Isticmaalka Qabyaalada Ee Siilaanyo iyo inta Ku Xeerani Waxay Sababtay in Wasiiradii Beeshiisu Ka Badbaadaan Xilka Qaadis, Kuwo Cusubna Loogu Daro.

Qormadii 1 aad:

Madaxweyne siilaanyo wuxuu xilka madaxweynenimo hayay mudo sadex sanadood ah ,waxanu bilaabay in uu masuuliyiintii uu xilka u dhiibay ka qaado markii uu siilaanyo xilka hayay mudo laba bilood oo kaliya ah ,iyada oo masuulkii ugu horeeyey ee uu siilanyo xilka ka qadana uu ahaa maareyihii wakaalada korontada ee hargeysa oo uu xilka ka qaaday markii uu haayy mudo laba bilood ka yar ,sidoo kalena siilaanyo isku shandheynta iyo xilka qaadista golaha wasiiarda wuxuu bilaabay markii uu xilka hayay mudo shan bilood ah oo uu markaa xilka ka qaaday wasiirkii dekedaha iyo kaluumaysiga iyo wasiirkii boosaha iyo isgaadhsiinta.

Tan iyo mudadasi aynu soo sheegnay waxaa socotay xilka qaadis iyo isku shandhen is daba joog ah oo ay ka maqan yihiin ama ay ka madax banan yihiin wasiirada iyo masuuliytiinta kale ee ka soo jeeda beesha madaxweyne siilanyo tusaale ahaan isku shaandhenta ugu danbeysay iyo kuwii ka horeeyey ee la soo saarayba waxay ahaayeen kuwo mucjiso ah oo dadka waaweyn iska daaye caruurtu ay la yaabtay qof wal oo ad isla taagto marka isku shaandheynta  la sameeyo ama kula soo hadlaaba wuxuu ku weydiinaya siilaanyo wasiiradan uu qaarkood eryay qaarkoodna casilay wax ma kaga jiraan afartii wasiir ee beeshiisa ka soo jeeday markad ku jawaabto mayana qof waliba wuu ka dhaqaaqaya ama telefanka ayuu kugu jarayaa isagoo hadlkiisa ugu danbeeya ee ka soo yeedhaana uu yahay oo hadaa maxaynu isku sheegaynaa.

Hadaba saxiibayaal nin odey ah oo mduo dheer ay soo wada shaqeun jireen siilaanyo hadii ay tahay xiligii kacanka iyo xiligii halgankii SNM ayaa igu yidhi siilaanyo waa nin qabiil oo kursi jecel waxaanan u malaynaya hadii waxan la sheegayo isagu uu soo qoray wasiirada kale ee uu xilka qaadayo wuxuu ku dhex tarixi lahaa marka ay ugu liiidato mid ama laba ka soo jeeda wasiirada beeshiisa si uu indhaha dadka iskaka jeediyo waxanu ninka odeyga ahi ii sheegay in masuuliyiinta la maagcaabay qarkood oo uu aqoon u leeyahay ay u sheegeen in aysan isba arag madaxweyne siilaanyo ee ay la kulmeen dad ay iigu sheegen buu yidhi inay yihiin dadka mamula xilka qaadista iyo magacaabista.

Waxa kale oo uu ninka odeyga ahi ii sheegay intuu madax ruxay SOOMAALIDU NINKA AY ADHIGA KALA QUUSATO AYAY GEELA U DIRTAA.

Siilaanyo-na waxa lagu doortay caadifad qabiil umada dooratayna waxay u qaybsanaayeen laba qaybood  qayb dhalinyaro ah oo aan ogeyn tariikhda siilaanyo iyo dad si fiican u yaqaaney laakiin rumaysna in uu dhaami doono sidii uu qabyaaalda ku ahaan jiray markii uu ahaa gudoomiyihii SNM, oo uu samayn jiray wax badan oo uu qof wal oo damiir lahi ka xishoon lahaa waxaa jiraybuu yidhi ninkan odeyga ahi dhawr dawladood oo marka ay ciidamadii SNM dagaal galaan dhaawacooda u fidin jiray gar gaar caafimaad oo inta dhaawaca la qaado lagu soo daweyn jiray dalalka dibeda waxanu siilaanyo samayn jiraybuu yidhi in iyada oo xarumihii SNM ay jiifaan dhaawac aad u liita oo gar gaar deg deg ah u baahan uu dhalinyarda beeshiisa ku dhoofin jiray inay yihiin dhaawicii SNM ,iyagoo bad qaba oo aan dhaawac ahayn.

