Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray waddani wax-qabad badan.

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Hordhac.

Wanaaga waana la iskaga daydaa, waana la hidda raaca qormadan waxaan ku falanqayn doonaa arrimahan hoose: Nabadda, danyar gargaarka, wadaniyadda, wax-qabadka, bulsho abaabulka, dhiiranaanta iyo gabasho la’aanta.

Sh. Aadan-siiro iyo nabada: Sh. Aadan siiro markaad u kuur gashid khudadihiisa salaada jimce ee masaajidka xawaadle ee hargaysa celcelis ahaan wuxuu nabada uu ka hadlaa 80% taaso ina tusaysa inuu nabadayta qayb libaax ka qaato waxaanu tusaale u soo qaadan karnaa xaafada uu ku yaalo masaajidka xawaadle intaanu Sh. Aadan-siiro masuulka ka noqon masaajidka waxa  xawli ku socon jiray tuugnimada, Dilka, kufsiga, koox isku laynta, dhalinyarta oo xaafad xaafad isku laysa, sakhraanimo, macsida iyo waliba dadka xun ee guryaha laga kireeyo. Sh.adan-siiro oo lagu yaqaan geesinimo aan hadalka la gaban, ayaa ka badheedhe jiray hadba wixii uu arko. Isagoo farta ku fiiqi jiray cidii wax xumaynaysa.

Kadib markii uu Sh. aadan siiro masaajidka la wareegay wuxuu wada tashi qoto dheer la yeeshay bulshada xaafada sidii arrimahan loo af-jari lahaa iyo isagoo oo wacad ku maray inuu soo gebo-gebayn doono marxalada xun ee xaafada ku jirta isagoo talaabooyin hor leh qaadaya ayuu sameeyey saldhig boolis ah oo isagu gacantiisa kharashaadka ka bixiyey, ka dib booliskii xaruunta waxay markiiba gacanta ku dhigeen tuugtii, dilkii, kufsigii, kooxaysigii iyo dhamaan fasahaadkii xaafada ka socday.

Taariikhda aynu dib u raacno Sh. Aadan siiro wuxuu ka mid ahaa culimadii dalka xasiloonidiisa ka qayb-gashay ee ugu horaysay kadib markii ay ururkii S.N.M ay dalka qabsatay. Wuxuu ka ahaa culimadii samaysay distoor islaami ah oo dalka lagu dhaqo marka laga xoreeyey rajiimkii siyaad barre, laakiin nasiib darro wanaaga lama qaadan.

 

Sh. Aadan siiro iyo danyar gar-gaarka: waxyaabaha uu ka qayb-qaatay sh.adan siiro ee dadka lagu caawiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan dalka gaar ahaan reer hargaysa lama soo koobi karo balse waxaynu soo qaadan doona qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn mashruuca miskiin caawinta ee xaafada xawaadle oo lagu quudiyo dad gaadhaya 200 qoys ayaa bil kasta la siiya guud ahaan oo uu mashruucani oo uu gacanta uu ku hayo sh. Aadan siiro isla mrkaana 80% bixiyo kharashka ku baxa oo aanay cid kale la bixin markaad u kuurgasho siduu mashruucani u guulaystay waxaad odhan kartaa xaafada xawaadle waxay gaadhay isku filaan dhinaca baahida cuntada ee masaakiinta. Waxa kale oo xusid mudan siduu sh. Aadan siiro u baahi tiray masaajidka xawaadle oo aanad arkayn iyadoo la ururinayo lacag wax lagaga qabto, laakiin wuxuu sh. Aadan siiro gacantiisa ku bixiyaa wixii loo baahdo ee masaajidka ka jira. Waxaan tiro lahayn dadka gar-gaarka ugu tagaya ee u sheeganaya baahi iyago u gaar ah, ee sh. Aadan siiro uu gacan qabto. Waxaa intaasi soo raacda muxaafidiinta ramadaantii tukisa salaada taraawixiid iyo taajudka oo ka farxiyo habeenka 27 ee bisha radamaan, oo u soo ururiyo lacag xaqal-ciid ah.

