo. Halka iyana laga rabo in dawladdu la timaado karti iyo hufnaan dheeri ah, oo talo iyo hoggaamin toolmoon tilmaansaneysa.

LA MA HELO WADAADOW WAX AAN CIDI KU HAWSHAAN
NAFTAA LOO HANTAAQAA WAX AAD HIIGSO LEEDAHAY. (Timo-cadde).

Mohamed Hagi Mohamoud

Filed in: Articles

You might like:

Xasan-Daahir3 DAAWO:- CAJAL DEG-DEG AH OO UU HADDA SOO DUUBEY SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO WAXYAABO BADAN UU KAGA HADLAY
xir Daawo: Hogaamiye Xirsi oo Muuse Biixi ku sifeeyey Arday Saaqid ah
abwaan Askari Daawo Muuqaal:-Abwaan Maxamed Cismaan Askari Oo Gabay Ku Muujiyey Fadhiidnimada Saddexda Xisbi Qaran.
5555 Wasaaaradda Hawlaha Guud oo Xalay ka Joojisay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo Baloodhaystay Xarunta Waxbarashada Gobolka Hargeysa.
Madaxtooyada-SLN Wasiirada Xukumada Siilaanyo oo aan Tagin Xafiisyadooda iyo Shacabkii oo la Cid u shaqeysa
fffrfr Roobab ka Da’ay Sool, Sanaag iyo Awdal
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.