Dharaarihii UFFO Iyo Dr. Aadan Yuusuf Abbokor. Qore: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare)

heerSannad kasta maanta oo kale 20ka bisha Feebarweri waxa Somaliland looga dabbaaldegaa xuska maalinta dhalinyarada Somaliland oo lagu saleeyey maalintii dhagax-tuurka ay dhallinyaradii dugsiyada sare ugu hiiliyeen kooxdii UFFO 20kii Feebarweri 1982kii. Waxaana xuskani noqonayaa kii 35aad. Waxaana farxad ii ah in aan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal aan hore u qoray, si aad iila wadaagtaan milicsi guud-mar ah oo ku saabsan dheegag ka mid ah taariikhda UFFO oo uu si mug leh uga hadlayo Dr. Aadan Yuusuf Abokor oo ay dheer tahay taariikhdiisa laga soo bilaalo xilligii dhalashadiisa, waqtigii UFFO iyo marxaladihii ka dambeeyey.

Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa uu ka mid yahay aqoonyahanka reer Somaliland ee waqtigoodii, waxbarashadii iyo wax-tarkoodiiba u horay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii mutadawiciinta ahaa ee xabsiga dheer u galay wax-u-qabashada dadkooda, ka dib markii ay isu baysteen xal-u-helista iyo maaraynta xaalado nololeed oo aad u qallafsanaa oo waqtiyadaa ku habsaday dadkii reer Somaliland ee xilligaa joogay. Isaga oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee sannadkii 1982-kii tacaddiga iyo xadhiga la isugu daray, markii uu damiirkoodu siin waayay inay ka joogsadaan xaaladdii ay dadkoodu ku sugnaayeen, ka dib markii taliskii waagaa jiray ee Siyaad Barre uu gabay xilkii ka saarnaa goboladdii waqooyiga ee maanta Somaliland ah.

Dr. Aadan waxaan 23-kii September ee 2011-kii kula kulmay xarunta hay’adda PROGRESSIO ee magaalada Hargeysa, waqtiyadaas oo uu shaaciyey inuu ka fadhiistay masuuliyaddii hay’addaas oo uu afar iyo toban sannadood hayay. Waxaan la yeeshay waraysi dheer oo uu si mug leh ugaga hadlay dharaarihii UFFO, sidii lagu xidhay, sababtii loo xidhay, jeelkii 20 Jirow ee lagu xidhay, sidii ay uga soo samata-baxeen xadhigii ciqaabta ahaa ee 20 Jirow, xilligii iyo qaabkii loo soo daayay, kulankii dhex-maray iyaga iyo Siyaad Barre, wixii ay waqtiga isku dhaafin jireen, markii la soo daayay halkaa ay wax ka bilaabeen, aragtidiisa Somaliland ee hadda iyo arrimo kale.

Ka hor inta ay naan guda gelin dulucda xog-taarikheedkan bal aynu ku horrayno; waa kuma Dr. Aadan Yuusuf Abokor? Dr. Aadan sannadkii 1946-kii ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, isaga oo 3 jir ah ayaa loo qaaday magaalada Cadan ee dalka Yamen oo waalidkii degenaa. Halkaas ayuu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe illaa sare. Isaga oo wax ka baran jiray Iskuulo ay dowladdu leedahay oo uu maamuli jiray gumaystihii ingiriiska, maadaama oo Yamen uu waqtigaa guumaysan jiray Ingiriisku.

 

Waqtigaa uu dugsiga sare dhammeeyey oo ahayd 1967-kii waxay ku soo beegantay xilli ay Yamen ka socdeen dagaallo xornimo-doon ah oo ay wadeen Jabhad Yamaniyiin ah, iyada oo dadkii Soomaalida ahaa ee waqtigaa Yamen ka soo yaacay loo yaqaannay “Xabbadi keentay.” Dr. Aadan isagu Soomaaliya muu soo qaban ee waxa uu u kacay dhinaca Qaaradda Yurub. Waxaana uu markab dalxiis ka raacay Yamen isaga oo uu wehelinayey nin ay saaxiib ahaayeen, iyaga oo tegay dalka Talyaaniga una sii dhaafay Jarmalka. Waxaana ay halkaa u tegeen inay jaamacad ka galaan. Dowladii Jarmalku waxay u sheegtay inay deeqaha warabasho siiyaan dawladda Soomaalida oo aanay jirin wax deeq warabsho jaamacadeed ah oo ay cid siin karaan. Isaga oo halkaa ku sugan ayuu la xidhiidhay walaalkii Muuse Yuusuf Abokor [Muuse Tuur] oo joogay dalka Poland iyo labada nin oo kale oo kala ahaa Dr. Maxamed Cali Sanqoole iyo Dr. Maxamuud oo halkaa caafimaadka ka baran jiray, kuwaas oo uu u sheegay inuu u baahan yahay scholarship-jaamacadeed. Waxaana uu nasiib u helay inuu helo scholarship uu ku baranayo caafimaadka. Muddo sideed sannood ah ayuu Poland joogay oo uu waxbarashadiisa Jaamacadeed ku diyaarinayey.

1976-kii ayuu digtoorku soo dhammaystay waxbrashadaa-jaamacadeed ee uu ku qaadanayey dalka Poland, isaga oo hal sano ka soo shaqaynayay cusbitaallada dalkaa uu wax ka baranayay, waxaana uu soo bartay daawaynta cudurada guud.

1977-kii ayuu go’aansaday inuu waddankiisa hooyo dib ugu soo noqdo, waxaana uu ka soo degay magaalada Xamar. Shaqadiisii ugu horaysay ee dhakhtarnimo-na waxa uu ka bilaabay Digfeer oo ahaa cusbitaalka guud ee Xamar. Intii u dhexaysay 1977 ilaa 1979-kii ayuu ka shaqaynayay cusbitaalka Digfeer.

