Dawladda Faransiiska

SL PresedentOo Casuumad Rasmi Ah U Fidisay Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa  Safiirka dawladda Faransiiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo shallay booqasho ku yimid magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa u gudbiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo martiqaad rasmi ah oo dawladda faransiisku u fidisay madaxweynaha Somaliland.

Ambassador Etienne De Poncins oo shallay kulan kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa ayaa u dhiibay waraaq martiqaad ah oo u usoo dhiibay ra’isal wasaaraha dalka France Jean-Marc Ayrault waraaqdaasi oo weedhahii ku qora ay ahaayeen sidani

“Mudane madaxweyne waxaan halkani kuugu soo gudbinaya martiqaad rasmi ah inaad timaado France si aad kulano ula yeelato dawladda iyo madaxda dalka faransiiska markasta oo wakhtigu ku saamaxo” ayaa lagu yidhi waraaqda.

Safiirka France ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Etienne De Poncins oo la hadlaayey warfidiyeenadda ka dib markii uu kulanka la yeeshay madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in faransiisku uu aad u danaynaayo inuu xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi la yeesho Somaliland “waxaan halkani u imid in la bilaabo waji cusub iyo xidhiidh cusub oo siyaasadeed oo aanu jecelahay inuu u furmo Somaliland iyo France, waxaa France ay jeceshahay inay xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba la yeelato Somaliland” ayuu yidhi Ambassador Etienne De Poncins oo ka jawaabaayey su’aal ay war fidiyeenadu weydiiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Hollande ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ka soo qayb gallo munaasabadda 50 sanno guuradda aas aaskii ururka Midawga Afrika oo lagu qabanayo magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Hollande oo dhawaan la hadlaayey telefishanka Africa24 ayaa u sheegay in Faransiisku uu doonayo inuu balaadhiyo xidhiidhkii uu la lahaa qaarada Afrika.

France

Filed in: Articles, Sports, Videos, Waaheen News

You might like:

hogan4 Daawo: Shirkada Caymiska ee TAKAFUL oo Hadhimo Sharafeed u sameysay Ururka SOLJA.
warkii Madaxweyne Siilaanyo Oo Labada Gole u Jeediyay Khudbad aad uga duwan kuwiisii hore
19827_745156795598176_8505282401263343954_n Madaxweynaha Somaliland Oo ku Faanay Horumarada la Sameeyey Madaarada Hargeysa iyo Berbera, Golaha Baarlamaanka ka Codsaday Ansixinta Xeerka Duulista Madaniga ah
gaas_siilaanyo Puntland Oo Sheegtay Inaanay Somaliland Raali Galin Siin, Kuna Tilmaamay Markale Argagixiso.
BUUBAA Daawo: Xildhibaan Afhayeenka Wadani oo Daadifeeyey khudbadii Madaxweyne Siilaanyo
ILWAD Fanaaniinta Ilwaad England iyo Faarax Murtiile oo Soo saaray Hees Cusub 2015

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2015 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.