Horumarka Muuqata Ee Ay Shirkada Somaliland Hono Group, Ka Hirgelisay Dalka.

Shirkada Somaliland Hono Group, waxay Somaliland ugu suntan tahay shirkada horuumarinta wadooyinka, dhisamaayasha MadaaradHoruumarka Muuqata Ee Ay Shirkada Somaliland Hono Group, Ka Hirgelisay Dalka. a, dhismayaasha Biriishka, qodista ceelasha waaweyn, dhaamamka, dirinnayjyada iyo dhisamaayasha Runway-ga.

Waa shirkad haysata qalab casri ah oo aanay haysan shirkadaha kale ee ka hawlgala Somaliland guud ahaan, waa shirkad lagu bartay shaqo wanaag, aaminaad iyo xisaab celin, waxayna ka hawl gala shaqaale aqoon leh.

Somaliland hono Group, waxay door muhiima ka ciyaartay horuumarka qarani ku faanayo maanta, waxay Somaliland ka hirgelisay wadooyin, sida wadada isku xidha Hargeisa iyo Berbera oo ay ka dhigtay laami casri ah oo qiimo badan.

Sidoo kale shirkadu waxay dhistay oo casraysay, laamiga isku xidha Borama ilaa gebilay, taasoo ay ka dhisay laami casri ah, iyada oo aynu ognahay waqtiga yare e kooban ee look ala socdo Hargeisa iyo Boorama, iyada oo markii hore dhib wayn lagu qabay.

Wadada Baligubad leh oo 8 kiilo mitir ah ayay shirkada Somaliland Hono Group, dhamaystirtay waxayna wadaa 5 kiilo mitir oo kale, taasoo hada gebo-gebo ku dhow,iyada oo dhinaca kalena shirkadu qayb ka qaadatay wadada dheer ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Shirakdu waxay laamiyo casri ah ka dhistay magaalada Berbera, iyada oo waqtigan ay Berbera tahay magaalada ugu wadooyinka wanaagsan, taasoo ay hirgelisay shirkadan Somaliland Hono Group, waxaa kale shirkado laamiyo casri ah ka dhistay magaalooyinga Burco, gebilay iyo Wajaale.

Sida la wada ogyahay shirakadu waxay dhistay laamiga dheer ee isku xidha bariga iyo galbeedka Hargeisa oo ah wado qiimo badan oo waxtar wayn u yeelatay bulshada Somaliland, isu socodkeeda.
Taariikhada shirkada Somaliland Hono Group, waxay madaarka Caalmiga ah ee Igal International Airporta, ka dhigtay madaar la jaanqaaday wadamada aynu jaarka nahay, waxay shirkadu ka hirgelisay Madaarka Runway dhererkiisu yahay 380 mitir oo u dhiganta 3 kiilo mitir iyo sideed boqol, shirakadu waxay madaarka ku xidhay fence dhererkiisu yahay 15 kiilo mitir, taxiway iyo parking casri ah oo markiiba ay soo fadhiisdan karaan 20 diyaaradood.

Ugu danbayntii shirkada Somaliland Hono Group, waa shirkad haysata qalab casri oo aanay haysan guud ahaan shirkadaha ka hawlgala Somaliland, waxay si hufan u qabataa shaqada ama qandaraasyada ay qaadato waxay u fulisaa sidii loogu talo galay si ka wanaagsan.

Qore: cc

Filed in: Articles

You might like:

Xasan-Daahir3 DAAWO:- CAJAL DEG-DEG AH OO UU HADDA SOO DUUBEY SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO WAXYAABO BADAN UU KAGA HADLAY
xir Daawo: Hogaamiye Xirsi oo Muuse Biixi ku sifeeyey Arday Saaqid ah
abwaan Askari Daawo Muuqaal:-Abwaan Maxamed Cismaan Askari Oo Gabay Ku Muujiyey Fadhiidnimada Saddexda Xisbi Qaran.
5555 Wasaaaradda Hawlaha Guud oo Xalay ka Joojisay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo Baloodhaystay Xarunta Waxbarashada Gobolka Hargeysa.
Madaxtooyada-SLN Wasiirada Xukumada Siilaanyo oo aan Tagin Xafiisyadooda iyo Shacabkii oo la Cid u shaqeysa
fffrfr Roobab ka Da’ay Sool, Sanaag iyo Awdal
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.