1980-kii ayaa Digtoorka loo soo beddelay cusbitaalka guud ee Hargeysa, ka dib markii uu codsaday in xaggan loo soo beddelo. Markii uu dhawr bilood joogay ayaa loo magacaabay agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa. Waxa uu la kulmay xaalad aad u liidata oo ka jirta cusbitaalka, taas oo salka ku haysay cadaadiskii baahsanaa ee taliskii Af-weyne ku hayay dadka reer Somaliland ee waagaa Hargeysa ku noolaa. Si wax looga beddelo xaaladdaa uu ku sugnaa cusbitaalku waxa uu Dr. Aadan isugu yeedhay dhallinyaradii aqoonyahanka ahaa ee dalka ku soo noqday iyo dadkii ganacsatada ahaa, iyaga oo shir ka yeeshay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda cusbitaalka, waxbarashada iyo arrimaha kale ee bulshada.

 

Waxa kale oo xilligaa waddanka ku sugnaa Urur dhakhaatiir ah oo la odhan jiray Germany Amergency Doctors, oo adeegyo caafimaad u fidin jiray dadkii ku jiray xeryaha qaxoontiga ee Hargeysa u dhawaa. Waxaana Dr. Aadan iyo qolyihii la shaqaynayay ay ururkaas dhakhaatiirta ah ka codsadeen in dadka xanuunsanaya ee xeryaha qaxoontiga la keeno cusbitaalka oo lagu daaweeyo, iyagiina way ka ogolaadeen oo markii ay xaaladda cusbitaalka qiimeeyeen waxay ogaadeen inay wax ka qaban karaan. Waxaana ay xilligaa cusbitaalka u qoondeeyeen miisaaniyad dhan 2 milyan oo lacagta Jarmalka ah, iyaga oo mar kasta keeni jiray dhakhaatiir mutadawiciin ah oo bil illaa laba bilood amma sannad-ba cusbitaalka joogi-jiray. Markii cusbitaalka qalab cusub la keenay, lacagna la keenay ee qoladii jarmarka ahayd dawooyinkii keeneen, ayuu cusbitaalkii noqday ku ugu wanaagsan Soomaaliya.

Hawshii halkaa kumay joogsan ee kooxo kale oo dhalinyaro ah, ayaa iyaguna si tabaruc ah dugsiyada wax dhigis uga bilaabay. Kooxihii NSS-ta iyo nabad-sugidda ee ku sugnaa Hargeysa ayaa illaa af-weyne gaadhsiiyey hawlaha ka socda waqooyiga iyo abaabulka wax-qabasho ee lagu hawlan yahay, taasoo ka hor imanaysay qaabkii loogu talo-galay in dadka reer Somaliland ee xiligaa joogay inay nolol xun ku noolaadaan.

Haddii aynu intaa ka soo gudubno, waxaynu hadda si toos ah u dhex muquuranaynaa qaybtii ugu muhiimsanayd ee nuxurka qoraalkeenna. Waxuu Dr. Aadan oo si faahfaasan uga xog-warramayaa su’aal la xidhiidhay qaabkii loo xidh-xidhay kooxdii UFFO iyo sidii loo asaasay-ba, waxuuna ku jawaabay oo uu yidhi; “Waxa dhacday markii aanu halkaa wax marinaynay in aanaan joojin ee aanu halkaa shirarkayaga ka sii wadannay. Shirarkaasna kolkii danbe waxa aanu kaga hadli jirnay waxyaabaha cadaadiska ah ee lagu hayo waqooyiga haddii ay tahay xagga siyaasadda iyo dhaqaalahaba. Illayn berigaa Rajiimka dad badan ayaa u shaqayn jiray oo isugu jiray nabad-sugidda amma kooxii loo yaqaannay dhabar-jebinta iyo hay’ado badan oo sir-doon ah, wararkii illaa Xamar iyo taliskii Af-weyne ayay gaadheen.

Niman Wufuud ah oo Af-weyne uu Xamar ka soo diri-jiray kuna soo odhan jiray ‘soo dejiya reer waqooyigii wuu kacsan yahaye.’ Nimankaasi way yimaadaan oo way nala hadlaan, annaguna wixii waddanka ka jira ee dadku ka cabanayeen ayaanu ku dhiirannaa oo aanu u sheegnaa. arrimuhu waxa ay berigaa ku wanaagsanaayeen marka ay weftigu yimaadaan waxa ay odayaashu ku odhan jireen ‘Annaga dhalinyarada-yada ayaa noo hadlaysa oo sheegaysa wixii dhibaatooyin ah ee jira.’ Iyaguna may hadli jirin, annaguna waanu ku dhiiran jirnay oo qolaadaa ka socota Rajiinka Xamar wax walba waanu u sheegi jirnay.

Xilligaa oo ahayd 1981-kii waxa jirtay waraaq yar oo Joornaal ah oo magaceeda UFFO la odhan jiray, taas oo qarsoodi ahayd laguna qori jiray wixii duruufo ah ee dadka haysta, wacyiga dadkana kor loogu qaadi jiray, ayaa u gacan-galay qoladii sir-doonka. Manuu ahayn joornaal caadi ah ee waxa lagu daabici jiray Teeb, waxaana ku qornaan jiray ‘Ninkii helawba joornaalkaas sii badi oo dad kale gaadhsii.’ Sidaas ayuu dadku isku gaadhsiin jiray.

Warqadii markii la helay waxay gaadhay dowladdii Af-weyne, waxaana dawladdii bilawday in dhalinyaradii la xidhxidho. Markii ugu horreysayna waxa la xidhay laba nin oo naga mid ahaa– waa Maxamed Baaruud iyo Axmed Jabane oo imika Canada jooga, waxaana lagu xidhay nabad-sugidda oo ahayd meeshan ay imika yihiin wadaaradda arrimaha dibadda iyo Laanta socdaalku. Markaa annagana waa na loo sheegay in nala xidhayo oo qolada NSS-ta waxa ku jiray niman reer waqooyi ah, kuwaas oo noo warrami jiray naguna odhan jiray ‘idinkana waa la idiin soo socdaa oo waa la idin xidhayaa.’

