Eng. Cali Xoor-xoor waa Cudurkay Dawladda Siilaanyo u dhiman lahayd!!!

Waxa aan aad u salamayaa dhammaan shabekadaha Wararka Somaliland iyo akhristayaasha sharafta leh ee wararka iyo maqaalada ka daalacada. Haddaba waxa aan maanta qalinka iyo warqada u qaatay bal in aan waxyar ka qoro Dekedda Berbera iyo Cali Xoor, aniga oo isku dayi doona, in aan kala saaro Dekedda Berbera iyo Eng. Cali Xoor-xoor.

 

Sababta igu kaliftay in aan maqaalkan qoro ayaa waxa ay tahay shalay gelinkii danbe aniga oo daawanayay TV-ga Somali-Channel ayaa waxaan arkay Cali Xoor-xoor oo shir jaraa’id qabtay, kana hadlaya Dhul, lehna (This is my job) oo macnaheedu tahay tani waa shaqdaydii, Somalida ayaa ku maahmaahda “tiisaba daryeelaa tu kale ku dara”, aniga oo aan ku fogaanayn bal aan kala saaro Dekedda Berbera iyo Eng. Cali Xoor-xoor.

 

Dekedda Berbera

 

Dekedda Berbera waxay ku taalaa Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay ahaan jirtay magaalo madaxdii maxmiyadii Ingiriiska (Somaliland British Protectorate) sanadihii 1870 ilaa 1941kii, waxaanay ku taalaa meel istraatajiyad saliidu marto ah (strategically on the oil route), waxaanay leedahay biyo joogeedu aad u hooseeyo, waxaana la dhamaystiray 1962kii. Taas oo ka shaqayn jirtay ganacsiga gobolka guud ahaan.

 

Wakhtigii ancient-kii Berbera waxay lahaan jirtay magac ay ku soo caano maashay oo la odhan jiray magaalada Malao, 800 sano ka dib waxa loo bixiyey magaalada Avalites, sida uu qeexayo japter-ka 8aad ee buuga Periplus of the Erythraean Sea  kaas oo uu qoray ganacsade Giriig ah Qarnigii 1aad.

 

Nin kale oo scholar Chinese ah oo la odhan jiray Duan Chengshi wuxuu ku qeexay isna magaalada Berbera 863kii Magaalada Bobali. Sidoo kale magaaladan waxa loogu magac daray nin Islaami gooshaa ahaa (traveler) Ibnu Said qarnigii 13aad.

 

Si kastaba ha ahaatee sida uu qoray I.M Lewis sida xaqiiqda ah wakhtiyadii Bortaqiiska ee Badda Cas waxa magaalada laga eryay 1518 kii Antonio de Saldanha. In yar oo ka mid ah taariikhdiisa ayaa la ogaa ka hor qarnigii 18aad ilaa 19aad.

 

1546kii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa qabsatay Somaliland oo ay ku jirto magaalada Dekedda leh ee Berbera, waxa kale oo ay ka dhigtay Zaylac magaalo madaxda sababo la xidhiidhi istraatajiyada ay kaga taalo Badda Cas awgeed. Waxaanay Berbera xaqiiqdii u isticmaali jireen ganacisga inta u dhaxaysa bilaha October ilaa April. Wakhtiyaddaas waxaa ganacsigoogu ka shaqayn jiray Dekedda Berbera dadka Somalida siiba qabiilka Isaaqa, dadkii socotada ahaa ee ka iman jiray Herar, Hawd, iyo ganacsato la odhan jiray Benyan oo ka iman jirtay Porbandar, Mangalore, iyo Mumbai ayaa ka ganacsan jiray.

 

Ganacsigan wakhtigaa halkaa ka socday waxa uu ahaa mid sir ah oo aan loo ogolayn in ay arkaan reer Yurub (Europeans) ama ay wax ka ogaadaan.

