Aktarad Filimaanta Hindiga Jisha oo la Kufsaday

sssssssssssssssssHargeysa(Waaheen) Booliska gobolka Koonfurta Hindiya ee Kerala ayaa waxay xidheen seddax qof oo looga shakisan yahay inay afduubteen, ka dibna kufsadeen atariisho caan ah oo aan magaceeda la shaacin.

Gabadha jilaaga ah waxay sheegtay in gaadhigeeda ay seddax nin ugu soo galeen Jimcihii, ka dibna ay kufsadeen.

Booliska waxay xaley xidheen darewalkeeda iyo laba qof oo kale.

Sikastaba, qofka sida weyn looga shakisan yahay oo ah dareewalkeedii hore, ayaa weli la raadinayaa.

Atariishada waxay sheegtay in laba saacadood ay haysteen raggaasi, ayna ugu hanjabeen inay baahinayaan muuqaalkeeda iyo sawirro ay ka qaadeen saacadihii ay afduubka u haysteen.

Ciidamada amniga ee koonfurta Hindiya waxay sheegeen inay seddax qof oo kale weli raadinayaan.

Waxay booliska u gudbisay dacwo ah, afduub, kufsi, khiyaano, iyo in xoog lagu haystay.

Warka kufsiga ayaa sababay xanaaq, dad badan oo ka mid ah jilaayaasha Koonfurta Hindiya ayaa si adag arrinta uga hadlaya.

“Waa wax lala yaabo. ma aaminin in arrintan ay ka dhacday Cochin halkaas oo dumar badan ay xilli dambe oo habeenkii ah ay guryaha u hoydaan,” Agaasimaha aflaanta Lal, oo hal magac oo keli ah adeegsada, ayaa BBC-Hindi sidaas u sheegay.

Atooraha caanka ah Mohanlal wuxuu bartiisa Facebook ku qoray: “Waa xilligaan joojin lahayd inaan shumacyo shidno, waana inaan xaqiijinaa in sharciga uu xoog leeyahay. Waa inuusan qofna ku dhiiran inuu ficilladan kuwo la mid ah sameeyo. Waxaan ka naxsanahay gabadha Jilaaga ah waxa ku dhacay. Cadaaladda waa in la horkeenaa, si habsami la’aan ah”.

Kufsiga iyo tacaddiga ka dhanka ah dumarka ayaa dalka Hindiya ku badan in kastoo uu dalkaasi ka jiro olole weyn oo lagula dagaallamayo.

Sanadkii 2012-kii, gabadh ardey ahayd ayaa si xun loogu kufsaday magaalada Delhi lana dilay, taas oo dhalisay carro aan caadi ahayn.

Ayadoo kiiskaas laga jawaabayay waxaa Hindiya laga dhaqan geliyay sharciyo adag oo ka dhan ah kufsiga.

Filed in: Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

GAAS Itoobiya oo Maamulka Puntland u Dhisaysa Madaaro iyo Wadooyin
SOMALILAND Dawlada Ingiiriska oo Joojisay Mashaariic dii Caafimadka ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil uu Sodog u yahay Silaanyo kooto loogu xidhay
sasasss Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Mashaariic Horumarineed oo Berbera laga Fuliyey
US_Air_Force_090407-F-1125C-210_President_Obama_visits_Sather-470x260 “Madaxweyne Trump ayaan ka sugayaa Amarkii aan ku Weerari lahaa Somaliya” Gen.Thomas
IMG-20170208-WA0003 Wajigii Saddexaad Ee Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo oo Jabuuti ka Furmay
naaasir Daawo: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka Hadlay Xaalada guud ee Dalka, eedana ujeediyey Madaxweynaha Somaliya
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.