 

Sh. Aadan siiro iyo wax-qabadka: halkan laguma soo koobi karo wax-qabadka  sh. Aadan siiro, balse waxaynu xusi doona qaar ka mid ah waxyaabaha uu sh. Aadan siiro qayb libaax ka qaatay :

  1. a.      Xabaalaha xeedho: iyadoo dadka reer Hargaysa la yaaban yihiin qorshe la’aanta dawlada hoose ee hargaysa ee aan diyaarin meelo lagu aaso dadka dhintay ayuu sh. Aadan siiro soo bandhigay qorshe ay awoodi waayeen 25 nin ee dawlada hoose ka taliya,  wuxuu bilaabay qorshe uu miiska soo saaray laguna iibinayo beero ku yaal xeedho dadkana lagu aaso. Walibana bixiyey bilawgii lacagta hawshaasi ku baxaysay, kadibna ku xigsiiyey inuu soo ururiyo intii ka dhinayd. Aakhirkiina waxa uu ku guulaysatay inuu dhamaystiro, taasina waxay noqotay in loogu magac-daro xabaalihii, oo loo bixiyo xabaalihii aadan siiro oo uu xaq u lahaa in loogu magac-daro
  2. b.      Sahan: waa goob wax lagu daweeyo waxna lagu baro dadka maskaxda  ka xanuusanaya oo laga soo ururiyo suuqyada magaalada hargaysa.

Dadka maskaxda ka xanuusanaya waxay dhaawacyo soo gaadhsiin jireen dadka suuqa ka ganacsada ee waliba u badan dumarka, arrintani markii ay faraha ka baxday ayuu sh. Aadan siiro keenay fikir odhanaya in loo sameeyo goob lagu daweeyo, oo walibana wax lagu baro markay ladnaadaan. bilawgii qorshahan waxa si buuxda gacanta u qabtay sh. Aadan siiro , oo waliba bixiyey lacagtii lagu bilaabay waxa muuqata inuu sh. Aadan ka fogaaday xikmadii ahayd “ninkii wadaadka ahaa ee masaajidka khudbada ka jeedinayay ee ka hadlay wax bixinta, kadibna xaaskiisii ku tukanaysay masaajidkii ayaa iskala garan wayday oo bixisay dahab ay xidhnayd, ka dib ninkeedii oo khudbad jeedinaya ayay ku tidhi “sheekh dee wax-bixinta ayaad ku dheeraate oo wixii dahab aan xidhnaa ayaan bixiyay’ oo kadib ninkeedi oo khudbada jeedinayey ayaa ugu jawaabay ‘inaan dadka ka ururino ayaan isku ogayn ee inaad adugu bixiso iskumaynaan ogayn.” Wax kasta oo la bixinayo sh. Aadan siiro ayaa isku bilaaba inuu bixiyo inta hore ka dibna dadka kale ayuu u gudbaa.

  1. c.       Dawga cad: waa wado aan laga sheekayn karin siday tahay, waxay isku xidhaa Hargaysa iyo waqooyiga ila jabuuti gawaadhi ku rogmatay wax qalin lagu soo koobi karayo maaha. Waxay isku nooc yihiin waddada sheekh ama dawga sheekh. Wadada dawga cad muddo dheer ayey dhibaato ku haysay dadka u kala socda hargaysa iyo jabuuti oo dadku aanay marna ku fekirin inay sameeyaan.  Sh. aadan siiro oo ku caan baxay wax qabad iyo abaabul, ayaa keenay fikir ahaa in la isku tashado oo la ururiyo lacag lagu sameeyo dawga cad kadib sh.aadan siiro wuxuu qaaday dhawr talaabo oo isku xiga si loo hirgaliyo qorshaha dhismaha wadada waxaanu shirar badan la yeeshay wax-garadka, aqoonyahanada, odayaasha, dhalinyarada, siyaasiyiinta, ganacsatada, cuqaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada wuxu hirgaliyey in la bilaabo dawga cad. Wuxuu safar dheer ugu baxay dibada si uu u soo ururiyo qaadhaan lagu sameeyo dawga cad taasi ilaa hadda meel fiican maraysa.