 

Badmareen British ah oo la odhan jiray Richard Burton, ayaa laba booqasho ku sameeyey Dekedda Berbera, booqashadiisii labaadna waxa camp-kii uu deganaa ku weeraray boqolaal Somali ah oo ku hubaysan Waramo iyo Gudumo habeenkii 19 April 1855kii. Isla markaana uu Burton u baxsaday dhinaca Cadan, iyadoo lagu dilay mid ka mid saaxiibadiisii la socday, sidaasna uu Burton ku aqoonsaday muhiimada Dekedda Berbera leedahay.

 

Haddaba Dekedda Berbera taariikhdeeda halkan laguma soo koobi karayo oo ilaa Qarnigii koowaad way shaqaynaysay, isla markaana kolba cidbaa gacanta ku haysay oo maamaulaysay, waxtarkooda iyo dhismaheeda iyo waxyeeladeeda taariikhda ayay ku xusan tahay cidii soo maamushay.

 

Intaas aan ku koobo taariikhdaa kooban ee Dekedda Berbera, una gudbo qodobkayga labaad ee Eng. Cali Xoor-xoor.

 

2. Eng. Cali Xoor-Xoor

 

Tan iyo wakhtigii aynu dalka dib ugu soo noqonay madaxweynayaasha dalka taladiisa gacanta ku qabtaa waxay soo saaraan wareegtooyin ay masuuliyiinta xilka qaranka haysata ay u qoraan una sheegaan in xilka dawladdu meerto yahay, balse arrintaasi weli waxa aanay ka dhaqan galin Dekedda Berbera oo Eng. Cali Xoor-xoor maareeye ka yahay.

 

Waxa dhacday wakhtigii wadanka uu maamulayay Madaxweyne Cigaal Alle ha u naxariistii in mar laga qaaday Maareeyaha Dekedda Berbera, loona dhiibay maareeye cusub, waxay tiisii timi maareeyihii la magacaabay (Alle ha u naxariistee), hadana dib ayaa loo soo magacaabay. Iyadoo sidii ah ayuu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday. Xukuumadii Daahir Rayaalena dhinaciisa maybay eegin sidiibuuna meesha ku haystay, ilaa ay u noqotay Cali Xoor-Xoor hanti uu leeyahay Dekedda Berberi halkaas oo uu gabood falo badan oo musuqmaasuq ka galay. Waxay dawladda hadda jirtaa markii ay KULMIYE ahayd ka qayliso markay taladda dalka qabatay way bedeshay oo maareeye cusub ayay u magacowday, maareeyahaas oo aan muddo badan shaqayn.

 

Maalintii uu geeriyooday hoggaamiyahii Kim Jong-Il saddex maalmood oo baroordiiq ah ayaa loo asteeyey dadkii Jamhuuriyadda Waqooyiga Kuuriya ku nooli oo dhamina rag iyo dumar waxay wadooyinka waaweyn isla taageen baroor ilmadu hibitiqlaysay. Tabtaas oo kale ayaa dad badan oo Somaliland lajecelo ka qabaa baroordiiq ugu qaabileen warka sheegaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Dekedda Berbera dib ugu magacaabay Eng. Cali Xoor-xoor.

 

Ma jirto tabaalo bulsho ku habsata oo ka weyn kana aafo xun musuqmaasuq iyo ku takrifalka hantida Qaranka ee umadda ka dhaxaysa.

 

Wixii ugu weynaa ee lagu ololayn jiray Dawladii Daahir Rayaale Kaahin, waxay ahayd oo kow ka ahaa ku takrifalka umadda, mana jirin meel ku takrifalkaasi kaga badnaa Marsada Berbera iyo maamulkeeda oo  Eng. Cali Xoor-xoor kow ka ahaa. Waxaanu ahaa mawduuca ugu awooda badan ee KULMIYE ku ololayn jiray Madaxweynaha maantuna golayaal badan kaga hadli jiray.