Anigu waan ogaa in la xidhayo oo xafiiska [xarunta cusbitaalka Hargeysa] ayaa la igu yimi oo la igu yidhi ‘Adiga caawa ayaa laguu imayaa oo lagu xidhayaa.’ Haddana annaga oo og in nala xidhi doono ayaan midkaayana waddanka ka baxsan oo aanu joognay, oo aanu nidhi ha la ina xidho oo bal aynu eegno waxay sameeyaan. Is-la habeenkii aniga oo guriga jooga ayaa duub-castii amma millaterigii oo gurigaysa ku wareegsan la iga toosiyey, waxaana ay i toosiyeen kowdii habeennimo. Waxaana la socday koox NSS ah laga soo diray Xamar, oo kuwii Hargeysa way aamini waayeen. Markaa xaas maan la hayn ee solone [keli] ayaan ahaa. ‘Soo bax’ ayay igu yidhaahdeen waad soo noqon doontaaye, markaa wax dhar ah maan qaadan. Kolkii aan debedda u soo baxay ayaan arkay gurigii oo ay ku wareegsan yihiin qoladii duub-casta ahayd. Waan soo raacay oo meesha Laanta socdaalka oo berigaa cusbaa oo aanu weli la wareejin Laanta socdaalku, ayaa la igeeyey oo ay xarun ka dhigteen todoba NSS-ta ah oo laga soo diray Xamar madax-na uu u ahaa nin la odhan jiray Cali Xuseen, oo ahaa ninkii qolada jabhadda SSDF-ta ee Majeerteen ku takhasusay ee gamta [laayey] u joogsaday. Waxaana uu ahaa nin aan naxariisba lahayn oo dhiigyo-cab ah, qolada uu watayna waxay isugu jireen Daarood, Hawiye iyo qolyooyin kale laakiin Isaaq kumuu jirin. Nin sheekhaal ah oo u garaaci-jiray Teebka ayaa ku jiray oo isagan ay CID-da ka soo kaxaysteen.

Sidii habeen kasta dhawr qof loo soo qabanayay ayay tiradayadii gaadhay dhawr iyo labaan qof, oo gurigaa iyo mid kale ayaanu ku jirnay oo qof walba qol goonni ah ayay ku xidheen, iyagoo katiinad nagu xidhi jiray habeenka ay na waraysanayaan. Waxaana waraysigii socday afar bilood, dhammaan shirarkii samafalka ahaa ee aanu isugu iman jirnay waxa ay ka dhigeen shirar siyaasi ah oo lagu inqilaabayo dowladda Soomaaliya. Maalintii afartii bilood dhammaatay ee ay kiiskoodii diyaarsadeen, ayaanu ogaannay qodobada ay doonayaan in na lagu qaado, kuwaas oo wada ahaa qodobo dil ah. Markiiba waraaqo ayaanu qornay oo inta aanu dad u dhiibnay ayaa suuqa la geliyey, annaga oo ku qornay in maxkamadda nala gaynayo oo qodobo dil ah na lagu qaadayo.

20-ka bisha February ee hadda loo aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland waxa ay ku timi, iyadoo ardaydii dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo soo rawaxday oo filaayay in maalintaa na la keenayo maxkamadda ayaa waxay la kulmeen gaadhi shebegle ah oo maxaabiis siday, dabadeedna shiid ayay ku bilaabeen askartii iyo maxaabiistii. Markii ay xaaladdu halkaa maraysay ayaa iskuulladii kalena laga soo dareeray sida 26-ka June iyo qaar kale, kolkaasaa maxkamadii la isugu wada yimi, oo ardaydii meel walba qabsatay. Markii uu booliskii ku filnaan waayay caabiskii ka hor imanayay ayaa millaterigii uu xilligaa Gaanni haystay la soo saaray, oo dabaabadahoodii iyo Beebeeyadoodii wata. Dhawr arday oo aan filayo ilaa saddex arday inay ahaayeen ayaa berigaa ku dhintay. Markaasaa magaaladiina bandoo la saaray.

Markii arrintii yara degtay waxoogaa, ayaa annaga maxkamadii 28-kii February nala keenay. Waxa na lagu qaaday maxkamadii Badbaada oo aan qofka loo ogolayn inuu hadlo amma aan waxba la waydiinayn, laakiin looyar ayaa lagu qabanayaa oo kuu hadlaya. Si kasta ha ahaatee, waa maxkamad-uun dadka la tusayo in maxkamad lagu taagay, laakiin go’aanka horeba loo gaadhay. Waxa na lagu xukumay xukunno kala duwan oo saddexdii noogu horeeyey oo kala ahaa; Maxamed Baaruud, Axmed Jabane iyo Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi waxay ku xukumeen dil, aniga iyo niman badan oo kale waxa ay ku xukumeen xabsi daa’im, halka ay qolooyin kale kaga xukumeen 25 sano, 35 sano iyo xukunno kale.

Waxa ay maxkamaddii xukuntay 20 ka mid ah 28 yagii. Waxa ay sii daayeen 8 qof oo ay yidhaahdeen iyagu waxba may ogayn. Markii uu xukunkii dhacay ayaa waxa Xamar u duulay ninkii NSS-ta haystay ee ina Siyaad Barre qabay iyo Ina Lax-was oo arrinta yada loo soo diray. Markii uu xukunkii dhacay ayay Xamar tegeen oo ay Af-weyne la kulmeen, kolkii rabashaddii dhacday ay joogsan wayday ayuu xukunkii ka jebiyey saddexddii dilka ahaa wuxuuna ugu beddelay xabsi daa’in.

Jeelka Hargeysa ayaanu ku jirnay sideed bilood. Wax kalena ugu maanaan jirin ee waxa la doonayay in dadka la dejiyo, oo waxa ay lahaayeen October marka la gaadho ayaa la saamaxayaa oo Madaxweynuhu cafinayaa. Markii October la gaadhay ayaa Xamar na loo qaaday, dabadeed Odoyaashii ayaa Gaanni u yeedhay oo isna Kitaab ayuu gacanta u saaray in na la soo cafinayo, iyaga [Odoyaasha] laftoodu sidaa ayay aamin sanayeen, illayn odaygu cidna waxba umuu sheegine.