Hadaba akhristow sideebay suurto gal u tahay  marka uu siilaanyo u cadaalad samyn waayey dhaawicii SNM isagoo xiligaasi cibrigiisa ama da’diisuba ay ka yarayd halkan uu manta taagan yahay caafimaad ahaanna uu ka wanaagsana xiligaasi ,sideebay manta suurto gal u noqon kartaa in uu siilaanyo u cadaalad sameeyo wasiirada iyo masuuliyiinta ka soo jeeda beeshiisa iyo kuwa ka soo jeeda beelaah kale ee Somaliland.

Hadaba markii ay soo dibad baxday isku shandhentan iskugu jirtay xilka qaadista,casilaada iyo eryida ee saameynta xun ku yeelatay inta badan golaha wasiirada marka lag rebo wasiirada beesha madaxweyne siilaanyo ,waxaan la kulmay in inta badan isagu ku doodi jiray in madaxweyne siilaanyo uu yahay nin qabiil oo marka isaga iyo inta ku xeerani ay sameynayaan isku shandhen aysan suurto gal ahayn in ay ku jiraan wasiirada beeshiisa ka soo jeeda oo lagu tilmaamo inay yihiin kuwa ugu musuq-maasuqa badan uguna kartida liita waxaana muuqata in dhacdadani markhati buuxa u furayso ninkaa odeyga ah ee aynu soo sheegnay.

Hadaba halbeega ugu weyn ee ay soomaalidu leedahay qaa qabiilka waxaana hubaal ah nin arintani ay daah ka rogtay oo makasta iyo ma garatada ee aan markii hore wax badan ogeyn fahamsiisay siilaanyo ninka uu yahay ,hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah suugaantii Allaha u nxariistee Abwaankii C/laahi Suldaan Timace oo tilmaamaysa cidhib la’aanta ama aayo la’aanta ay qabyaaladu leedahay waxanu yidhi sidan.

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Anuunbaa damqanayee dhaguhu  uma daloolaan

Dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iidaan

Bal inay qalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore u soo daashadey dagashanaysaa

Ubaxiinii waad daadiseen waanad tubateen

dubaaxdiisa waad wada canteen duhur dharareed

tariiq toosan soomaalidaay waa lagaa daday

dube madax waad iskala dhacdaan daa’im abidkiin

ninka duday distoorkiyo (quraanka) waxyiga diintii ka carow

dabac yaa lahaayeey intaynu isku duuleyno

dar dar la isku laayiyo intaan weerar daba joogno

aynu dumarku weerkii sitaan danabadii waayay

uu sida dareemadan u yaal meydku dabadeena

kola doogsan maysan intaad dunida joogtaan.

La soco taxanaha danbe ee qormooyinkan

Qalinkii:C/risaaq Suudi nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

Filed in: Articles

You might like:

dood Daawo Dood Adag: Sedex-da Xisbi Qaran ee Somaliland ka dooda Khilaaf ka Wakiilada.
sl Solja oo Cambaareeyey Wariyihii Horn Cable ee lagu xidhay Gabiley
dfsfafdfsdf Waakuwan Qodobada xukuumaddu ka hadhi wayday ee G. saleebaana Hiilka qaawan ka galay.‏
GetAttachment WELI MA DHAQANKII DAAYEERKA AYAAD LEEDAHAY ?‏
qor1 mahadhooyinkii xagaagiyo maalmihii ku suntanaa‏
cooraaf MOOSHIN KA MACAASHNIMADA GOLAHA WAKIILADA IYO MUDDO DHEERAYSIGA XUKUUMADA‏

Leave a Reply

You must be Logged in to post comment.

© 2014 Waaheen Media Group. All rights reserved. XHTML / CSS Valid.
Proudly designed by Theme Junkie.