Somaliland: Shoodhe Af-Weyne in lagu Riyoodaa ma Dambibaa?

 

calanka-somalilandCalanka astaanta u ahaa xasuuqa reer Somaliland ha u heesina hadii la yidhi ma dayrkii Makaa la gubay? Shoodhe Af-Weyne siduu ugu riyoodaa qof reer Somaliland ahii? Miyaanu aheyn ka agtiisa uu fadhiyo Morgan(The butcher of Hargeisa)?

Tan iyo intii Shoodhe Af-Weyne(Farmaajo) riwaayadii Shimbiroyahow heesa lagu caleema saaray, waxa warbaahinta Somaliya laga waday dacaayado iyo weerar lagu hayo Somaliland.
Waxay wariyaan in Somaliland ay dambi tahay Xamar iyo Farmaajoo lagu riyoodaa, ciddii u heestana hadalkeda daa’, oo way kasii darran tahay. Waxa yidhaahdaan dhar midabka buluuga ah laguma xidhan karo Somaliland.

Reer Somaliya in ay dacaayadeeyaan oo weeraraan Somaliland waa gartood, sobobtoo ah wax kale oo ay ka mideyanyihiin ayaan jirrin. Waxa ay isku raacsanyihiin xaasidnimada JSL. Waxay ka muraaradilaacaan horumar kasta iyo wanaag kasta oo usoo kordha JSL. Halkii ay kheyr iyo horumar Eebahood ka baryi lahaayeen waxa ay doorbidaan Somaliland oo sidooda qasanta oo la mid noqota. Daliilkeeduna waxa weeyi kama sheekeeyaan wanaaga iyo horumarka usoo kordha JSL, laakiin kama habsaamaan in ay buunbuuniyaan oo been ku daraan hantaaq kasta oo lasoo darista Somaliland.

Waxa la yidhi “mayd maxaa u dambeeyey iyo kaa lasii sido”.
Mudane ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa dhowaan dhaleeceeyey Shoodhe Af-Weyne, maalintii ka dambeysay waxa ay warbaahintooda kusoo qoreen in sobobtaa aawadeed xildhibaanka loo garaacay iyadoo laga xunyahay hadalka Farmaajo ka dhanka ah ee uu ku hadlay. Waxa ay taas markhaati uga dhigteen Video clip sanado ka hor la duubay oo ahaa arrin ku dhacday xildhibaanka, oo aan shuqul ku laheyn hadalka uu Farmaajo iyo Somalia ka sheegay.

https://baahin.com/daawo-madaxtooyada-sland-oo-si-xun-ujirdishay-xildhibaankii-sixiroolaha-ku-tilmaamay-madaxweyne-farmaajo-xaaladiisa-oo/

Reer Somalia waxaan kaba dhaadhacsaneyn calanka buluuga ah in uu yahay astaantii reer Somaliland lagu xasuuqay. Diyaaradihii duqeynayey shacabka iyo maatida iyo dabaabadihii madaafiicda la dhacay intuba waxa ku xardhanaa calankaa. Sidaa daraadeed suura gal maaha astaantii sidaa aheyd in reer Somaliland lagu yidhaa maamuusa oo u sacabiya

Qofka reer Somaliland ee isagu aan sidaa aaminsaneyn la khasbi mayo. Laakiin jeceylkiisa iyo xiisaha uu u qabo meesha calankaa buluuga ah ha la tago meesha lagasoo dhoweynayo. Cidda saarku u hayo in Shoodhe Af-Weyne oo Morgan agfadhiyo u heestaa ha ogaadeen in aan Somaliland ay sidaasu dambi tahay oo la xidhi doono. Waliba waxa looga cabsi qabaa agoontii iyo hooyooyinkii ubadkooda la xasuuqay in ay ku qamaamaan oo dhulka jiid-jiidaan.

Reer Somalia toodu ina dhibi mayso oo waa caadadood , laakiin waxa nasiib darro ah qaar reer Somaliland oo warkooda ka doonta cadowgooda. Qaar magaalooyinka Somaliland jooga ayaa warka Somaliland kasoo xigta warbaahinta Somalia ee hoyga u ah dacaayadda JSL
.
Allaa Mahad Leh
Qore: Cumar Dheeg

Filed in: Articles, Videos, Waaheen News

You might like:

GAAS Itoobiya oo Maamulka Puntland u Dhisaysa Madaaro iyo Wadooyin
SOMALILAND Dawlada Ingiiriska oo Joojisay Mashaariic dii Caafimadka ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil uu Sodog u yahay Silaanyo kooto loogu xidhay
sasasss Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Mashaariic Horumarineed oo Berbera laga Fuliyey
US_Air_Force_090407-F-1125C-210_President_Obama_visits_Sather-470x260 “Madaxweyne Trump ayaan ka sugayaa Amarkii aan ku Weerari lahaa Somaliya” Gen.Thomas
IMG-20170208-WA0003 Wajigii Saddexaad Ee Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo oo Jabuuti ka Furmay
naaasir Daawo: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka Hadlay Xaalada guud ee Dalka, eedana ujeediyey Madaxweynaha Somaliya
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.