Markii nala qaaday ee Xamar nala geeyey ayaa annaga oo laba habeen joognay, waxa habbeenimadkii la keenay baabuurtii shebegga lahayd ee Millateriga kolkaasaa na lugu guray oo toos na loo geeyey meel la yidhaahdo 20 Jirow oo 180 KM u jirta Baydhaba. Meeshaasi waa meel aan cidna loo ogolayn inay u soo dhawaato ilaa 5 Km dhinac kasta, reer-guuraa meesha maraya mooyee cid kale uma soo dhawaan karto. Waa meel Jeel ah, oo waa halkii ay ku xidhnaayeen Ina-cigaal [Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland] iyo Abshirkii reer Puntland. Waxaana la soo daayey markii annaga February nala gaynayay maxkamadda bishii ka horeysay ee January. Waa jeel qof walba keligii qol lagu xidhayo oo cid is-arki maysaan. Maalinta lagugu xidho ayaa kuugu danbaysa qof aad aragto, wuxuum-baad is-arkaysaan ninkaa gaadhka ah ee furaha sida iyo marka ay saddexda waqti raashinka kuu keenayaan laakiin cid kale oo aad arkaysaa ma jirto.

Waxa ay markaa nagu kalliftay, Nin naga mid ahaa oo Yuusuf Gaydh la yidhaahdo oo isaga waraaq laga helay markii na la geeyey meesha [Jeelka]. Waraaqdaas-na uu u diraayey nin sucuudiga jooga oo uu ku lahaa ‘SNM-ta taageera oo Afweyne iska celiya’ ayaa laga helay shanddadiisii markii nala geeyay 20 jirow. Ninka meesha haystaana waa nin yar oo Mareexaan ah oo markii hore isba-toore ahaa, haddase kornayl ah. Waxa uu yidhi ‘kan isaga (Yuusuf Gaydh) ifka ka qariya, oo waxa aad gaysaan meel shishe oo silsilado ku xidha.’ Markaa isaga waa na laga fogeeyey oo waxay ku xidh-xidheen silsilado ay lugaha kaga xidheen oo uu suuliga uun gaadhi karo. Habeen kasta inta uu yidhaa iigu yeedha ayuu hor dhigaa kafanta iyo baaskoolad, kolkaasuu ku yidhaahdaa ‘haddii Nimankaa aad waraaqda u qoraysay aad i siin waydo magacyadooda baaskooladdaas inta aan madaxa kaaga dhufto ayaanay cid danbe iskaa waydiinayn.’ Habeen kasta wuu argagixin jiray. Yuusuf-na wuu diiday inuu magacyo siiyo, waayo wuu ogaa haddii uu magacyada siiyo in Safaaraddii xumayd ee Sucuudigu inay nimankaas dhibaato u gaysanayso.

Yuusuf oo dhibaatadaas soo maray ayaa markii danbe na lugu soo celiyey, oo laynka-yagii ay qolalka-yagu ku yaalleen ayaa lagu soo celiyey. Yuusuf markaa xoog ayuu u soo dhibaatooday oo habeen iyo maalinba wuu ku xidhnaa albaabku oo madow ayuu ahaa qolkiisu lagamana furi jirin albaabka. Waxa uu u baahday inuu la hadlo ninka saaxiibkii ah ee ku xiga, dabadeedna gidaarka ayuu soo garaaci jiray, saaxiibkiisa ku xigaana wuu soo garaaci jiray oo waan noolahay ayuun-bay arrintu ahayd. Waa tan la yidhi ‘necessity is the mother of invention.’ Qofka marka ay baahidu ku badato maskaxda ayuu ka sheqaysiiyaa oo wuxuun-buu qofka beni’aadamka ahi soo saaraa. Markiiba waxa uu ka fikiray wixii la odhan jiray (DHIIDHAADA) ee ay ku wada hadli jireen maraakiibtu, dabadeedna waxa uu ogaaday in waxaasi yahay wax la garaaci karo. Markiiba waxa uu bilaabay Alphabet (Inuu xarfo u beddelo garaaca gidaarka), waxa uu ka bilaabay A laa Z sidii uu isugu gay-gaynayay.

Dhibtaada keliya ee na haysatay waxay ahayd in qofka kugu xiga aad u sheegto oo aad ku tidhaahdo ‘waar waxan aan garaacayaa waa xarfo ee qoro,’ haddii aad intaa ka gaadhsiiso isna wuu qoranayaa oo gidaarka ayuu ku qoranayaa, dabadeedna wuu xafidayaa markaasu masaxayaa. Maxaayeelay galab kasta waa la baadhaa qolalka. Inta badan askariga gaadhka hayaa marka ay sanqadhiisu kaa yara fogaato ayaa qofku inta uu albaabka shebegga ah istaago ayuu odhanayaa ‘waxan aan garaacayaa waa xarfo ee qoro.’ Isna sidaas ayuu ku qoranayaa. Xarfihii ayaanu dhammaantayo is-gaadhsiinnay, oo waxa ay noqotay inaanu si caadi ah u wada hadalno. Aroortii marka aanu soo toosno ilaa habeenkii gidaarkaas ayaanu ka wada sheekaysan jirnay. Waxa dhacday in rag halkaa qur’aanka iyo tafsiirkaba laga baray, oo laba nin oo mid tafsiirka yaqaanay midna aanu aqoon ayaa halkaa tafsiirka iska baray.

Kan Mareexaanka ah ee Jeelka haystay oo noo ogolaa uun Kitaabka qur’aanka, ayaa aniga ii ogolaaday inaan shandaddayda kala baxo buug 800 oo bog ahaa kaas oo aan qolka ku dhex haystay. Markaa waxa xanuustay Maxamed Baaruud oo igu xigay, waxa ku dhacday wuu fadhiisan kari waayay, habeenkiina hurdo ayuu iska waayay, haddii uu seexdana wuu sasayaa. kolkaa waxa uu ka baqanayay waalli oo wadnaha ayaa aad u garaacayay. Tii dhakhtarnimada ayaan ku isticmaalay inaanay waxani dhibaato lahayn, aniga oo si psychology ah u isticmaalay in waxani tahay cidhiidhiga uu ku jiro oo dhakhtarnimadii ayaan hadal ku waday, inuu jimicsi sameeyo ayaan u sheegay. Wixii markii ay waxba ka tari waayeen, ayaan buuggii soo qaatay oo waxa aan ku idhi ‘Buugga ayaan kuu akhriyayaa ee dhegayso.’ Buugga markii aan gidaarka uga akhriyey fikirkii uu ka fikiryey waad waalan doontaa oo wadnaha ayaa iskaa-taagi ayaa meeshii ka baxay, oo waxay noqotay inuu sheekadan wanaagsan uun dhegaysto, oo faraha ayaan maryo isaga duubay si aanu gidaarku wax ii yeelin. Aroortii illaa galabnimadka ayaan buugga u akhriyi-jiray, oo habeenkii waa madow oo buugga lama arki karayo ee kolka uu habeenkii seexdo ee uu salalo, ayuu i toosin jiray oo sheeko caadi ah….illaa caruurnimadii ayaanu ka sheekaysan jirynay. Sidii ayuu ku degay oo uu xanuunkii kaga ladnaaday. Buuggiina waxa aanu ku dhammaynay laba bilood iyo dheeraad. Muddo gaaban-na way nagu qaadatay inaanu fartaa ku xafidno.

