Hindiya oo 104 Dayaxgacmeed Hawda u Dirtay

_94650977_mediaitem94650975Hindiya ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay ku guulaysatay inay hal howlgal hawada ugu dirto 104 dayaxgacmeed, iyadoo sidaana uga saramartay rikoorkii hore ee uu Ruushka dhigay 2014-kii markaa oo uu hal mar hawada sare u diray 37 dayaxgacmeed.

Saddex ma ogiyee dhammaan dayaxgacmeedyada kale ayaa waxaa laga leeyahay wadama shisheeye, oo intooda badana waxaa iska leh Mareykanka.

Howlgalka ayaa ka dhacay xarunta laga hago dayaxgacmeedyada ee bariga Hindiya.

Dadka u kuurgala arrimahan ayaa sheegaya in tani ay astaan u tahay in Hindiya ay kaalin weyn ka ciyaarayso suuqa balaayiinta doolar ku fadhiya ee hawada sare.

“Xilli weyn oo wanaagsan ayey u tahay qofkasta oo inaga mid ah. Maanta waxaannu sameynay taariikh,” waxaa hadalkan ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Agaasimaha mashruucaasi B Jayakumar.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee u hambalyeeya saynisyahanada.

Kalmadda “rikoor caalami ah” ayaa subaxii Arbacada noqotay hadalheynta ugu badan ee barta Twitter-ka ay ku wadaagayaan dadka ku nool Hindiya.

Mareykanka ayaa iska leh 96 ka mid ah 104 dayaxgacmeed ee yaryar, halka wadammada kale ee ajaanibta ah ee dayaxgacmeedyada ku lahaa howgalkanna ay kala yihiin Israa’iil, Kazakhstan, Imaaraatka Carabta, Switzerland iyo Netherlands.

Inta badan dayaxgacmeedyadan ayaa leh awood ay sawir dhulka kaga soo qaadi karaan waxaana iska leh shirkadda Mareykanka ee Planet.

Dayaxgacmeed Hindiya ay leedahay oo la rumaysan yahay inuu qaadi karo sawiro taya leh ayaa sidoo kale ka mid ah dayaxgacmeedyada hawada loo diray.

Dowladda Hindiya ayaa sanadkan kordhisay miisaaniyadda mashruuca xarunta laga hago dayaxgacmeedyada sidoo kalana waxa ay ku dhawaaqday qorshe ay howlgal ugu dirayso Venus.

Labaatankii sano ee la soo dhaafay, Hindiya ayaa dowr muhiim ah ka ciyaaraysay suuqa ay lacagaha badan ku baxaan ee hawada sare iyadoo qiimo hooseeyo ku bixisa adeegyadeeda.

 

 

Filed in: Radio Waaheen, Waaheen News

You might like:

GAAS Itoobiya oo Maamulka Puntland u Dhisaysa Madaaro iyo Wadooyin
SOMALILAND Dawlada Ingiiriska oo Joojisay Mashaariic dii Caafimadka ee Gobolada Barri ka dib Markii Wiil uu Sodog u yahay Silaanyo kooto loogu xidhay
sasasss Madaxweyne Siilaanyo oo Furay Mashaariic Horumarineed oo Berbera laga Fuliyey
US_Air_Force_090407-F-1125C-210_President_Obama_visits_Sather-470x260 “Madaxweyne Trump ayaan ka sugayaa Amarkii aan ku Weerari lahaa Somaliya” Gen.Thomas
IMG-20170208-WA0003 Wajigii Saddexaad Ee Wada Hadalka Somaliland Iyo Khaatumo oo Jabuuti ka Furmay
naaasir Daawo: Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka Hadlay Xaalada guud ee Dalka, eedana ujeediyey Madaxweynaha Somaliya
© 2017 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Eagle Tech.