Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Somaliland oo banaanka soo dhigay awood daradooda, Magansaday-na sarriflayaashii ay shaqada ka joojiyeen markii Doolarkii cirka mar kale isku shareeray

Hargeysa(Waaheen) kulamo toddobaadkii u danbeeyey Baanka dhexe ku dhex marayey Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Baanka iyo sarriflayaasha waaweyn ee Dahabshiil, Telesom, Oomaar iyo shirkaddaha kale ee ay dhawaan xukuumaddu ka joojisay saarifka ayaa lagu waramayaa khamiistii shalay in lagu Heshiiyey inay xukuumaddu ka noqoto go’aamadeedii ay ku talaabsatay, kadib markii ay waxba ka qaban kari weyday Sicir bararka.

Xukuumadda ayaa la sheegay inay sarriflayaasha ka dalbatay inay wax ka qabtaan dajinta qiimaha sarrifka ee kor u sii kacaya, iyadoo aan wax shuruud ah ku xidhan, taasoo muujisay talaabooyinkii ay xukuumaddu doonaysay inay wax kaga qabato sarrif bararku inay ahaayeen kuwo aanay ka fiirsan ama aanay awoodba u lahayn.

Qiimaha sarrifka ayaa ku dhaw sagaal boqol oo Kun boqolkii doolarba, halkaas oo ahayd halkii ay xukuumaddu ku xidh xidhay sarriflayaasha isla markaana guddida loogu magacaabay, iyadoo awaamiir ad adag ay ku lamaansay, balse dhamaantood noqday kuo fashilmay.

Sarriflayaasha ayaa xukuumadda ku qanciyey inay faraha uga qaado xal u helida Sarrif bararka, waxaanay balanqaadeen toddobaadkan inay suuqa galin doonaan Doolar badan, taasoo tijaabo u noqon doonta awoodooda, waxaanay horseedi doontaa haddii ay ku guulaystaan tamarta Xukuumadda.

Sababaha keenay inay xukuumaddu magansato Sarriflayaasha ayaa lagu xidhiidhinayaa muddadii ay go’aanka ku dhawaaqday illaa manta inay weyday Doolar ay suuqa galiso, sidoo kale, Shilling Somaliland-ka ayaa cidhiidhi ku ahaa, taasoo kalifta lacag cusub oo suuqa sii kicisay inay xukuumaddu u adeegsatay kharashaadkii ay isticmaalaysay.

Dadweynaha Reer Somqaliland ayaa sugayey markii Dekedda Berbera la kireeyey in Doolarkii warbaahinta loo soo bandhigay wax lagaga qaban doono sarrif bararka, hase yeeshee lacagihii adkaa ee dalka soo galay ayaan la ogayn meel ay ku danbeeyeen.

Illaa hada Xukuumadda Somaliland iyo Sarriflayaashu talaaabadan ay isla qaateen kamay hadal, hase yeeshee waxa la sugaa waa talaabada ay sarriflayaashu Suuqa Sarrifka lacagaha qalaad ay ka muujiyaan.

Filed in: Videos, Waaheen News

You might like:

GAAS Itoobiya oo Maamulka Puntland u Dhisaysa Madaaro iyo Wadooyin
SOMALILAND Dawlada Ingiiriska oo Joojisay Mashaariic dii Caafimadka ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil uu Sodog u yahay Silaanyo kooto loogu xidhay
sasasss Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Mashaariic Horumarineed oo Berbera laga Fuliyey
US_Air_Force_090407-F-1125C-210_President_Obama_visits_Sather-470x260 “Madaxweyne Trump ayaan ka sugayaa Amarkii aan ku Weerari lahaa Somaliya” Gen.Thomas
IMG-20170208-WA0003 Wajigii Saddexaad Ee Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo oo Jabuuti ka Furmay
naaasir Daawo: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka Hadlay Xaalada guud ee Dalka, eedana ujeediyey Madaxweynaha Somaliya
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.