Si kasta ha ahaatee, waxa aanu meeshii (jeelkii) ku jirnay muddo todoba sannadood ah. Waxa nala xidhay markii hore 1981-kii bishii November, waxa aanu halkan joognay (Hargeysa) ilaa bishii October 1982-kii. Waxaana nala soo daayay oo aanu 20 Jirow ka soo baxnay 1989-kii, ka dib markii Maraykanku cadaadis saaray Af-weyne, oo wakhtigaa dagaalkii qaboobaa ayaa dhammaaday, oo waxa meesha ka baxay Maraykanku wixii uu kelitaliyeyaasha sida Afweyne uga baahnaa. Markaa waxa noo hadli jiray ururo badan oo ay ka mid ahaayeen Amnesty International, African Watch iyo American Academy of Science oo ah akademiyadda culuumta sayniska ee Maraykanka oo waxa ay leedahay qayb xuquuqda aadamaha raadisa, iyaguna aad ayay noogu hadli jireen oo cadaadis ayay saari jireen dawladda Maraykanka, intii hore cadaadiskoodu wuu shaqayn waayay ee markii la gaadhay 1989-kii ee uu Maraykanku arkay inaanu digtaytar iyo Siyaad Barre u baahnayn ayuu lacagtii ka joogoiyey. Waxaana uu maraykanku ku yidhi ‘lacagtaa bixin maayo illaa aad sii dayso wixii maxaabiis ah ee siyaasad u xidhan.” Siyaad Barrena 1989-kii lacag wuu u baahnaa oo dagaallo ayaa ku socday oo SNM, SSDF iyo iyo Itoobiyaba dagaallo ayaa kaga socday. Markaa lacag ayuu u baahnaa oo waatii shilinka Soomaaliyeedna baaba’bay ee dhaqaaluhuna hoos u dhacay. Qof nagumuu reebin oo wuu na soo wada daayey. Jeelkii dhammaa ee 20 Jirow waxaa nagaga hadhay oo keliya nin Itoobiyaan ah oo lagu soo qabtay dagaalkii 1977 Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray. Dhammaan wixii siyaasad u xidhnaa ee xitaa meelaha kale ku xidhnaa wuu soo daayey.

Markaa kolkii hore ayaan sheekada kaa illaabaye 20 Jirow 14 qof ayaa na lagu geeyey oo Afweyne ayaa yidhi ‘wixii toban sano ka yar ku haya jeelka Xamar.” Lix ayaa ka yaaraa 10 sano oo naga hadhay. Lixdaa qof saddex waxa lagu xukumay siddeed sannadood, saddexda kalena min saddex sannadood ayaa lagu xukumay. Markaa iyagu way naga horreyeen oo way dhammaysteen xadhigoodii. 14-ka yagii ku xidhnaa 20 Jirow ayuun-baa la soo daayey.

Soodayntayadu mid cajiiba ayay ahayd oo na looma sheegin. Galabnimadkii ayuun-baa qof kasta waxa loo keenay garan cad iyo macawis cusub. Waanu yaabnay illayn weligayaba waxba namay siin jirin oo waxa yaga oo googa’ay ayaanu toltolan jirnay. Gidaarka ayaanu ka wada hadalnay annagga oo isku leh; ‘Waar maanta maxaa jira?’ Markaa Ciidna may ahayn ee munaasibaddii ayaanu garan waynnay. Kolkii cashadii garawga ahay nala siiyey ee meeshii la nagu xidhay, ayaa fiidkii markii uu shaacu madoobaaday nin walba laga furay qolkii uu ku xidhnaa. Waxaanu maqalnaa uun sanqadhan la furayo albaabada, waanu yaabnay illayn weligayo xilligaas oo kale nagamay furin’e. Markaasaa nala kaxeeyey oo nala geeyey qol uu fadhiisan jiray ninka jeelka haysta. Aniga saddex qof ayaa iga horeeyey oo markii aan soo fadhiistay ayaan eegay saddexdii qof ee iga horreeyey kolkaasaan garan waayay. Hadda waa nimankii aanu saaxibbada ahayn ee aanu wada xidhnayn. Todobadii sano ee aanu xidhnayn ayuu mid waliba isbeddelay. Mid lafo noqday oo caato noqday, mid caddaaday oo jidhkiisu qorrax la’aantii isbeddelay intii uu jeelka ku jiray…qof waliba wuu is beddelay. Wada-hadli mayno’oo inta labadii habeennimo baabuur badan oo Laankuruusarro ah la keenay ayaa nala saaray annaga oo katiinadaysan. Marka aad jeelka ka baxayso iyo marka aad soo gelaysaba indhaha ayaa lagaa xidhayaa si aanad u ogaan waddada la marayo. Baydhabo marka la gaadho ee aad aragto laydhka Baydhaba ayaa lagaa furayaa maradii indhaha kaaga xidhanayd, laakiin katiinadu way kugu xidhnaanaysaa.