Sh. Aadan siiro iyo bulsho abaabulka:sheekh aadan siiro wuxuu can ku yahay halhayska ah.”inay bulshadu isku tashado oo ay wax wada qabsato, balse dawlada aan wax laga sugin”. marka aad u kuurgashid hawlaha uu ku mashquulsan yahay waxa kuu soo baxaya inuu bulshada ugu dhex jiro sidii ay horumar baaxad leh u gaadhi lahayd. Waxa jiray odayaal iyo dad wanaaga jecel ah oo ka shaqeeya sidii xaafadaha hargaysa loo hagaajin lahaa sida nabada, macsida, tuugta, ciyaalo suuqa, ka dib waxay u yimaadaan sheekh aadan siiro oo lagu yaqaan inuu qayb libaax ka qaato taageerida iyo taakulaynta hawlahaasi ay dadkaasi isku xil saareen. maaha oo kaliya inuu talo siiyo balse wuxuu ka gaystaa lacag toos ah oo hawsha fududaysa. xafiiskiis waxa hadh iyo haben ku jira dad siyaabo kala duwan u cabanaya dhibaatooyin waxaabaad mooda inuu hawlaha dawlada qabanayo waayo hawshani waa mid ay qabtaan masuuliinta dawladu

Sh. aadan siiro iyo diiranaanta: markii ay koonfurta  soomaaliya qabsadeen golahii maxaakiinta islaamiga ahaa, guud ahaan somaliland waxay isha ku haysay si aanay saamayn ugu yeelan dawlada somaliland. dhamaan wadaadadii reer somaliland waxay ku  fashilmeen inay shacabka reer somaliland ku qanciyaan inay yihiin dawlad jirta oo aanay khusayn laydha ka socota koonurta soomaliya. sheekh aadan-siiro oo lagu yaqaano dhiiranaan iyo qabasho la’aan xaga wadaniyada ah, ayaa bilaabay in bulshada reer somaliland ku qanciyo in aanay khusayn kacdoonka wadaadada ee ka socda koonfurta soomaliya. wuxuu jeedin jiray khudbado isdaba joog ah oo uu kaga hadlayay in wadaadada reer soomaaliland in meel cad ka istaagaan laydha ka socota somaliya ee ay hogaanka u hayaan wadaadada reer koonfureed ahi. wakhtigaasi waxa la waayay hal wadaad oo difaaca qadiyada soomaaliland oo ka badheedha mawqifkiisa uu aaminsanyahay .mar kaliya ayay bulshadii reer somaliland ay arkeen heerka wadaniyada ee sheekh aadan siiro iyo waliba dhiiranaantiisa uu ugu babac dhigayo kuwan gashan shaadhka wadaad ee doonaya inay kala diraan somaliland. Isagoo halhays ka dhigan jiray” waar reer somaliland ma aqbali doonaan diin qof keliye si leekaysiiyey, oo la soo waarido”.  Waxa dhacay in masaajidkii xawaadle uu dadkii qaadi kari waayay khudbadii jimcaha ee sh. aadan siiro ka jeedin jiray….

 

             Cali cabdi coomay

             calicoomay@hotmail.com

              Suxufi, qoraa ah.

             B.A in journalism

 

Filed in: Articles

You might like:

sacad Wasiirka Qorsheynta oo Sheegay in aanay Somaliland ka Qaybgalay Shir Qaramada Midoobay waddo oo lagu qabanayo Denmerk.
madaxweyne-siilaanyo Dhegeyso: Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in Shirkii London lagu qabtay ee lagaga hadlayey Maalgashiga Somaliland uu ahaa Mid Guul Somaliland u soo hooyey.
Siilaanyo Madaxweyne Siilaanyo oo Beeniyey inuu ka Tanaasulay Doorashada 2015-ka
cali guray “Ama shakiga mucaaridka ayaa been noqon, Ama qawlka iyo ficilka xukuumada ayaa rumoobi” Cali Guray
boobe “Xisbiga Kulmiye Ee Qabsan Kari Waayay Shirkiisii Golaha Dhexe, Ayaa Aayaha Somaliland Ka Talinayaa Mid Caqliga Galaysa Maaha”Mujaahid Boobe
cali khaliif Cali Khaliif Galaydh oo saaka Buuhoodle ka Duulay, kana qayb galay shir Addis ababa loogu qabanayo Maamuladda Somaliya

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.