Telefoonkii Hitler oo $243 kun oo dollar lagu iibsaday

_94735862_863f4444-666a-4143-ba0a-6ea96e906744Telefoon uu isticmaali jiray hogaaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler, xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa lagu iibiyey  $243 kun dollar.

Telefoonkaas ayaa si xaraash ah loo geeyay suuq ku yaalla dalka Mareykanka.

Qofka iibsaday telefoonkaas magaciisa lama shaacin, waxaana la sheegay inuu ahaa qof telefoon u diray wakiilladii xaraashayay.

Qiimaha oo gorgortan la geliyay ayaa waxa uu ka bilowday $100 kun oo dollar, ka dibna sare ayaa loo qaaday.

Telefoonkan gaduudan oo calaamadda Nazi-ga ay ku xardhan tahay ayaa 1945-tii laga helay dhufeystkii Hitler ee Berlin.

Ciidamadii midowgii Soviet ayaa waxa ay telefoonkaasi siiyeen sarkaal ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner.

Si hadiyad ahaan ah ayuu ku helay ka dib markii Jarmalka la qabsaday.

Qof ka mid ah masuuliyiintii meesha telefoonka lagu iibiyay, ayaa sheegay inuu ahaa “hubka wax burburiya”.

Waxay tilmaameen in Hitler telefoonka uu amarro ku siin jiray ciidamada dagaalka ku jiray ee “dadka badan laayay”.

Waxaa telefoonka suuq geeyay wiil uu dhalay askerigii hadiyadda ku helay.

Sidoo kale, dhagaxan ayga u eg ee Hitler uu lahaan jiray ayaa lagu gaday $24,300 oo doolar.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.