Markii aanu Baydhabo maraynay ayaanu garannay inaanu Xamar ku soconno oo inay rajadu yara wanaagsan tahay ayaanu dareennay. Kolkii hore maanaan garanayn in nala tooganayo iyo in meel kale na loo wado. Labadii Habbeenimo ayaa nala geeyey Xamar sidii na loo sii waday ayaa nala geeyey Madaxtooyadii, waxaanu is hortaagnay qolkii Afweyne oo ninkii ugu horreeyey ee na arkay isaga ayuu ahaa. Afweyne waxa uu isaga hadlay nac-nac iyo wax bilaa macne ah. Nin kasta waxa uu waydiiyey; “Ma qabtaa dembigii lagugu xidhay.” Markaasaa nin kastaa ku yidhi; “Mayee ma qabo.” Bal inuu waalan yahay iyo kale todoba sannadood ka dib ayuu na waydiinayaa in aanu dembigii qabno iyo in kale. Markaasuu nagu yidhi; “Anigu waxba ma xidho ee wax ayaan soo daayaa ee nimankii idin xidhay waa iyaga iyo ilaahood.” Waxaas ayuu isaga hadlay. Kolkaasuu nagu yidhi; “Soomaali dhiigeedii wuu datay, waqooyigii wuu ku daayay, Hargeysi way ku daysay, Burco way ku daysay.” Waxa uu noqday ninkii ugu horreeyey ee noo warramay, waxaana uu u jeeday meeshii cidi kumay hadhin ee dadka inii kale qaxoontiga ayay joogaan. Annaga oo yaaban oo leh waar tolay miyuu waashay waxan uu ku hadlayaa waa maxay, ayuun-buu yidhi “Ordoo guryahoodii geeya.” Mid yar oo noogu yaraa lana yidhaahdo Cabdiraxmaan Masalle ayaa yidhi; “Oo Madaxweyne gurigan aad sheegaysaa waa maxay soo digan leh Hargeysi way ku daysay.” Markaasuu gartay inuu khaldamay oo uu yidhi; “Waar orda qaada oo hudheel geeya.” Hudheel ku yaalla Xamar ayaa nala geeyey oo bac lacag ah ayaa na loo dhiibay. Waxaana hudheelkii noogu yimi dadkii reer waqooyiga ahaa ee ogaaday in nala soo daayay. Bacdan lacagta ah ee na loo dhiibay waxaanu u haysannaa in lacag badan na la siiyey. Markii aroortii aanu ka quraacannay ayaanu bacdii lacagta ahayd u dhiibtay mise waxba kamay soo hadhin. Bacdii dhammayd ee lacagta ahayd waxay noqotay qutaacdii. Markaas ayaanu ogaannay sida ay lacagtu u baaba’day.

 

Markii ay dadkii noo warrameen oo mid kasta oo naga mid ah war aan fiicnayn loo sheegay, mid la yidhi aabahaa ayaa dhintay, mid la yidhi walaalkaa ayaa dhintay…..aniga aabbahay ayaa dhintay intii aan xidhnaa. Nin kale oo aan kuu sheegayay oo Muuse Tuur oo la idhan jiray oo mutacallim ahaa isna Hargeysa ayuu ku dhintay oo madaafiicdii Hargeysa lala dhacayay ayuu ku dhintay. Markaa nin walba war xun oo caynkaas ah ayaa loo dhiibay, kolkaas ayaanu tashannay oo waxaanu iswaydiinnay maxaynu qaban karnaa? Waxa kaliya oo aanu ku tashannay inaanu dadkii la xidhiidhno oo Jabuuti ayaanu tagnay, waxaanu uga soo gudubnay Itoobiya oo xeryihii qaxoontiga ayaanu soo marnay oo dhibaatada taagan ayaanu aragnay. Markaa ayaanu u tagnay qoladii SNM-ta ee Diridhaba, haddana waxaanu booqannay ciidamadii SNM-ta ahaa ee jiidda hore joogay. Annaga oo gubaabo iyo mahadnaq u jeedinnay.

Waxay soo socotaba waxaanu samaysannay urur samafal ah oo la odhan jiray SORA, kaas oo aanu ugu talo-galnay inaanu wax ugu qabanno dadkeenii qaxoontiga ku sugnaa. Markii dalka la soo galay 1991-kiina ururkii ayaanu sii wadnay, annaga oo aad uga shaqayn jirnay dayac-tirkii iskuullada iyo waxyaabihii danta guud ahaa. Halkaa ayaanu ka sii wadnay hawlihii samahafalka.

Markaa shaqada hay’addan PROGARESSIO waxaan bilaabay 1998-kii, waxaan ka shaqaynayayna 14 sano. Shaqada ugu weyn ee ay PROGARESIO qabatay waxa weeye sidii ay wax badan ula qaban lahayd waxan la yidhaahdo ururada rayidka. Iskata oo aanu ka shaqaynnay caafimaadka, HIV/AIDS-ka iyo deegaanka. Laakiin halka ugu weyn ee ay xoogga saartay waa ururada bulshada. Sannadkii 1995-kii ayay PROGARESSIO xafiiskii ugu horreeyey ka furatay Hargeysa, walow xilligaa ay ururada rayidka ahi yaraayeen haddna way cusbaayeen oo khibrad hore may lahayn. Waqtigii Afweyne-na lama ogolayn ururada rayidka ah. Waxaanu xilligaa la shaqayn jirnay HAVAYOCO iyo NAGAAD oo 1997-kii samaysantay. Ururadaas ayay ahaayeen kuwii markii hore aanu la bilawnay. PROGARESSIO waxay soo shaqaalaysaa dad ajanebi ah oo khibradda, aqoonta iyo farsamadaba kala shaqeeya ururadeenan rayidka ah.

 

SONYO markii la asaasay ee 2003-diiba wada-shaqaynta waanu la bilawnay. Waxaanu markii ugu hoorraysay-ba aanu u keennay gabadh filibiiniyad ah oo aad u soo dhistay SONYO. Waxaana ay soo dhisaysay saddexdii sannadood ee ugu horreeyey, taas oo sababtay inay noqdaan urur bisil illaa haddana sidii ayay PROGARESSIO ula shaqaysaa SONYO.

