Weriyayaal Iyagoo Idaacad Toos u Tabinaya la toogtay

kkkSaddex nin ayaa la xidhay kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica.

Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.

Muuqaalka ayaa muujinaya tabintii tooska aheyd oo ay soo dhexgashay rasaas iyo haween argagaxsan oo ku qeylinaya “Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday!”.

Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay Salaasadii  ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo.

Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soo jeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.

Haweeney sidoo kale ku dhaawacantay weerrarka ayaa haatan qalliin lagu hayaa sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxaliga ah.

Ragga la xidhay ayaanan weli lagu soo oogin wax dacwad ah, booliskuna waxa uu sheegay in aanay garanayn sababta keentay weerrarkan.

“Baaritaanadu waa ay bilowdeen oo waannu isku dayi doonnaa inta karaankayaga ah inaannu runta ka sal gaarno.” Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dominica, Jean Rodriguez, ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Bishii Agoosto 2015, laba weriye oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu toogtay Virginia iyagoo si toos ah TV ugu warramaya.

Filed in: Radio Waaheen

You might like:

Xukuumada Somaliland Oo Weft Wasiiro ah u Dirtay Jabuuti
Daawo: Sh. Aadan Siiro oo ka dayriyey Musuq Maasuq uu sheegay inuu ka jiro Hay’ada shaqaalaha
Sababihii Ay Ku Timid 26-ka Juun W/Q: Cali Cabdi Coomay
Sawirada iyo Muuqaaladda ina Cabdi Godane oo La soo Bandhigay
Madaxweyne ku xigeenka oo la tukaday Shacbiga Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland Oo Salaadii Ciidal Fidriga Ku Tukaday Abu-dubai Kulanna La Qaatay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Imaaraadka
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.