 

In tallaabooyin badan oo wax ku ool ah ay Dawladda maanta jirtaa qaaday muran kuma jiro, ha ahaato kordhinta mushaharka shaqaalaha, bededalka lacagtii giimbaarta ahayd ee gobolka Togdheer iyo tayadda iyo waxqabadka Wasiirada qaarkood, muran kuma jiro.

 

Eng. Cali Xoor Xoor iyo maamulkiisii dekedda Berbera waxa ay ka mid ahaayeen baraha ugu madow ee dawladdii Rayaale, uguna aayo xumaa, soo celintiisuna waxay lidu ku tahay rajadii iyo yidiidiladii la qabay. Dawladana wuxuu ku noqonayaa xanuunkii ay u dhiman lahayd.

 

Marka laga yimaado Musuqmaasuqa Eng. Cali Xoor-Xoor heerka uu gaadhsiisan yahay oo qof kasta oo damiir leh dareemi karo, waxaan u soo noqonayayaa maamuladii kala danbeeyey ee Dekedda Berbera, iyada oo Eng. Cali Xoor-Xoor lagu xasuusan doono musuqmaasuq.

 

Haddaba Dekedda Berbera oo ka mid ah ilaha dhaqaalaha Jamhuuriyaddan 21 jirka ah ee Somaliland ayaa waxa naafeeyey maamulo xumo iyo musuqmaasuq uu kow ka yahay ng. Cali Xoor Xoor oo ah maareeyaha Dekedda Berbera.

 

Shalay markii uu ka hadlayay dhulka Berbera waxa uu yidhi tani waa shaqayda, Cali Xoor Xoor miyuu ilaaway inay shaqadiisu tahay Maareynta Dekedda Berbera ee Musuqmaasuq ugu fiday sida cudurka Kansarka ee uu kow ka yahay, waxa kale oo aan xasuusin lahaa in dhulka Berbera loo doortay Gole deegaan.

 

Haddaba mudada intaa le’eg ee uu Cali Xoor Xoor maareyaha ka yahay Dekedda Berbera waxa garan waayay in uu dekedda u sameeyo websiteyar oo bal information-ka Dekedda laga ogaado oo dadka wax kala soo degaa ka ogaadaan kolba wixii isbedel ah ee lagu sameeyo dekedda.

 

Sanadkii hore ayay ahayd markii uu Cali Xoor-xoor u dabaaldegayay gaadhi dabdamis ah oo uu dekedda u iibiyey isagoo u iibin kara 10 gaadhi oo dabdamis ah (For Health and Safety) ah, maxaa yeelay hal dabdamis kuma filna Dekedda Berbera oo kaliya, waad ogaydeen wixii ka qabsaday markabkii ku gubtay Dekedda dhexdeeda iyo sidii loo bakhtiinayay.

 

Haddaba Cali Xoorxoor inta aanu dawladda Siilaanyo sidii Kansarka ugu faafin ee aanu aafayn waxa muhiim ah kansarka halksiisa loogu tagaa oo lagu operation garayaa in la iska qabto.

 

 

Said M. Hussein

BristolUK.

 

Filed in: Articles

You might like:

Asxaab Daawo: Asxaabta Qaran oo ka hadlay kulan ay la yeesheen Deeqbixiye yaasha.
DSC02263 Maamulka Degmada Mandheera oo Olole Nadaafadeed ka fuliyay Magalada Abdaal
Xasan Adam EBOLA: ALAMTARANA SOO DHAAFYE MA KA ARRINSANAA. by Dr Xasan Wali
Suldaan Abu Sufyaan oo Sheegay oo soo dhaweeyey Musharaxnimada Madaxweyne Silanyo Umada Islaamka ahna ugu hanbalyeeyey Sanadka Cusub
dddddddddddddddddddd Suldaanka Fiqi-shinni iyo Beeshiisa oo Casuumad loogu sameeyey Duleedka Hargeysa
siilaanyo441 Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyeeyey Sanadka Cusub ee Ismaamka.

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.