Ururada danbe ee aanu la shaqaynayna waxaa ka mid ah GAVO oo markii hore Berbera degenayd haddase degan Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo. Waxa kale oo aanu la shaqaynay qolo kale oo FOPAG la yidhaado (Forum for peace and governance). Dhinaca HIV/AIDS-ka waxaanu kala shaqaynaa ururka dhalinyarada ee HYDA. Waxa kale oo aanu cusbitaalka weyn ee Hargeysa kala shaqaynnaa dawooyinka la siiyo dadka la nool xaruunka AIDS-ka. Waxa kale aanu la shaqaynaa urur TALO-WADAAG la yidhaahdo oo daryeela dadka xanuunkan la nool.

Hawlihii doorashooyinkana waanu ka qaybgalnay sida tii Baarlamaanka iyo tii madaxtooyada ee kal hore dhacday. Waxaana aanu keennay goob-joogeyaal caalami ah oo korka kala socday doorashooyinkaas. Waxa kale oo aanu buugaag ka qornaa aqoonsiga Somaliland maadaana oo ay Somaliland ga’doonkan (isolation) ku jirta si ay ga’doonkaas uga baxdo. Buuggii ugu horreeyey ee aanu arrintan ka qornay waxaa la yidhaahdaa “BECOMING SOMALILAND” waxaana qoray nin aanu lacag siinnay oo la yidhaahdo Mark B. waxaana ku jira taariikhdii SNM, asaaskii Somaliland ilaa hadda. Qof kasta oo ajanebi ah oo doonaya inuu Somaliland wax ka ogaado haddii uu buugan akhriyo way ku filan tahay.”

Dr. Aadan Yuusuf maadaamoo uu dhibta intaa le’eg uu soo mutay Somaliland, waa maxay aragtidiisa ku waajahan heerka Somaliland marayso, isagoo arrintaa sharraxaad ka bixinaya waxuu ku jawaabay oo uu yidhi; “Horta Somaliland marxalad adag ayay ka soo gudubtay, wixii inagu dhacay waqtiyadii hore iyo la dagaalanka cadawgu Soomaalida ku hayaan…waxaas oo dhami dhibaato badan ayay ina soo gaadhsiiyeen, laakiin ilaahay mahadii waxaas oo dhan waynu ka soo gudubnay oo caqabadihii ugu waa weynaa ayaynu ka soo gudubnay. Caqabadda ugu adag ee imika ina haystaa waxa weeyaan xagga siyaasadda, inkasta oo aynu dimuqraadiyadii ku guulaysannay oo aynu doorashooyin qabannay, haddana wax badan ayaa innaga dhiman oo ta ugu weyni tahay xisbiyada oo xaggii xisbiyada ayaynu ka liidannaa. Xisbiyadu waa waxa dimuqraadiyadda asaaska u ah, oo haddii aanay xisbiyadu xagga doorashada isku bed-bedelin wax badan ayaa dimuqraadiyada ka dhiman. Saddexdan xisbi ee hadda jira (KULMIYE, UDUB iyo UCID) waxaan u arkaa inay yihiin kuwo aad u liita. Imika toban sannadood yay jireen illaa haddana wax horumar ah oo ku soo kordhayaa ma jiro. Siyaasayad iyo waxay ku kala duwan yihiin oo aynu ku doorannaana ma jirto. Waa xisbiyo aan xitaa ogayn dadka xubnaha ka ah, taageerayaashoodu inta ay yihiin. Markaa horta dhibaatadaasi dalka way haysataa. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ay la kulmeen guddidii ka soo talo-bixinta ururada siyaasadda ee ogolaaday in la furo ururada siyaasadda. Taasina waxay keentay inay xitaa dardar iyo dhiirigelinayso saddexda xisbi ee jira oo ay ku talo galaan in meesha tartar imanayo.

Ta kale ee aan anigu ku dhaliilayo Somaliland waxay tahay golayaashii sharci-dejinta ee Wakiillada iyo Guurtida oo weliba golaha ay ummadu soo dooratay ee Wakiillada ay dadku ka niyad-jabsan yihiin, oo wixii ay ka filayeen aanay ka soo bixin oo ay noqdeen uun dad iyagu isku mashquulsan amma dad kala qayb-qaybsan oo arrimo ku kala qaybsan, iyagoo noqday dad dadweynihii soo dhex-galeen oo ay kala kaxaysteen. Markaas oo sharciyadii muhiimka ahaa iska yaalaan ay kolka sharci la moodo inay cidi ka danbayso eryanayaan. Runtiina waxaad moodaa inay wadaniyadii ka maqan tahay, iyaga oo dano gaar ah uun eryanaya. Taasina dadkeennii meesha u soo halgamay (Somaliland) waxay ku riday in aynu aad iyo aad uga xumaanno oo aynu ka niyad-jabno. Markii hore ee Baarlamaanka la dooranayay rajadeenna iyo filashadeennuba aad ayay u sarreeyeen.

Markaad hoos u soo dhaadhacdo dawladihii hoose ee iyagayna la doortay 2002-kii, waabay ka sii liitaa oo waa kuwan is haysta ee dhul uun eryana. Doorashada soo socota waxaa habboon in la eego qofka la dooranayo ee aan la dooran xisbi amma urur, waana in aanay noqon in liis la isdaba taxo oo aan la dooran dad aan talo lahayn ee sidii baarlamanka waa in uu qofku isa soo sharraxo oo dadku qiimeeyaan oo ku doortaan qofkaas ayaanu doonaynaa. Hadda waxaad moodaa dadkii codka bixinayey inay bislaadeen oo laga yaabo inaan cod danbe si sahlan looga helayn. Maanta magaalooyinkeennu way dayacan yihiin oo nimankii aynu doorannay waa kuwaas.

Dadweynahana waxaan ku dhaliilayaa xaggii cashuur-bixinta oo ma jiro waddan socon kara bilaa cashuur. Haddii ay ganacsatada iyo dadka shaqaalaha ahiba ay cashuurta la dhuuntaan dhibaato weyn ayay dawladda u keenaysaa tii hore iyo tan-ba. Sababtoo ah dee meel kale oo wax ka soo gelayaan ma jirto, dad ina caawinaya oo inoo kabaya miisaanayaddeenuna ma jiraan. Markaa waxaan dadka farayaa oo aan ku boorinayaa inay cashuurka bixiyaan illayn waa inta ay wax ku dhaqdhaqaaqayaane.

