Wadahadalkii kiraynta Madaarka Berbera oo is-faham waa ka dhex taagan yahay gudaha Weftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland hogaaminayey

Dubai(Waaheen) Ilo wareed xog ogaal ah ayaa sheegaya in muddo laba cisho ah wadahadalkii Heshiiska Madaarka Berbera ay dib u dhigeen labada dhinac ee Somaliland iyo Imaaraad-ka kadib markii weftiga dhinaca Somaliland ka socday laba qorshe oo kala dwaun hor dhigeen madaxdii ay kala kulmeen Heshiiska.

madaarWarku waxa uu sheegayaa in wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland la shir tagay qorshe sal-balaadhan oo uu kula gor-gortamayo dalka Imaaraat-ka hase yeeshee ay ka hor timi caqabad ay hore u dhigeen xubnihii mashruucan watay ee uu ka mid-ka ahaa wakiilka Somaliland ee Imaaraat-ka, kaasoo uu hore-ba Sacad u Diidanaa jirtaankiisa sida uu dhawr jeer warbaahinta ka sheegay inaanu jiri wax Heshiis ah, isla markaana aanu Saxeexayn haddii aanay Somaliland dani ugu jirin waxa la dhaafsanayo Madaarka Berbera.

Talaabadda Wasiir Sacad waxa ka hor yimi sida ay ilo wareedku sheegayaan Faysal Cali Waraabe oo dalka UK uga yimi ka qayb galka shirka lagu wadahadlayo, iyadoo la sheegay inay wakiilka Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyaddu u isticmaalayaan inuu Heshiiska taageero, isla markaana la dagaalamo cid kasta oo u fikirta sida ay doonayaan si ka duwan.

Qorsha kooxdaasi waxa ka biyo diiday wasiir Sacad oo qorshe cad oo ka fogaan aragsan kooxdan kale golaha la maraya, kaasoo ku dooday inaanu aqbalayn muhmal in lagu galo Heshiiska, waxaanay doodad hex martay weftiga Somaliland sababtay sida la sheegay in laba cisho dib loo dhigo wadahadalka.

Labada dhinac Somaliland iyo Imaaraat-ka ayaa la filayaa inay berri dib isugu soo noqon doonaan, iyadoo aan la ogayn qorshaha ay Somaliland mar kale la shir tagi doontaa nooca uu yahay.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

Xasan-Daahir3 DAAWO:- CAJAL DEG-DEG AH OO UU HADDA SOO DUUBEY SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS OO WAXYAABO BADAN UU KAGA HADLAY
xir Daawo: Hogaamiye Xirsi oo Muuse Biixi ku sifeeyey Arday Saaqid ah
abwaan Askari Daawo Muuqaal:-Abwaan Maxamed Cismaan Askari Oo Gabay Ku Muujiyey Fadhiidnimada Saddexda Xisbi Qaran.
5555 Wasaaaradda Hawlaha Guud oo Xalay ka Joojisay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada oo Baloodhaystay Xarunta Waxbarashada Gobolka Hargeysa.
Madaxtooyada-SLN Wasiirada Xukumada Siilaanyo oo aan Tagin Xafiisyadooda iyo Shacabkii oo la Cid u shaqeysa
fffrfr Roobab ka Da’ay Sool, Sanaag iyo Awdal
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.