Reer Burco: maxay ka yidhaahdeen isku shaandhaynta Madaxweyne Sillaanyo?

waaheenBurco (Waaheen)Dadwaynaha Reer Burco ayaa dareen kal duwan ka bixiyay isku saandhayntii uumadaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland isku shaandheeyay qaar ka mid a Golahiisa wasiirada,waxaany dadwaynaha reer burco arintan isku shaandhaynta ay daliil badani ka muuqato,in kastoo ay qaar ka mid ahi ay u arkeen in ay waajib ku tahay sunaha dawladanimo in uu MadaxwaynuHu waxna eryi karo waxna magacaabi karo oo aan qofku isu arkin inuu xilkaas waligii joogo.

Qaar ka mid ah dadwaynaha reer burco oo arintan dareenkooda ka dhiibanaya ayaa waxa ka mid ahaa:-isku shaandhayn tani maaha wax suuro gal ah waayo wax waliba waxay ku wacanyihiin koobnaan ta iyo tayada Tusaale ahaan Wasaarda macdan ta iyo biyaha waxaa loo kala saaray hab qancineed  mida kale iyadoo ardaydii ay shaqo la,aan u tahriibayso ayaa wasiiro ciidaa ka badanoo aan waxba qabanayn dhaqale iyo bajad loo samaynayaa waad ogaydeen oo Baar lamanku waxa uu ansixistay boqlaal kun oo markay xilka ka tagaan sii qaadanayaan lacagtaasi warshad yar bay dalinrada u goyn lahayd oo shaqo uga soo baxdo,sidaas waxa yidhi C/fataax Bashiir oo ka mid ardayda Jaamacada Burco.Siciid ayaa isaguna waxaa uu yidhi’Wasiiro Badan oo muhiim ah waa la eryay qaar aan u qal mina waa la daayay qaar badan oo kale lama taaban,
Enjineer Maxamuud Maxamed Ciise oo isaguna ka hadlaya isku shaandhayntaas ayaa waxa uu yidhi waxaan u arkaa inaanay  miisanayn oo wax dheeli tiran aanay ahayn Marka loo eego qabka beelaha oo u qaybsan beelo la taabtay oo kuraastoodii waayay iyo qaar aan la taaban ayuu yidhi injineer maxamuud.
waa wixii uu dawladii ina riyaale ku maagi jiray wasiiru dawlayaashan faraha badani.
way fiicantahay imuu madaxwaynuu wax bedelaa oo lixdii  biloodba mar wax shaandheeyo oo aanu qofku meesha yeelan sidaas wax yidhi mid ka mid ah dadwaynaha reer burco oo dereenkooda cabiraya.
isku soo wada duuboo isku saandhayntan oo ahayd mid uu dadwaynaha reer  burco iyo somaliland ba  ay ku waa bariisteen ayaa waxaa marka laysku soo ururiyo faalada iyo dareenka ay dadwanuhu ka bixnayaan ayaa waxa uu ahaa mid aad u hadal hayn badan goobaha ay dadwaynuu ku kulmaan.

Filed in: Waaheen News

You might like:

IMG_20160503_231630 Premier Bank oo Shalay ku Daahfurey Magaaladda Hargeysa Adeegyo ku cusub Waddanka
DSC_0002 (1) Kulan loogu Diyaar Garoobayey 18-MAY oo Qasriga Madaxtooyada ka Qabsoomay
998+ Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Beeniyey in loo Diiday Fiisihii Waddanka Maraykanka
jamaal Dacwada Garabada isku haye Xisbiga UCID oo digniin laga soo saaray
solja-logo11-345x265 War-saxaafadeed: Xuska maalinta Madax banaanida Saxaafadda Caalamka
bur(3) Faalalka Budhcad nimo ee Afkrika oo Warbixin laga diyaariyey

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2016 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.