Inkasta oo aynu caqabado badan ka soo gudubnay haddana intaas ku gabagabaynayaa. Balse xagga ictiraafka haddii aan wax yar ka idhaahdo, maaha inaynu wax walba ku illawno ictiraafka isaa iska iman doona. Intaa waa la ina qiimaynayaa oo waa lala socdaa warkeena. Berigii dhawayd doorashadii madaxweynaha ee 2010-kii dhacday wax badan ayay ina tartayoo adduunkii iyo dad aan warba inoo hayan ayaa inoo jeestay. Waddamadii deeqda bixin jiray qaar badan oo ka mid ah ayaa deeqdii inoo laban laabay. Markaa waxa weeye marka aad hawshaada qabsatid ee lagu arko adiga oo dadaalaya ictiraafku wuu iska iman. Laalkiin haddii aad tidhaahdo waxba qabsan maayo oo kolba wefti ayaan dirayaa oo aqoonsi ayaan raadinayaa…aqoonsi laguma helo wefti la diro oo kolba meel loo diro. Weftigaa la dirayo lacagta ku baxaysa in la geliyo dalka ayaa ka fiican oo wax lagu qabto ayaa habboon. Adduunku hadda wuu isku xidhan yahay oo waxa jira “Globalization” oo iska tuulo ayuu noqday oo waxa isku xidhay waxa la yidhaahdo “Information technology” meel uu warkaagu ka maqan yahay ma jiro. Marka wax wanaagsani dhacaanna waa la maqlayaa marka waxa xumi dhacaanna waa la maqlayaa.”

 

Dr. Aadan Yuusuf Abokor waxa bishii September ee sannadkii 2011-kii shaaca ka qaaday inuu ka faadhiistay shaqadii uu ka hayay hay’adda PROGARESSIO, waxaan waydiiyey sababta ku kallifta inuu shaqadaas ka fadhiisto, isaga oo arrintaa sharxayana waxa uu yidhi; “Waxa aan wax weyn ka bartay dhalinyarada SONYO ee aan muddada dheer la shaqaynayay, oo waxyaabaha ugu badan ee ay ka cawdaan waxa weeye ‘Odayaal ayuun-baa na hor taagan.’ Laakiin taas xaqiiqadu maaha ee Sababtu waxa weeye mar haddii aan ka shaqanayay oo aan Progaressio muddo 14 sannadood ah aan ka shaqaynayay. Waxa muhiim ah maadaama oo aanad meeshii wax cusub iyo ikhtiraacid aanad ku soo kordhinayn waxaa loo baahan yahay inaad meesha u bannayso qof kaa da’ yar oo haya himiladii uu wax ku qaban lahaa. Yaanay kaa noqon uun inaad meeshii ku dheganaato. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa ‘waan baahanahay bakhti looma cuno.’ Maaha meel lacagi kaa soo gelayso inaad tidhaahdo yaanay idhaafin oo aad halkaas uun fadhidid, ilaahay ayaa dadka arsaaqa. Anna marka aan hawshan ka fadhiisto hawl-gab amma bisil ma lihi (retirement) oo Yurub iyo Maraykanka ayaa lagu retire-garoobaa laakiin waxii hawl ah ee Somaliland la iiga baahdo waan wadi karaa ee fadhiisan maayo. Maadaama oo lala shaqaynayo ururo yar yar oo dumar iyo dhalinyaro isugu jira oo u baahan tamar badan, anigu waxaan is idhi waxaad gaadhay saacaddii ay ku habboonayd inaad u bannaysid qof laga yaabo inuu kaaga fiicnaan doono, illayn aniguba waxaan soo bilaabay aniga oo da’dan ka yar 14 sanana waan soo waday shaqadan’e. Waan garanayaa markii aan bilaabay iyo imika sidaan ahay, inaan anigu is-qiimeeyo oo aan is-idhaadho waxay ku fiican tahay qof kaa da’ yar ayay noqotay. Dadka waa weyn ee meelahaa fadhiga anigu waan diidanahay oo waan ka soo horjeedaa. Waxaan doonayaa Cabdirashakuurow (Heersare) inay arrintani tusaale fiican u noqoto dadka waa waa weyn ee meelahaa iska fadhiya ee u bannayn la’ dadka yar-yar ee dardarta haya ee wax ka beddelaya shaqooyinka.”

Mar kale Dr. Aadan waxa uu ka jawaabayaa su’aal ah; maadaama oo aad shaqadii ka fadhiisatay maxaa kuu qorshaysan oo aad qabanaysaa, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi; “Kollay ma noqonayo qof meel iska fadhiisanaya oo aan waxba qabanayn. Imikaba waxaan ku jiraa guddida maamusha cusbitaalka Hargeysa, waxa kale oo aan guddoomiye ka ahay board-ka addakemiga nabadda iyo hurmarinta, hawlahaasi waa kuwa mutadawacnimada ah ee hawlihii kale ee shilinka lagu raadiynayayna dee waan wadi doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Kollayba madax noqon mooyo oo waanigaa ka fadhiistay ee wixii la talin ah ayaan qabanayaa.

Ugu danbayntii Dr. Aadan Yuusuf Abokor, waxuu xaadirinayaa tiradoodu intii ay ahayd waqtigaa lagu xidhay 20 Jirow, isla markaana ay soo wada dhammaysteen todobadii sannadood ee ay ku jeelkaas, isaga oo xusay inay ahaayeen 14 qof oo kala ah:

1. Maxamed Barud Cali

2. Axmed Yuusuf Jabane

3. Maxamed Maxamuud Cumar Caashi

4. Dr. Aadan Yuusuf Abokor

5. Axmed Xuseen Aabay

6. Cabdiraxmaan Xaji Cabdalle Aadan

7. Aadan Warsame Siciid

8. Yuusuf CabdilaahKahin

9. Cali Yuusuf Aar

10. Dr. Maxamed Sheekh Xasan Taani

11. Dr. Cusman Cabdi Maygaag

12. Baashe Cabdi Yuusuf

13. Xuseen Maxamed Ducaale

14. Maxamed Cali Ibrahim

 

Sawirro:

 

Filed in: Articles, Radio Waaheen

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.